Sign in to follow this  
Somalina

Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!

Recommended Posts

Somalina   

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Gaas oo si wada jir u qaabilay Wasiir ka socday Holland

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisuk Wasaare C/wali Maxamed Cali ayaa maanta si wada jir ah ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Wafdi ka socday Dowladda Holland oo uu hogaaminayay Wasiirka Horumarinta iyo Islaashiga Caalamiga mr Ben Knapen.

qaabilada-madaxtoyada_2.jpg

 

Kulanka kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrimaha ammaanka ayuu sheegay inay tahay mid muhiimad weyn leh, isagoo ka dhawaajiyay in Ammaanka horumar laga gaaray, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la hormariyo dhanka adeega bulshada sida Korontada, Biyaha, Waxbarashada, Iskuulada iyo Isbitaalada, dib u dhiska Wadooyinka sida uu yiri.

qaabilada-madaxtoyada_3.jpg

Madaxweyne Shariif ayaa Wafdiga Holland ka socda u sheegay in sida ugu haboon ee looga hortagi karo macluul ka dhacda Soomaaliya ay tahay in la xoojiyo Xukuumada Soomaaliya, isla markaana ay awood ugu yeelato sidii ay u difaaci laheyd shacabkeeda.

qaabilada-madaxtoyada_6.jpg

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa isna waxaa uu soo hadal qaaday qorshe howleedka Xukuumada, isagoo ka dhawaajiyay in Muqdisho kaliya aanay ku ekeyn, hase ahaatee ay quudareynayaan inay gaarsiiyaan xuduudaha uu dalalka deriska ah, waxaana uu ka dhawaajiyay in Al-Shabaab ak qabsadeen dhul ballaaran.

 

Mar uu ka hadlay howlaha dib u heshiisiinta ee Xukuumadiisa ayuu Ra'iisul Wasaaruhu sheegay inay heshiis la saxiixdeen Maamulka Puntland, waxaana heshiiska ku macneeyay in ujeedkiisa yahay sidii lagu xoojin lahaa xiriirka Dowladda KMG iyo Maamul Goboleedyada ka dhaxeeya, taasoo uu qeexay in Xukuumadiisa xooga ku sareyso dhaqan felinta qorshe howleedka u degsan.

 

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Dowladda Soomaaliya Mr C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay kulanka la isku afgartay, waxaana uu soo dhoweeyay imaatinta Wafdiga ka socda Dowladda Holland.

qaabilada-madaxtoyada_1.jpg

 

Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Holland Mr Ben Knapen ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalada ay la yeesheen Madaxda Dowladda uu yahay mid sare loogu qaadayo sidii looga hortagi lahaa musiibada xaga bani'aadanimada ee ka jirta Soomaaliya, isla markaana loo xoojin lahaa ammaanka, isagoo sheegay in wada hadalka ahaa mid ay ku dhiira gelinayaan Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo sanadkii la soo dhaafay ilaa iyo hada horumar sameeyay.

 

qaabilada-madaxtoyada_7.jpg

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo qul qulayay wafuud caalami ah oo ka socoda dalalka caalamka, waxaana imaashihii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ay Soomaaliya u noqotay mid bog cusub u furtay safarada ay Madaxda Caalamka ay maalin walba si is-daba joog ugu imaanayaan Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Howl galo maalintii labaad ka socda Muqdisho iyo Saraakiisha Dowladda oo soo bandhigay Hub iyo rasaas

 

 

Ciidamo gaar ah oo dhowaan Dowladda u xilsaartay sugida Amaanka Muqdisho ayaa maalintii labaad howl galo ballaaran ka wada Magaalada Muqdisho, xilli shalay howl galadii ay sameeyeen ku soo qab qabteen Hub, rasaas, qoryo gacmeed iyo waxyaabaha qarxa.

 

Howl galadan ayaa xoogooda waxay ka socdaan Xaafadaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Boolis, Milateri iyo Nabadsugid.

 

Saaka ayaa howl galada waxaa lagu qab qabtay dad fara badan oo qaarkood lala xiriirnayo falalka amaan darida, sidoo kale waxaa ku jira Ciidamo ka tirsan Dowladda oo hub iyo rasaas iyagoo iibinayay lagu soo qabtay.

 

Taliska Booliska ayaa shalay Xarunta 888 ku soo bandhigay Hub iyo waxyaabaha qarxa, iyagoo qaarkood ku tilmaamay in la iibsanayay, halka qaarkoodna lagu fulinayay falal ammaan daro.

 

Jeneraal Shariif Sheekhun Maye Taliyaha Booliska Soomaaliyed ayaa sheegay in howl galka uu sii soconayo ilaa Muqdisho ay dib ugu laabato 20-sano ka hor sidey aheyd.

 

Howl galada ayaa u muuqda mid aan kala go' laheyn kadib markii dhowaan Wasaarada Arrimaha Gudaha ku dhawaaqday in Ammaanka la xoojinayo, lana dagaalami doono Ciidamada dharka sita.

 

Howl galadan ayaa noqonaya kuwii ugu sareeyay ee soo mara Muqdisho, isla markaana si xiriir ah u socda, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Gudiga Amniga qaranka ay qorshayaal xaga ammaanka u dajiyeen Caasimada Muqdisho.

howlgalada-boliska_2.jpg

howlgalada-boliska_3.jpg

howlgalada-boliska_5.jpg

howlgalada-boliska_6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in DKMG ah ay diyaar u tahay wadahadal ay la furto Al-shababa

 

Jimco, September 09, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali oo BBC-da kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in DKMG ah ay wadahadallo la furayso Xarakada Al-shabaab isagoo ku xiray shuruud ah inay hubka dhigaan.

 

Dr C/weli Gaas oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalaya shir looga hadlayo abaaraha ku dhuftay dalalka bariga Afrika ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay wadahadallo la furaan Al-shabaab, isagoo sheegay in dowlad ahaan ay qorsahaha ugu jirto sidii ay dalka oo dhan nabad ugu soo dabbaali lahaayeen.

 

"Waxaa jira calaamado muujinaya in Al-shabaab ay doonayaan inay billaabaan wadahadal ay la furaan dowladda KMG ah, innaguna waxaan rajeynaynaa inaan la hadalno," ayuu yiri C/weli Gaas.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay dhowr jeer oo hore kula taliyeen Al-shabaab oo inta badan ka talisa Soomaaliya inay soo fariistaan miiska wadahadalka si looga gudbo dhibaatada jirta, isagoo xusay in dhankooda ay ka dabacday arrinta.

 

"Haddii ay hubka dhigaan oo ay doortaan nabadda iyo inay kusoo biiraan dowladda waan soo dhaweynaynaa," ayuu mar kale yiri, iyadoo aysan jirin weli wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo inta badan Muqdisho ka baxday bishii hore. Inkastoo dhowr jeer oo hore ay diideen inay la hadlaan dowladda KMG ah.

 

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa dalbaday ciidamo dheeraad ah in lagu xoojiyo AMISOM, si ay u suurogasho sida uu sheegay in goobaha Al-shabaab ay ka taliso la gaarsiiyo gargaarka bani'aadamnimo.

 

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka talisaa degmooyinka Muqdisho intooda badan, halka ay Xarakada Al-shabaab ka taliso gobollada ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyo degmooyin ka tirsan Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kulan magaalada Nairobi ku dhexmaray Ra'iisul wasaaraha Somalia iyo Ra'iisul Wasaaraha Kenya

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Kenya Rt Hon Raila Odinga. Kulankan ayaa waxuu ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kenya. Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxey labada Ra’iisul Wasaare uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xirirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee labada dal, arrimaha amniga iyo horumarka laga sameeyey ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo arrimo kale oo fara badan.

