Sign in to follow this  
Dhuujiye

XOG LA HELEY: Museveni oo u Hanjabay Labo Shariif Amisom oo

Recommended Posts

Dhuujiye   

Kampala (RBC) Waxaa soo baxaya xog ku saabsan wada hadalo qarsoodi ah oo labada Shariif dhowaan la yeesheen madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Museveni intii uu socday kulankii lagu soo gooyey heshiiskii Kampala ee la soo saxiixay 09-kii June.

Xogtan ayaa cadeyneysa in madaxweynaha Uganda Museveni uu digniin hanjabaad ah u jeediyey madaxweyne Shariif Axmed iyo afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan, isagoo u sheegay inuu xiri doono haddii ay deg deg isugu raaci waayaan heshiiska Kampala.

Markii uu ereydaasi sheegayey Museveni waxaa goobta joogay Augustine Mahiga oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana warbixintu sheegeysaa in Mahiga uu la dhacsanaa caga jugleynta dhegaha loogu shubay labada Shariif.

Wuxuuna Mahiga u sheegay labada Shariif in Museveni uu yahay nin aan laga hor iman Karin taladiisa, waayo ayuu yiri “wadanka Uganda waa kan ciidanka ugu tirada badan ay ka joogaan Muqdisho isla markaana ilaaliya xarumaha dawlada gaar ahaan Villa Soomaliya”. Wuxuuna sidaa awgeed Mahiga kula taliyey labada Shariif inaysan isku dayin inay ka hor yimaadaan hadaladiisa.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Mr. Mahiga, oo ahaa ninkii dejiyey shaxda heshiiska Kampala laftiisu uu aad ugu qanacsanaa in heshiiska Kampala duuduub loo qaato, isla markaana si wax ku ool ah loo fuliyo waxyaabaha ku qoran.

Hanjabaad labo-waajiilanimo

Sidoo kale xogta aya tilmaantay in Museveni uu hanjabaad kale u jeediyey wadamada beesha caalamka, isagoo sheegay in haddii DKMG waqti sanad ah loogu kordhin waayo uu ciidamdiisa ka soo saari doono Muqdisho ka dibna Al-Shabaab ay si deg deg ah u afgembin doonto DKMG oo ah mid aad u jilicsan awood ahaan.

Warbixinta waxay sheegtay in hadaladaasi ka soo yeeray Museveni ay waji gabax ku ahayd xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo bshii Febraayo 3-deeda Muqdisho ku meelmariyey in mudo 3 sano ah ay ku darsadeen. Markasina go’aanka barlamaanka Soomaaliya waxaa wxba kama jiraan ka dhigay hadalka Museveni.

Amisom oo u digtay Raysal wasaare Farmaajo

Xogtan ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, oo u badan kuwa Uganda ay si cad ugu digeen raysal wasaarihii hore ee DKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyagoo u sheegay in haddii uu iscasili waayo, sida ku qoran heshiiska Kampala in Amisom aysan masuul ka ahayn amnigiisa.

Waxay Amisom sidoo kale Farmaajo u sheegeen in Yuweri Museveni oo ah taliyaha guud ee ciidanka Uganda ee loo yaqaano UPDF uu amar ku soo siiyey in ay ilaalada ka qaadaan guriga raysal wasaare Farmaajo hadduu ka biyo diido iscasilaada sandulyada ahayd ee lagu soo qoray heshiiska Kampala.

Warbixinta oo laga heley ilo diblomaasiyadeed oo ajnabi ah ayaa sheegtay in Soomaaliya oo 51 sano ka hor xoriyadeed qaadatay ay hadda u muuqato mid magan u ah Augustine Mahiga iyo Yuweri Museveni, gaar ahaan arimaha go’aan gaarista dawladeed. Waxayna inta ku drtay xogtan in Soomaaliya ay hadda ugu liidato marka loo eego marxaladihii ay soo martay 20kii sano ee burburka.

Hogaan xumida labo Shariif*

Xogta ayaa dhanka kale taabatay hogaan xumi iyo aqoon yaraan dhanka siyaasadda oo hareysay labada Shariif, waxayna xogta tilmaantay in labada Shariif ay u dhaqmaan sida “Xarfaan burcadnimo ku heshiiyey” halkii ay ka noqon lahaayeen madax qaran.

Waxay tusaale u soo qaadatay in hannaanka dawladnimo uu labada nin uga weyn yahay saaxiibtinimada oo wax badan ay ku saleeyeen. Tusaale ahaan xafiisyada dawlada sida wasiirada, madaxtooyada iyo xafiiska gudoonka barlamanka waxaa dhamaan ay geeyaan rag ay isku mabda’ yihiin oo ay saxiibtinimo ku soo xusheen Labada Shariif halkii ay aqoon iyo karti ku soo xuli lahaayeen masuuliyiinta waaxyada muhimka ee dawlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this