Sign in to follow this  
General Duke

Speech of PM Abdiweli to the Parliament

Recommended Posts

Khudbaddii uu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu u jeediyay xildibaannada golaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

Talaado, June 28, 2011 (HOL) – Dhammaantiin A Salaamu Caleykum Waraxmatullah Wa barakat. sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idinkala soo qeybgalo kulankan muhiimka ah oo aad ku gudaneysaan waajibaadkiina dastuuriga ah ee aad uga doodeysaan ansixinta iyo kalsooni siinta xilka ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee uu Madaxweynahu ii soo magacaabay. Baarlamaaku waa hooyada hay’adaha dastuuriga ah, waa goobta matasha shacabka soomaaliyeed, isla markaana laga soo saaro dhammaan shuruucda dalka.

 

Waxaan hubaa oo aan aaminsanahay inaad wada akhrisateen taariikh nololeedkeyga. Waxaan qabaa inaanan aheyn shaqsi idinku cusub oo waxaan wada joognay 6dii bilood ee ugu danbeysay, sidaas daraadeed, waxaan si wanaagsan ula socdaa marxaladda dalka uu haatan marayo, caqabadihii taagnaa iyo anigoo fikir fiican ka heysta sida looga bixi karo marxaladdahan nagu soo noqnoqday. Waxaan in muddo ah ku howlanaa oo aan shaqooyin muhiim u ah shacabka soomaaliyeed ka hayey dalka gudihiisa. Sidoo kale waxaan si joogta ah ula socday dhammaan marxaladihii dalku soo maray ee dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

 

Waxaa hubaal ah in mudada noo dhiman nalooga wada baahanyahay inaan si wadajir ah waddanka ugu wada adeegno, isla markaana aan labo jibaarno dadaaladeena ku wajahan sidii aan amniga u soo celin laheyn, isla markaana u dhameystiri laheyn howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla, sida dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo ka gudubka xilliga KMG ah.

 

Xildhibaanada sharafta leh, waxaan si xushmad leh idiin kaga codsanayaa inaad maanta i siisaan kalsoonidiina, si aan u guda-galo una dar-dargeliyo howlaha muhiimka ah ee na wada sugaya. Marka aad i siisaan kalsoonidiina buuxda, waxaan ku dhaqaaqi doonaa la tashiyo aan la sameeyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan mudanayaasha baarlamaanka sharafta leh si aan u soo xulo shaqsiyaadka ku habboon inay ka mid noqdaan golaha wasiirada si ay gacan buuxda nooga wada siiyaan u adeegida shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan la tashiyo ka dib idiin soo bandhigi doonaa barnaamijka Xukuumadda iyo xubnaha golaha wasiirada si aad uga doodaan, isla markaana aad uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.

 

Mudanayaal goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa barnaamijka Xukuumadda oo faahfaahsan, haddana waxaan shaki ku jirin in arrimaha u baahan inaan diirada wada saarno ay ka mid noqon doonaan: Soo celinta amniga oo ay ku jrito *****lida baahida ciidanka, soo celinta kala danbeyntii iyo sharaftii dalka; La dagaalanka kooxaha argagaxisada ee diidan dowladnimada iyo burcad-badeeda, Dhameystirka howlaha muhiimka ah ee uu axdiga FKMG ah na farayo oo ay ka mid yihiin, dhameystirka dastuurka qabyada ah, iyo ka gudubka xilliga KMG ah, Dowlad wanaaga, dib-u-heshiisiin qaran oo taam ah, howlgelinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, Toosinta maamulka dhaqaalaha; La dagaalanka musuq-maasuqa; Gargaarka bani’aadanimo iyo adeega bulshada; Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah, Xoojinta xiriirka maamulada dalka ka jira iyo Xoojinta xiriirka bulshada caalamka.

 

Xildhibaanada sharafta leh, waxaa hubaalti ah in xaaladda dalku marayo inay tahay mid khatar ah oo u baahan inaan u wada istaagno. Shacabkii soomaaliyeed waxaa isagu darsoomay, dagaalo joogta ah, abaaro dabo dheeraaday, macluul, argagaxiso, burcad badeed, gaajo iyo iyadoo in badan oo ka mid ah laga hor-istaagay gar-gaarkii ban’aadanimo. Waxaa sidoo kale bur-buray dhammaan hay’adihii adeega ee qaranka isla markaana ummadda wax u qaban lahaa.

 

Waqtiga aan heysano aad buu u yar-yahay, mashquulka aan ku nahay soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah waxey keentay in dhammaan Xukuumadihii naga horreeyeyba aysan waqti u helin in ay xoojiyaan xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidaas daraadeed, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan xiriirkaas dib-ugu soo nooleyn lahaa oo aan u saari lahaa waxii mugdi iyo kala aragti duwanaan ah ee jira.