 

Abdiweli-and-Raila-2.jpg

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayey arrimaha abaaraha ee waddamada Geeska Afrika. Kulan oo ay marti gelisay dowladda Kenya ayaa looga hadlayey sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha abaaraha ee ka jira dalalka Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhigiisa dalka Kenya gaar ahaan shirka muhiimka u ah Soomaalida oo ay dowladda Kenya iska xilsaartay oo ay waliba ku casuuntay dhammaan dalalka Geeska Afrika, Qaramada Midoobey iyo beesha Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda KMG Somalia oo faahfaahin ka bixisay waxqabadkeeda muddadii ay xilka haysay

 

Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Xukuumadda Federalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay waxqabadkeedii dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, gar-gaarka bani’aadanimo, wadatashiga Soomaalida iyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

 

La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ahna afhayeenka xukuumadda mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yarisow) ayaa sheegay inay jiraan horumar fara badan oo laga sameeyey dhinacyo kala duwan, hase yeeshee aysan xukuumaddu is-dhiganayn bacdamaa caqabadaha jira ay aad u badan yihiin, waqtiguna uu aad u yar yahay.

 

"Xukuumadda waxaa ka go’an in muddada 12-ka bilood ah lagu qabto howlo far badan si loo gaaro ujeedooyinka aan hiigsaneyno," ayuu Inj. C/raxmaan Yariisow ku sheegay qoraal ay xukuumaddu soo saartay.

 

Arrimaha horumarka ballaaran laga sameeyey ayuu ku sheegay:

 

1. AMNIGA:

 

Ogoosto 6-deedii waxaa muqdisho isaga baxay Al-Shabaab. Ciidamada dowladda muddo fara badan ayay si is-daba-joog ah ayay guulo u gaarayeen dagaallada, iyadoo Al-shabaab dhallinyaro badan uga dhinteen dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

 

"Dowladdu waxay u saartay guddi heer wasiir ah oo qiimeyn kusoo sameeya goobihii ay ka baxeen Al-Shabaab kaddibna la dhisay ciidan gaar ah oo soo celiya amniga caasimadda, isla markaana la wareegay suuqyadii Bakaaraha iyo suuq Bacaad oo lagu guuleystay in laga illaaliyo bililiqo. Waxaa lagu guuleystay in maamullo loo sameeyo degmooyin iyo guddi amni oo xaafad walba loo sameeyay. dowladdu waxay aaminsan tahay in Al-Shabaab aysan dhiman oo ay weli nool yihiin," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

 

2. GAR-GAARKA BANI’AADANIMO:

 

Xaaladda bani’aadanimo ama macluusha ka dilaacday dalka waa tii ugu xumeyd 60-kii sano ee la soo dhaafay. Sababaha keenay inay macluusha heerkan gaarto ayaa ah in Al-Shabaab ay dadkii ka hor-istaagay gargaarkii bani’aadanimo, dagaallada dalka ka soconayay muddo dheer iyo roobabkii oo yaraaday.

 

Dowladdu waxay durbadiiba ku dhaqaaqday inay shacabka ku soo barakacay Muqdisho u sameyso xerooyin sida Bad-baado iyo Rajo oo loo sameeyay hoy, biyo isla markaana si joogta ah loo quudiyo barakacayaasha Soomaaliyeed.

 

Dowladdu waxay ku guuleysatay qeylo dhaan rasmi ah oo keentay in madaxdii caalamka qaarkood ay yimaadaan Muqdisho, sida madaxweynaha Djibouti, ra’iisul wasaaraha Turkiga, wasiirka arrimaha dibadda Iiran, Amiirka Imaaraadka Carabta, wasiirada horumarinta caalamiga ee dalalka Ingiriiska, Holand, Sweden, Spain, Amiir Al-Waleed iyo mas’uuliyiin kale oo u soo wada gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

 

Xukuumaddu waxay sameysay guddi heer wasiir ah iyo hay’adda maareynta masiibooyinka oo madax looga dhigay ururada bulshada rayidka ah si mucaawanada loo gaarsiiyo dhammaan gobollada dalka. Waxaa lagu guuleystay in caalamku uu qabto shirar lagu saacidayo shacabka sida shirkii Addis Ababa, kii Turkiga iyo kii Nairobi oo ugu danbeeyey.

