Sign in to follow this  
General Duke

PM visits port of Mogadishu troops paid.. Duke Volunteering @ Pm office

Recommended Posts

Raashinka_Mucaawinada2.jpg

June 29, 2011 - QOL - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dekedda Muqdisho, halkaas oo uu kula wareegay mucaawano isagu jirta raashin iyo gaadiid ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) u soo dhiibtay shacabka soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo goobtaas ka hadlay ayaa hadalkiissii waxuu ahaa sidan:

Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta kormeer shaqo ku soo gaaro Dekedda Muqdisho, oo ah goobta ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka. Farxad weyn bey ii tahay inaan arko mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dekedda oo gudanaya waajibaadkooda qaran.

Sida aan halkan uga jeedaan dalka aan wallaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates) ayaa shacabka soomaaliyeed ugu deeqay mucaawanadan aad u jeedaan. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka soomaaliyeedba aad iyo aad baan uga mahadcelineynaa wallaalaheen Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) sida ay noo soo xasuusteen, isla markaana ay mucaawanadan noo soo gaarsiiyeen waqti xasaasi ah oo shacabka soomaaliyeed ay aad iyo aad ugu baahanyihiin. UAE waa dal aan xiriir qotodheer leenahay, isla markaana aan ganacsiga ugu badan ay soomaalida ka sameyso.

 

Ma aha markii ugu horreysey ee ay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay mucaawano soo gaarsiiyaan shacabka soomaaliyeed, waxeyna markhaati ka tahay sida ay noo xasuusanayaan waqtiga aan ugu baahi badanahay. Waxaan u caddeyneynaa wallaalaheen UAE in mucaawanadii ay shacabka u keeneen si toos ah loo gaarsiin doono shacabka ugu baahida badan.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada caalamka gaar ahaan waddamada aan wallaalaha nahay iyo kuwa aan saaxiibka nahayba inay shacabka soomaaliyeed la soo gaaraan gar-gaar bani’aadanimo, kuna daydaan dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Ugu danbeyntii waxaan ka codsanayaa ganacsatada, iyo shacabka soomaaliyeed ee awooda inay gar-gaar bani’aadanimo u fidayaan wallaalahood soomaaliyeed ee u baahan gar-gaarka. Ummaddu waa inay isku tashadaan si looga maarmo kaalmada shisheeye. Somalida dhaqan ahaan waxaa lagu yaqaanay in ay is gar-gaaraan oo deriskooda ay ka warqabaan. Waxaa nagu soo fool leh bisha Ramadan oo nooga wada baahan inaan isu naxariisano, isla markaana isa saacidno. UNHCR waxey sheegeen in bishiiba 10,000 oo qaxooti ah ay gaarayaan xerada Dhadhaab ee Kenya, sidoo kale 5,000 – 6,000 oo qaxooti inay bil walba iska diiwaan gelinayaan xerada Doolow ee dalka Ethiopia.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa shaqaalaha iyo maamulka dekedda oo ay ku jiraan shaqaalaha furdooyinka iyo turubataariyada booliska oo runtii la dagaalay musuqmaasuqa. Waxaana ku dhiiri gelineynaa inay sii wadaan dadaaladooda.

 

 

 

Gaadiidka Loogu Deeeqay

*

-**DHAMAAD -

 

--

Garad Salad Hersi

Communication Director, of the Prime Minister

urdoox'

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Gaas oo beesha caalamka ka dalbaday gargaar deg deg ah, lana wareegay deeq ka timid Umaaraadka Carabta.

Wed, 29 Jun 2011 14:02:55 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho, June 29 - R/wasaaraha dawladda federaal KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbaday in si dhakhsiyo ah gargaar loola soo gaaro dadka ku barakacay dagaallada Soomaaliya iyo abaaraha baahsan ee ka jira meelo badan oo dalka ah.

 

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa sheegay dad fara badani in ay la dabaalaysan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada joogsan waayey ee Soomaaliya iyo abaaraha daba-dheeraaday ee wali ka jira gobollo badan oo dalka ah, kuwaasi oo sababay dad badani in ay magaalooyinka ku soo jabaan kaddib markii xoolihii ka dhammaadeen.

 

R/wasaaruhu, waxaa adduunka ka codsay in gacan weyn loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee aadka u taagta daran, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku kala firirsan yihiin dhammaanba gobollada dalka ayna u baahan yihiin gargaaro bini'aadanimo, sidaas darteedna beesha caalamka looga fadhiyo taakulaynta iyo taaban-taabinta ku aaddan dadka dhibaataysan.

 

Prof. Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa hadalkaan ka jeediyey xilli uu ku sugnaa dekedda magaalada Muqdisho halkaasi oo uu kula wareegay deeq gargaar ah oo dawladda imaaradka carabtu ugu deeqday ummadda Soomaaliyeed ee muddada dheer la daalaa-dhacaysay dhibaatada amni xumo, iskuguna jirtay raashin, dhar iyo gaadiid.

 

R/wasaaruhu waxaa uu dhinaca kale maalqabeennada Soomaalidu ugu baaqay in ay taakuleeyeen dadkooda taagta daran lana garab is-taagan mucaawino dhanwalba ah si looga samata-bixiyo dhibaatada ku habsaday.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol@Che as if thats a bad thing. Its a positive thing that there is change. The fact remains Al Shabaab have been crippled by Farmaajo, and Abdiweli will no doubt continue the rout.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this