Sign in to follow this  
A_Khadar

Shirkii Widhwidh oo Natiijo La'aan ku Dhamaaday -

Recommended Posts

A_Khadar   

Shirkii Widh-widh oo dhammaaday iyo xukuumada Siilaanyo oo heshiis la gashay dad shacab ah

 

Widh-widh (Qaran news)-Shirkii dhowaanahanba ka soconaayey degaanka Widh-widh ayaa maanta la soo gebagebeeyey shirkaas oo ku dhammaaday natiijo la’aan iyo fashil siyaasadeed oo soo wajahay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Siilaanyo. Xukuumada ayaa la gashay heshiis dad shacab ah iyo kooxo dano gaar ah leh oo aan metelin dadka degaanka iyo cid kale toona. Waayo shirkan kama ay soo qayb gelini dadkii taladu ka go’i lahayd ee arrinta degaanada bariga Somaliland khusaysay ama wax ka qaban lahaa. Shirka waxa ka soo qayb galay kooxo dano gaar ah leh, qaar ka soo baxsaday ama ka soo cadhooday kooxda SSC ee ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland iyo dad shacab ah baahi iyo xoolo doon keenay.

 

Sidaa darteed sida xukuumada Siilaanyo u dhigayso arrintu maaha waana ka fogtay mana aha wax sidaa fudud lagu soo afjari karo. Waa qaddiyad ku salaysan Somalilandnimo diid iyo Isirdiid ee maaha wax dhul daaqsimeed iyo ceelal ku saabsan waana arrin u baahan talo qaran iyo in sida ay tahay loo wajaho. Waa la ogaa arrintii Kalshaale Siilaanyo immisa wareegto ayuu ka soo saaray, immisa guddi ayuu u diray, immisa qof ayaa talo xumo ku dhintay maxayse aakhirkii ku dhamaatay tii maalintii ugu horreysay loo sheegay oo ahayd baraagaha aas. Arrintanina waa sidii iyo sidii looga bartay Siilaanyo, bal madhaxeeda ha la eego.

 

Sida la wada og yahay shirkan kama ay soo qaybgelin madaxdhaqameedyada waaweyn ee taladu ka go’do iyo siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda degaamaadaas mana ahayn arrin loo dhammaa. Waxaana nasiib darro ah in xukuumada Siilaanyo cashuurta laga soo ururiyey dadka masaakiinta ah ee reer Somaliland ay ku lumiso dad aan talo ka gaadhi karrin degaamada barriga Somaliland waxaana wax laga xumaado ah in Xukuumaddii la doortay dad shacab ah oo la soo ururiyey la saxeexato wax aanay shaqo ku lahayn. Siilaanyo ha ogaado in wixii arrintaas ka soo noqda uu isagu ka masuul noqon doono shacabka Somalilandna yaan guul aan dhoweyn looga dhigin in guul la gaadhay.

 

Xalka gobolada bariga Somaliland iyo Somalilandba wuxu u baahan yahay xukuumad wax u qabata oo dadka caddaalad iyo sinnaan ku maamusha. Shacabka Somaliland uma baahna xukuumada hadba heshiis la gasha hadba afarta ka soo cadhooda degaankooda ama afarta ku shaqaysta magac beeleed aan cidi la ogayn mana aha in ummadda masiirkeeda lagu lumiyo waxan sal lahayn ama aan jirin. Siilaanyo marka uu gobolada kale ee Somaliland iyo dadka ku nool wax u qabto oo caddaalad ku xukumo ayuu gobolada bariga Somalilandna wax u qaban kara. Tiisaba daryeeli ayaa tu kale daryeeli kara.