 

Ra’iisul wasaare Cabdilweli Maxamed Cali wuxuu ugu baaqay caalamka in xal waara loo helo macluusha oo shacabka Soomaaliyeed loo abuuro mashaariic horumarineed si shacabku uu isagu tashado. Dowladda Turkiga oo ka jawaabeysa codsiga ra’iisul wasaaraha waxay dhawaan billaabeysaa dib-u-dhiska isbitaalka digfeer, goobo kale ee caafimaad iyo waddooyinka Muqdisho.

 

Xukuumaddu waxay ku dhiirri-gelisay hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed inay xoojiso dadaaladeeda, kuna amartay dhammaan hay’adaha bisha cas ama laan-qeyrta cas ee dalalka adduunka inay si toos ah ula soo xiriiraan bisha cas ee Soomaaliyeed oo ay ka saacidaan gar-gaarka bani’aadanimo.

 

3. DIB-U-HESHIISIIN IYO XIRIIRKA MAAMULADA:

 

Ra’iisul wasaaraha barnaamijkiisa xukuumadda ee uu baarlamaanka ansixiyay waxuu ku xusay inuu xoojin doono xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidaas daraadeed, ra’iisul wasaaruhu wuxuu booqasho ku tagay Puntland iyo Galmudug oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey, isla markaana uu dhidibbada u soo aasay xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagana booqday Puntland oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

 

Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran dib-u-heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada ayay ku guuleysatay in markii ugu horreysay Muqdisho lagu qabto shir Soomaaliyeed oo looga hadlayay mustaqbalka dalka, shirkan oo ahaa mid ay ajendihiisa iyo hoggaamintiisaba lahayd Soomaaliya - waxaa lagu guuleystay in dowladda dhexe, maamullada dalka ka jira iyo Ahlusunna ay isagu yimaadeen iyadoo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuna ay goobjoog ka ahaayeen.

 

Waxaa muddo seddex cisho gudahood lagu guuleystay in la isku raaco dariiqii la mari lahaa 12-ka bilood ee soo socda (Road-map) iyo in la fuliyo arrimaha mudnaanta koowaad u leh shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin: dhameystirka dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah.

 

GUNAANAD:

 

Dowladda Soomaaliya iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda, golaha wasiiraddu waxay ansixiyeen go’aankii kasoo baxay shirka wadatashiga ahaa ee lagu qabtay Muqdisho, waxayna isla markiiba soo saareen siyaasadii lagu dhameystiri lahaa dastuurka oo ka kooban sideed qodob oo ay ka mid yihiin in dhawaan la sameeyo guddi khubaro ah oo dib-u-eegid ku sameeya dastuurka iyo guddi isku dhafan oo ka baaraan dega sida lagu sharciyayn karo dastuurka iyo weliba qorshayaasha la tashiga guud ee dadweynaha.

 

Dowladdu waxay sameysay qorshihii ansixinta Muqdisho iyo dalka intiisa kale oo dhaqan-gelintiisa la wado. Waxaa kaloo u suuro-gashay in dowladdu ay la tashiyo la sameeyo maamullada cusub ee daneynaya inay sameystaan maamulo iyagoo raacaya hab-raaca axdiga.

 

Xukuumaddu waxay waddaa qorsheyaal la-tashiyo lagula sameynayo shacabka Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta oo dhawaan ra’iisul wasaaraha uu kulamo lasoo qaadan doono qurbo joogta Soomaaliyeed.

 

Walow ay jiraan caqabado fara badan ee loo baahan yahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashadaan, haddana Inj. Yarisow waxuu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in lasii joogteeyo horumarka baaxadda leh ee la taaban karo, si loo gaaro himilooyinka aan tiigsaneyno.