 

Ugu danbeyntii, waxaan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed oo iigu aaminay xilkan Qaran ee culus, anigana waxaan hortiina ka ballanqaadayaa inaan u gudan doono si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhammaan shuruucda u degsan dalka, dhowri doonana Axdiga FKMG ah. Waxaan kaloo aan hortiina ku ballanqaadayaa inaan xoojin doono xiriirka wada-shaqeynta dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xiriirka beesha caalamka. Sidoo kale idinkana waxaan idinka codsanayaa inaan mudada yar ee aan heysanno aan ka wada shaqeyno sidii aan si wadajir ah isaga wada kaashan laheyn dhan walba, innagoo eegeyna danta guud ee shacabka soomaaliyeed.

 

Waxaan mar kale ku celinayaa in aan xoojin doono xiriirka baarlamaanka iyo Xukuumadda. Mahad ballaaran ayaan mar kale idiin soo jeedinayaa.

 

Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Somalia

Muqdisho, Soomaaliya

engabdirahman@gmail.com

 

 

*

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Waqtiga aan heysano aad buu u yar-yahay, mashquulka aan ku nahay soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah waxey keentay in dhammaan Xukuumadihii naga horreeyeyba aysan waqti u helin in ay xoojiyaan xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada dalka ka jira. Sidaas daraadeed, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan xiriirkaas dib-ugu soo nooleyn lahaa oo aan u saari lahaa waxii mugdi iyo kala aragti duwanaan ah ee jira.

What is he talking about here, Duke? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

A good speech, and its wonderful to see our secessionist bigwig Ngoonge analyzing the speech of his PM and asking questions. It was expected that the junior secessionist Oodweyne would also arrive in here.

 

Good to see you Ngoonge, its positive what the new PM has outlined. That a new approach will be followed with regards to greater engagement with the regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ It is a good speach that touches on all the important areas without the risk of any questions being raised. A nice easy start that will hopefully give him some space to work in. But he's wasting time on the Imam and you know it, Duke. Faroole wants to dictate to everyone and I am not sure how much this new PM will accept.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^There is no issue between the PM and Puntland. He is much respected in the State and is remembered for the good work he has done for the past few years.

 

We shall await the cabinet, he has the vote and now needs to outline his strategy. However we are in agreement it was a good speech, much better than what we have got used to.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Faroole is not Puntland dee. The Imam stands alone. He's a freak of nature, even in the crazy world of Somali politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^The speech was not about Faroole, NGONGE. Continue your original queries, so Duke can expand on what the prime minister said on a host of issues facing Somalia. It is good that way awoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   
Abwaan: Indhahaagu way shaqaynayaan. engabdirahman@gmail.com - Waxaan kaloo idin waydiiyey DNS-kii Soomaaliya xagguu ku danbeeyey? - Ma Gmail iyo Yahoo bay sheekadu isugu soo ururtay Allow Alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Taleexi;731020 wrote:
Abwaan
: Indhahaagu way shaqaynayaan.
engabdirahman@gmail.com
- Waxaan kaloo idin waydiiyey DNS-kii Soomaaliya xagguu ku danbeeyey? - Ma Gmail iyo Yahoo bay sheekadu isugu soo ururtay Allow Alle.

Taleexi waxaa la yaab leh haddii illaa iyo 2000, Arta group kii email magaca Soomaaliya ku furaba isagaa hore u sii qaata. hotmail iyo google somalipresidency waa laga dhammeeyey...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Dee waa la yaab iyo amankaag sidee masuuliyiinta cusubi u tixraacayaan wixii masuuliyiintii hore kula sheekaysatay dadyowga dunida. Sheekadu miyaanay u ekaanayn nin indha la' oo oo qol mugdi ah ku jira. Halkaa shaqo baa ka banaan tolow dhowr server ma la tagaa? Allow sahal umuuraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol....Saaxiib tixraac haba sheegin. Ninka keliya oo aan ogaantay maqlay inuu xitaa shaqaalihii hore ee ee isaga ka horreeyey shaqadoodii u daayey oo amray inaan la beddelin waa Farmaajo!

Waxaan arkay mid kasta oo Soomaaliya shaqo looga magacaabo tiimbare ayuu bac ku wataa. Markaas baad arkaysaa safiir hebel, wasiir hebel, masuul hebel. Xitaa markii shaqada laga qaaday qaar baa waraaqo back-dated ah weli sii saxiixa! Yaab badanaa!

War meeshaan Soomaaliya ninyahow waa la qurunsaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this