 

Qaran news

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Shirkii Shirqoolka Ahaa Ee Widhwidh Oo Laga Soo Saaray Qodobo Beenaad Iyo Isimada SSC Oo Gaashaanka Ku Dhuftay, Waxaan Jirina Ku Tilmaamay Shirkaasi
Written by Jidbaale.com
Monday, 27 June 2011 04:55

Widhwidh(Jidbaale.com) Horgale Kayse Cabdi Yuusuf oo isagu ah oday hadba meel u carara, wuxuu muddaba ka shaqaynayey sidii uu beelaha SSC u kala jebin lahaa, isla markaasina uu ugu heli lahaa waxoogaa sandareero ah, wuxuuna warbaahinta soomaalida qaarkeed ka sheegay inay soo saareen qodobo lagu heshiiyey, waxaase arrinkaasi ku gacan saydhay waxba kama jiraana ku tilmaamay qaar ka mid ah isimada deegaanka.

Shir ku sheegan oo isagu ahaa mid ay ka dambeeyeen maamulka Jabhada SNM iyo koox yar oo horgalayaal ahi, waxay sheegteen inay soo saareen sideed qodob oo ay yidhaahdeen labada dhinacba waa u dan, hase ahaatee shirkan iyo wixii ka soo baxayba waxaa gaashaanka ku dhuftay Caaqil Cali Xaaji cumar, isagoo uu horayna uga hadlay Garaad Abshir Saalax.

Caaqil Cali Xaaji Cumar wuxuu kaloo tibaaxay inaysan maamulka SSC matelin kuwii ka soo goostay oo xilkiina laga qaaday, hase ahaatee Kayse Cabdi Yuusuf oo loo aanaynayo inuu isagu ka dambeeyey soo xera galinta kuwii maamulka SSC ka baxsaday wuxuu ku adkaysanayaa isaga iyo kuwa ka baxsaday inay weli xilal u hayaan maamulka SSC, waxaanay sidaasi ugu adkaysanayaan si ay maamulka jabhada SNM uga helaan waxooga lufluf ah, maadaama ay ku tunteen axdigii iyo wacad kii ay u mareen shacabka SSC, oo aan maanta u baahnay kuwo marba doc u yaacaya, oo aan lahayn wax qadiyad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

I thought you said there was no "shir" to begin with. Quite amusing that it now ended with no result! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

NGONGE;730991 wrote:
I thought you said there was no "shir" to begin with. Quite amusing that it now ended with no result!
:D

Still on my view that wasn't a meeting since no respected and an influential person representing ssc community haven't attended and many of ssc community leaders are against it. Even the Garad of the hosted city is against it and wasn't there either. However this news is for those who believed and smeared this conference and its end results.. Wax fahan yaa carab....

 

As taleexi said, Wuxuu ahaa shir kusheeg

Share this post


Link to post
Share on other sites

The widhwidh reconciliation conference was a success the attendees were many the Khusuusi leader the Cayn Administration for the ssc were there and they all accepted peace the elders were there the chief caaqil from Ceegaag was there other caaqils from Buhoodle were there and they all welcomed peace. In the past we had a reconcilation conference with garaad abshir salax but in that shir we did not had any talks with with ssc the armed faction on the ground and this time we did the khusuusi leader is now in laascanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Who are the caaqils from Buhodle attended that xaaran shir? Out of hunderds of Caqiil from SSC, you could only mentioned one attended with no name.. Plus tell us its success when those who attended can't even go back to where they scaped from which is Buhodle. Now they have to go the occupied city of LA and be the mercy of your militia..lol. That is classic..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caaqil Abdi jamac Gadhayd from ceegaag and the other politician Abdi dheere cali Abokor was there

 

Cabdirisaaq Muuse Cali boob the so called ssc governor for Buhoodle and the so called mayor for the ssc Clan jabhad Mr Mustafe Xuseyn Jibriil. Chief Caaqil Maxamuud Xaaji Axmed adan was there< he is from the same subclan as Garaad cabdilahi garaad soofe duraan. Chief caaqil from widhwidh Axmed salax Maxamad was there i have to say this reconciliation conference it was all inclusive and it was a success.

 

 

nabad nabad nabad ku waraa walalayaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this