 

Ugu dambeyn, Inj. C/raxmaan Yarisow wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qurbo-joogta inay lasoo xiriiraan dowladda si ay kaalin mug leh uga qaataan howlaha baaxadda leh ee socda. Waxuuna u ballan-qaaday in dowladdu ay diyaar u tahay inay dhageysato shacabkeeda, talana ku yeeshaan masiirka dalkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

September 21, 2011

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhisitaanka Guddi Farsamo oo loogu talogalay dhaqan-gelinta Tubta La Tiigsanayo waxaana arintaasi lagu shaaciyey Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya.

 

Warsaxaafadeed

Dhismaha Guddiga Farsamo ee Dhaqangelinta Tubta La Tiigsanayo

 

(Roadmap)

 

Xukuumadda KMG ah ayaa dhistay Guddi Farsamo oo loogu talogalay inay hirgeliyaan roadmap-kii lagu heshiiyay Shirkii Wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay 6dii Sebteembar 2011.

 

Guddigan waxaa wada guddoominaya Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda KMG ah, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

 

Guddigan waxaa xubno ka ah afar wasiir oo ka tirsan Xukuumadda, kuwaasoo kala ah Maaliyadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, iyo Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta. Waxaa sidoo kale xubno ka ah min saddex wakiil oo kala ah dhinacyada Ammaanka, Dastuurka iyo Dib- heshiisiinta ee Puntland, GalMudug iyo Ahlu-Sunnah Wal Jamaacah. Waxaa sidoo kale xubno ka ah guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka ee Gaashaandhigga/Ammaanka, Dastuurka, iyo Dib-u- heshiisiinta.

 

Dhanka beesha caalamka waxaa xubno ka ah wakiillada IGAD, AMISOM, EAC, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

 

Guddiga waxaa sidoo kale lagu soo dari karaa xubno kale haddii loo baahdo.

 

Waajibaadka Guddiga Farsamo

 

1. Guddigu wuxuu mas’uul ka noqonayaa howlaha soo socda:

 

i. Inuu sameeyo faahfaahsan oo lagu dhaqan-gelinayo roadmap-ka;

 

ii. Inuu xiriiriyo, korna kala socdo roadmap-ka;

 

iii. Inuu bixiyo talooyinka farsamo iyo fududeynta siyaasadeed ee dhaqan-gelinta roadmap-ka, isla markaana uu hubiyo in dhaqan-gelintaasi ay waafaqsan tahay Heshiiskii Kampala, si joogto ahna loo raaco in lays waafajiyo waxaayabaha la higsanayo, waqtiyada la doonayo in lagu qabto, iyo waxyaabaha looga baahan yahay in la dhowro marka la dhaqangelinayo roadmap-ka.

 

iv. In la soo uruuriyo dhaqaale gudaha iyo dibedda ka imaanaya oo lagu fuliyo roadmap-ka.

 

v. In la diyaariyo, lana dhaqangeliyo istaraatijiyad warfaafinta iyo iskaashiga si sare loogu qaado taageerada iyo ka-qeybgalka maamullada gobollada, qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, ganacsatada, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, Qurba-joogta, odoyaasha dhaqanka, iyo dhallinyarada sidii loo dhaqan-gelin lahaa Tubta La Tiigsanayo.

 

vi. In la kormeero, lana qiimeeyo sida loo dhaqangelinayo Tubta La Tiigsanayo.

 

2. Guddigu wuxuu ka howlgali doonaa magaalada Muqdisho, wuxuuna diyaarin doonaa, una soo gudbin doonaa warbixin bileed Madaxweynaha Dowladda FKMG ah, Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda FKMG, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Madaxweynaha GalMudug, Ahlusunnah Wal Jamaacah, Baarlamaanka FKMG, La-fududeeyeyaasha, iyo Kooxda Korjoogtada iyo Isku-xirka.

 

3. Guddigu wuxuu:

 

i. Sharciyeyn doonaa shaqadiisa, wuxuuna dajisan doonaa qorshe-shaqeedkiisa.

 

ii. Awood u leeyahay inuu guddoomo warbixinnada ka imaanaya hay’adaha mas’uulka ka ah dhaqan- gelinta Tubta La Tiigsanayo.

 

Dhamaad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this