Somalina Posted August 22, 2011 Benadir Administration announced they're starting renovations on Police Stations and roads in Mogadisho. Mogadishu’s Mayor Mohamed Ahmed Nuur Tarsan told the media that they are willing to start the renovations on some of the police stations, but the TFG is still waiting on financing from the United Nation’s Political Office for Somalia (UNPOS). “As soon as we receive the financing from the UNPOS office in Nairobi we will swiftly start the re-buildings of the police stations here in Mogadishu,” he said during a press conference in Yaqshid Police Station, one of the biggest police stations in the capital. “The office of Dr. Augustine Mahiga, the Special Representative of the General Secretary for the United Nations, has allocated funds to re-construct almost nine police stations in Mogadishu,” the mayor added. He also said that in addition to police stations, the basic facilities in the city, such as sports parks and recreational areas, must also be restored to provide peace and stability to the residents. Once funded, the Ministry for Youth, Sports and Social Service will begin renovations on sports grounds including Konis and Mogadishu Stadiums. Re-opening streets near Bakara Market Areas of Mogadishu Street Improvements in Purple The local government has also started to re-open the streets that were closed during the fighting between the government forces and al-Shabaab militants in Mogadishu, including the roads leading into Bakara Market which served as a stronghold of the militants. Heavy equipment could be seen in the streets around Bakara, the biggest market in Somalia, according to Mohamed Abdullahi Ariig, the speaker of the Banadir Administration. “We brought bulldozers to the Dabka and Tarabunka junctions to re-open Bakara Market amid efforts to beautify the capital,” he said He added that they are sweeping up debris and filling holes in the streets to make it possible for bus shuttles to operate more effectively. “This order come from the Somali government and we are performing our duties of administration in the region,” he explained. Residents of Mogadishu welcomed the government’s efforts towards the cleaning and re-opening of the streets as well as the renovations of the police stations in Mogadishu. Asha Abdullahi Geelle, a mother and businesswoman in Mogadishu, told Somalia Report that she is happy to hear that Bakara Market is going to re-open in the coming days and the Banadir Administration is working to ensure the security and safety of its civilians. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 22, 2011 Isniin, Ogoosto 22, 2011 (HOL) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u furay qaar ka mid ah waddooyinkii ku xiray dagaallada, gaar ahaan kuwa gala suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo maamulku uu waddo dayactirka waddooyin kale oo ku yaalla Muqdisho. Jidadka la furay ayaa waxaa ka mid ah midka isku xira isgoyska dabka illaa isgoyska Bakaaraha, waxaana sidoo kale la furay jidka wadnaha oo isku xira isgoyska tarbuunka illaa isgoyska Sanca. Waddooyinka ayaa waxaa ka socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay nadaafad uu maamulku sameynayay, waxaana jidadkan ay ka mid ahaayeen kuwii ay sida xun ugu dagaalayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab. Furitaanka waddooyinkan ayuu maamulka gobolku ku sheegay inay qayb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in dib loogu furo suuqa weyn ee Bakaaraha kaasoo ah midka ugu weyn Koonfurta Soomaaliya. Ma jiraan wax gaadiid ah oo jidadkaas maraya, balse dadweyne fara badan oo doonaya inay soo arkaan guryahooda iyo xarumahooda ganacsi ee Bakaaraha ayaa billaabay inay jidadkaas maraan, iyadoo gaadiidleydu aysan weli ku dhiirran inay maraan jidadkaas. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG ah Maxamuud Axmed Tarsan ayaa maalin ka hor sheegay inuu socdo qorshe ay dib ugu furayaan saldhigyo ka mid ah kuwa Muqdisho si loo adkeeyo ammaanka ayna dadkuna dib guryahooda ugu soo laabtaan. Tan iyo markii ay Xarakada Al-shabaab ka baxday qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan waxay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM isku ballaarinayeen degmooyinka Muqdisho, iyagoo isku dayaya inay ammaanka hantaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 22, 2011 Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Mungaab ayaa shir jaraa'id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu faah faahin kaga bixiyay dilkii toogashada ahaa ee saaka lagu fuliyay labo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo horay dilal u geystay. Mr Mungaab ayaa sheegay in maxkamada ay bishii la soo dhaafay ay xukunka dilka riday, kadib markii Maxkamada la horkeenay cadeymo iyo marqaati, waxaa uu tilmaamay in mid ka mid ah labada askari ay dileen uu ahaa shaqaale ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga. "Dable C/llaahi Jiine Guure oo 29-jir ah wuxuu dilay askari kale, waxaana lagu fuliyay dambigiisa, Cabdi Sankuus Cabdi oo 31-jir ah, wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Gaashaandhiga, wuxuu dilay nin rayid ah"ayuu yiri Mungaab oo sheegay in saaka howl galkooda shaqo uu ahaa fulinta dilalka toogasho ee ka dhacay Tiirka School Polizio. G/sare Mungaab ayaa waxaa uu kaga digay dilalka macno darada ah ee loo geysanayo askarta iyo dadka rayidka, isagoo sheegay in nidaam sharci ay tahay in cidii dil geysata in la iyana la dilo "Cidii si bareer ah ama ula kac u disha muwaadin Soomaaliya, ama Askari ama rayid waa lama huraan in ciqaabtiisa la marsiiyo in la dilo, waana nidaam sharci ah, waa xal rabaani ah, madaxda dalka ayaa saxiixday"ayuu yiri G/sare Mungaab. Waxaa uu sheegay in Nabadgelyada Magaalada Muqdisho ay wax badan ka tartay dilalkii joogtada ahaa ee ka dhici jiray Magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa uu qiray inay wali jiraan dilal qaar, isla markaana ay ku raad-joogaan. "Dilalka qaar ee gardarada ay ku kacayaan ragga Hubeysan wali ma dhameystirna %100, waxaa jira dad caadeysatay inay dadka si macno daro ah isaga dilaan, laakiin arrinta hada taagan waa inay nabadgelyada guud ee Caasimada wax ka tartay, ujeedada waa in lagu badbaadiyo fasahaadka"ayuu yiri. Ugu dambeyn Mungaab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan xukunada dilka iyo fulintiisa inta dalka laga waayo dad si sharci daro ah dadka u disha, waxaa uu tilmaamay inay hada jiraan ilaa 20-ruux oo askari iyo dad caadi ah isugu jira oo dil sugayaal ah, markii ay horay dil u geysteen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted August 22, 2011 We will make by simply continuing to exist.Keep your head high. WHAT YOU FEAR IS THE FEAR ITSELF. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 24, 2011 Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Iiraan Dr. Ali Akbar Salehi iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey. Wasiirka ayaa markii uu ka soo degay garoonka waxaa loo gudbiyay xeryaha barakacayaasha isagoo soo kormeeray indhihiisana ku arkay baaxada abaarta iyo macluusha ka jirta dalka, gaar ahaana dadka ku soo barakacay caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalkal KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ayaa ugu dambeyntiina qaabilay Wasiirka Dr. Ali Akbar Salehi waxayna labada mas’uul wada qaateen kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo soconayay muddo saacado ah. Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si wadajir ah warabaahinta ugula hadlay gudaha garoonka Muqdisho iyagoo sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan abaaraha, macluusha iyo soo celinta nabadii iyo kala dambeyntii dalka kuwaasoo ugu dambeytiina si weyn la iskula afgartay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dalka Soomaaliya ay dowladdiisu ugu talo gashay 25 Milyan oo Dollar oo loogu talogalay in lagula tacaalo abaaraha “Abaarta Soomaaliya baaxadeeda aad ayay u sareysaa, dowladda iyo shacabka Iiraana waxay ugu yabooheen 25 Milyan oo Dollar, waxaana sidoo kale ka taageereynaa walaalaha Soomaaliyeed dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha sidii tababaro ay u siin laheyd dowladda Iiraan ciidamada ammaanka gaar ahaana kuwa Booliska iyo Taraafikada. Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ali Akbar Salehi ayaa guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha shahaado sharafeed Persian ah isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 24, 2011 Gaadiidka Muqdisho oo billaabay isticmaalka waddooyinkii ku xirmay dagaallada ee tagi jiray Suuqa Bakaaraha Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan waddo sahlan ka galo bakaaraha," sidaa waxaa tiri haweeney ganacsato ah oo u socotay bakaaraha, iyadoo intaas ku dartay: "Tani waa fursad mar kale u soo laabatay shacabka Soomaaliyeed, waayo meelo fog-fog ayaan u soo mari jirnay suuqa. http://www.hiiraan.com/news/2011/Aug/wararka_maanta23-14725.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 26, 2011 R/wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goor u anbabaxay Garoowe Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya ayaa goor u dhow u anbabaxay magaalada Garoowe eexarunta maamulka Puntland. R/wasaraaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirka Caafimaadka, wasiirka Waxbaashada, wasiiru dowlaha Gaashaandhiga iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. R/wasaare Cabdi Wali Maxamed Cali oo inta uusan ka anbabixin magaalada Muqdisho Garoonka Diyaaradaha kula hadlay warbaahinta waxa uuna sheegay in booqashada ay Garoowe ku tagayaan ay ugu horeyn doonayaan in ay halkaasi kulamo kula yeeshaan maamulka halkaasi ka arrimiyo. waxa uu xusay R/wasaaraha in sidookale ay gogol xaar u tahay booqashooda Garoowe socdaal uu dhawaan halkaasi ku tagai doono madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo anba qaado iskaashi ay wada yeeshaan dhammaan masuuliyiinta Soomaaliyeed. Waxaana la filyaa in goor dhow ay gaaran R/wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo la iyadoo lagu wado in halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyaan masuuliyiinta maamulka Puntlad oo uu hoggaaminayo madaxweyne Faroole. ======= I should keep emailing Sheik Sharif! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 26, 2011 Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta salaadii jimcaha kadib ka degay Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, halkaasoo ay ku soo dhoweeyay Madaxda Puntland iyo dadweyne fara badan. Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole. Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa markii lagu soo dhoweeyay garoonka waxaa kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Garowe oo kulan albaabada u xiran ay ku qaadanayaan iminka. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku soo dhoweynayo Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa Magaalada Garowe, isagoo sheegay in socdaalkiisa uu yahay mid la doonayo in lagu xoojiyo xiriirka dhinaca wada shaqeynta ee Puntland iyo Dowladda KMG, si buu yiri xal u noqdo in looga baxo labaatanka sano ee colaadaha iyo is qab qabsiga siyaasadeed. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas oo isna hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in lagu soo dhoweeyo Garowe, waxaa uu sheegay in socdaalkiisa uu yahay mid lagu xoojinayo horumarinta dib u dhiska dalka iyo sidii TFG iyo Puntland wada shaqeyntooda loo xoojin lahaa. Socdaalka ayay dad badan ku tilmaamayaan mid la xiriira sidii meesha looga saari lahaa mugdiga siyaasadeed ee Dowladda KMG iyo Maamulka Puntland soo kala dhex galay, iyadoo dhowr jeer hore Puntland sheegtay inay xiriirka u jartay Dowladda Soomaaliya. Waa markii u horeysay ee Dr. C/wali Maxamed Cali booqasho ku tago Puntland tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaarenimo 23-kii bishii June, iyadoo Ra'iisul Wasaaraha uu heyb ahaan uga soo jeedo deegaanada Puntland ay maamusho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 28, 2011 Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xerooyinka Barakacayaasha Garowe iyo xarumaha Wasaaradaha Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta booqday qaar ka mid ah xerooyinka dadka barakacayaasha ah ee ku yaala magaalada Garowe halkaasi oo ay ku nool kumaan ka mid ah qoysas barakacayaal ah oo ka soo hayaamay qaar ka mid ah gobolada koonfureed ee wadanka soomaalia oo collaadaha iyo abaaraha ay halakeeyeen. Kormeerkan ayaa waxaa uu ahaa mid uu reysalwasaaraha soomaalia Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu ugu kuur galayay xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ee ku jira kaamamka ku yaala magaalada garowe iyo sida ay dowlada federaalka ugu go'an tahay sidii ay wax ugu qaban lahayd dadkan dhibaateysan ee xaaladaha dhinaca nolosha ah ku heysata degaanada puntland gaar ahaan magaalada Garowe. Ra'iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa waxaa uu ku tagay kaam shabelle oo ka mid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaala magaalada Garowe waxaana halkaasi uu kula hadlay boqolaal ka mid ah dadka barakacayaasha ee ka yimid deegaanada koonfurta dalka waxaa uu Ra'iisul Wasaaraha sheegay in xukuumada ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato dhibaatada dadka barakacayaasha ku heysata degaanada puntland. Kormeerkan ayaa waxaa Ra'iisul Wasaare C/wali Maxamed Cali ku wehliyay xubno ka mid Golihiisa Wasiirada xilidhiibaanada iyo qaar ka mid ah golayaasha Maamulka Puntland. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Gaas iyo wefdigiisa ayaa waxay intii ay ku guda jireen kormeeda waxay soo mareen jaamacadaha iyo xaruumaha wasaaradaha Puntland oo ay ka mid yihiin Wasaarada Caafimaadka, waxbarashada iyo wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qayska Puntland waxaana intii lagu guda jirey kormeerka khudbado jeediyey Xubno ka mid ah xukuumadada Ra'isal wasaare Gaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirada caafimaadka iyo waxbarashada. Ra'iisul wasaare Gaas ayaa saxaafada la hadlay markii uu soo dhamaystay kormeerkiisa waxaana uu amaan u soo jeediyey maamulka Puntland isagoo sheegay inay wax muuqda u qabteen bulshadooda reer Puntland. Wafdigaan uu hogaaminayo ra'sal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mudo 24 saac ah ku sugan magaalada Garoowe waxaana ay kulamo isdabajoog ah la qaadanayaann Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed maxamuud Farool iyo ku xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 28, 2011 Raysalwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta booqday Qaar kamid ah Xarrumaha Dawladda Puntland iyo Kaamamka ay ku dhaqanyihiin Barakacayaasha ee magaalada Garoowe. Dr Gaas iyo Mudane Cabdisamad ayaa booqashadooda waxaa ku weheliyey xubno kamid ah Xukuumadda Puntland iyo Wasiiradda la socda Raysalwasaaraha DKMG ah. Goobihii ay booqashada ku tageen ayaa kala ahaa: Wasaaradda Caafimaadka Puntland Wasaaradda Waxbarashada Puntland Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirriirka Caalamiga ah ee Puntland. Jaamacadda Bariga Afrika laanteeda Garoowe. Jaamacadda PSU Garoowe. Isbitaalka weyn ee Garoowe. Kaamamka Barakacayaasha Garoowe. Raysalwasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas intii uu booqashada ku jiray la hadlay dadka,wuxuuna sheegay in wixii xiligaan ka danbeeya ay si fiican u wada shaqayn doonaan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Dawladda Puntland,waxaana Xirriirkoodu uu noqon doonaa mid aad u sareeya Dr Gaas ayaa sidoo kale sheegay xili uu booqanaayey Kaamamka Barakacayaasha Garoowe in Koonfurta Soomaaliya dadka abaartu ku heshay ay gaareen meel walba oo kamid ah dalka hada ka dibna ay deeqaha la keeno lasoo gaarsiin doono dadka ku dhaqan Kaamamka Puntland kuyaala,beesha Caalamkana ay qeylo dhaan u dirayaan si dadkaan ay u soo gaarsiiyaan iyaga na deeqaha. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire oo isna ka hadlay xarunta Jaamacadda PSU ayaa sheegay in booqashadaan loogu talagalay in Madaxda ka socota Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah arkaan wax ay ku sugantahay Dawladda Puntland iyo Shacabkeedu barqaaqo iyo dib u dhac nooc kasta oo ay ahaato ayna leeyihiin kusoo dhawaada deegaankiinii Puntland. Goobihii uu booqashada ku tagay Raysalwasaaruhu ayaa madaxdii ku sugnayd ay warbixin guud ka siiyeen sida ay u shaqeeyaan taas oo Raysalwasaaruhu aad ugu riyaaqay hawsha habsamida leh ee ay hayaan madaxdu. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka HorseedMedia Garoowe-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 30, 2011 R/wasaare Cabdi Wali oo salaada Ciida ku dukaday magaalada Burtinlejpg R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal halkaasi oo uu ku Tukaday salaada Ciidul Fidriga. R/wasaare Dr.Cabdi Wali Maxamed Cali ayaa maanta booqosho ku tagay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay xilli ay maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga waxaana R/wasaaraha uu salaada Ciida ku Tukaday magaalada Burtinle. maamulka gobolka Burtinle ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu soon booqdo R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyadoo maalmahanba uu R/wasaaraha socdaalka ku marayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi uu kulamo kula qaatay madaxda dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland. R/wasaare Cabdi Wali ayaa la filayaa in uu magaalada Burtinle kula kulmo odayaasha, waxgaradka iyo maamulka gobolka si ay uga warbixiyaan xaalada gobolka. R/wasaaraha xukuumadda ayaa lagu wadaa in socdaalkiisa uu goor dhow soo gabagabeeyo kaddibna uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxa uuna R/W u anbabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Bari. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 30, 2011 Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya oo Gaalkacyo ku soo wajahan Gaalkacyo (RBC Radio):- Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya Dr, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa laga sugayaa magaalada Gaalkacyo. Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay ka soo ambabaxeen magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxayna soo marayaan degmooyinka Burtinle iyo Xarfo. Diyaargarow xoogan oo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka soconayaa degmada Gaalkacyo, waxaana jira dadweyne farabadan oo iyaguna u soo banbaxay soo dhoweynta Ra’isulwasaare Gaas. Wararka ku saabsan imaatinka Ra’isulwasaare Gaas kala soco wararkeena dambe. Cawil Maxamuud Cabdi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted August 30, 2011 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo umaddaha Muslimiinta farxada ciidul Fitriga owgeed hambalyo u diraya Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan hambalyada farxada Ciida Soonfureed (Ciidul Fitr). Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda isagoo yiri. "Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay kheyrkii bisha Ramadaan iyo Alle ka cabsigii sii wada, kuna bedela is cafis, walaalnimo iyo dib u heshiisiin dhab ah oo dalkeenna ka curata" ayuu yiri Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali isagoo intaasi ku daray in wadanka maanta uu marayo marxalad aad u adag oo shacabka Soomaaliyeed ay la soo deristay abaar xoogan oo dad iyo duunyaba saameysay. "Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan Ciida waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta, gaar ahaana ganacsatada iyo qurbajoogtu inay caawiyaan walaalahooda abaaruhu saameynta xoogan ku yeesheen" ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale codsi u jeediyay dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta. Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta "Dalalka Islaamka, gaar ahaana kuwa Carabta ee aanu walaalaha nahay waxaan ka helnay jawaab dhanka abaarta dalka, balse waxaan ka sugeynaa jawaab ka badan mida haatan waxaana rajeyneynaa inay si buuxda u soo gargaaraan shacabka walaalahooda ee Soomaaliyeed". Marxaladda maanta dalku marayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan marxaladda cusub ee uu dalku marayo, isagoo tilmaamay in caddowga ummadda Soomaaliyeed ay awoodiisu aad u wiiqantay kaddib markii ay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay naafeeyeen, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in shacabku ay u midoobaan xoreynta caddowga gudaha iyo dibadda, si loo helo nabad, nolol iyo dib u dhis. Beesha caalamku wey u soo jeesatay Soomaaliya Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu talaabo muhiim ah ku tilmaamay jawaabta beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya, isagoo xusay in maanta loo soo jeestay xasilinta dalka Soomaaliya ayna muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadaasi ayna muujiyaan Midnimo iyo wadajir. Ciid Mubarak, Kullu caam wa antum bikheyr. Xafiiska Warfaafinta R/Wasaaraha Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites