Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland celebrates independence day 26 june

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Khudbad Ka Jeediyay Xaflad lagu Xusayay Munaasibada 26-ka June

June 26th, 2011

 

Xisbiga UDUB oo aan ka soo xaadirin Xafladan oo lagu marti qaaday

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in xoriyadii shacbiga Somaliland ka luntay lixdankii ay waayo aragnimo ugu filan tahay oo ay xiligan ilaashanayaan qaranimadooda.

 

Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ka sheegay caawa khubad uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo xarunta madaxtooyada loogu sameeyay dabaal dega munaasibada 51 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadoodii ka qaateen Boqortooyada Ingiriiska 26-kii bishii June ee 1960-kii.

 

Waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada, Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

 

Waxaan iyagu xafladaasi aan ka soo xaadirin xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo lagu marti qaaday hase yeeshee aanay cidi ka iman masuuliyiintoodii.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo ka hadlay taariikhda maalintani wuxuu yidhi “Walaalayaal dadweynaha ka soo qeyb galay xafladan iyo intaan ka soo qeyb galin ee dibada joogtaba waan salaamayaa waxaan idinku soo dhawaynayaa idinkuna hambalyeynayaa munaasibadan 26-ka June oo ah maalin taariikhi ah oo maalin weyn u ah Somaliland. Waa maalintii calan soomaaliyeed oo xor ah la taago waa 26-kii bishii June 1960-kii, wakhtigaasi aynu xornimada ka qaadanay maxmiyadii Ingiriiska oo sideetan sanadood ka badan ina xukumaysay waxay Somaliland xiligaa in badan u halgamaysay inay xoriyadeeda qaato oo ay saamaysay dabayshii xornimo doonka ee Afrika oo dhan ka bilaabantay inagoo xarakadaasi ka mid ahayn ayaynu xoriyadeenii qaadanay.”

 

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Wakhtigaa isaga ah ee aynu xoriyadeena qaadanay waxaynu ku naaloonaynay oo aynu doonaynay in dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhami ay noqdaan wadan qudha oo aynu isu keeno.sidaasi ayay ahayd himiladeenu iyadoo xamaasadaasi ina haysay ayaynu 26-kii June xornimada ka qaadanay Ingiriiska markii ILAAHAY ha u naxariistii Maxamed Ibraahim Cigaal iyo weftigii la socday ay tageen dalka Ingiriiska waxa lagula taliyay horta xoriyadiina oo taam ah qaata,waxaynu nidhi waxaanu ku biiraynaa afar cisho ka bacdi iyaga oo ka jawaabayay dareenkii shacbiga Somaliland inaanu la midowno dalkii Soomaaliya oo xornimadoodu ku beegnayd 1-dii July ee 1960-kii. Wakhtigaasi isaga ah sidaasi ayaynu ku raacnay oo aynu Madax banaanideenii ku dhiibnay oo aynu ka mid noqonay dalkii Soomaaliya la odhan jiray.”

 

Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay sidii Somaliland ugu hungowday midowgii ay la gashay Soomaaliya waxa uu yidhi “Israacaasi ayaan darro maynaan mahadin wax dhacayba dhibaatooyin faro badan ayaa yimid waxa ka dambaysay in israacii shaqayn waayay oo dadka reer Somaliland ay dulmi tirsadeen illaa dhalinyaro badan oo ciidamada ka tirsanaa ay inqilaab isku dayeen oo ay dooneen inay xornimadoodii la soo noqdaan. Markii ay arkeen in midnimadii mid loo siman yahay aanay ahayn. Intii dambena waxay inagu qaadatay muddo dheer oo halgankii SNM ah inaynu xoriyadeenii dib ula soo noqono 18-kii May ee 1991-kii.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in taariikhdaasi hore ay Somaliland barayso inay ilaashato xornimadeeda.

 

“Maalintani waxay ina baraysaa in imika wixii ka dambeeya in kasta ha inagu qaadatee xoriyadeena ilaashano oo imika wixii ka dambeeya caalamku inuu ina ictiraafo waxay ku xidhan tahay waxaynu inagu qabsano, caalamku maanta wuu inoo soo jeedaa wax badan ayuu inala qabtaa, wuu inala shaqeeyaa dad badan ayaa u diyaara inay wax inala qabtaan.laakiin cida xilka iyo masuuliyaddu saaran tahay waa inaga haddii aynu dadweynaha Somaliland nahay. waxaan leeyahay aynu isku xidhnaano oo aan midowno oo nabadeena ilaashano,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo in Somaliland kama dambaysta uu noqon doono dal madax banana oo horumaray.

 

Waxa xafladaasi lagu soo bandhigay riwaayad la magac baxday taariikhdu waa mahadho oo uu curiyay abwaan Maxamed Cismaan (Maxamed Dheere) taas oo ka hadlaysay sooyaalka 26 June

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo hambalyo u diray shacabka Somaliland munaasibada 26-ka june awgeed.

 

“Dhalinyaradiinana Saxaafadda waxaan idin leeyahay sidii aan barigii hore idin odhan jiray oo ahayd inaad wadaniyad ku..

 

 

Hargaysa (GNS):-Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaanba shacabka Somaliland xuska munaasibada 26-ka June awgeed.

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin,oo maanta saxaafada kula hadlay gurigiisa magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo la xidhiidha siyaasada Somaliland ee wakhtigan iyo qodobo kale.

Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka hadlaya xuska munaasibada 26-ka june oo ay ka soo wareegtay 51 sano waxaa uu yidhi “Maanta oo Axad ah oo ay ku beegan tahay 26-kii June waxaan dib u akhriyey xusuustii wixii aan baarlamaanka Ingiriiska ka akhriyey, markii aan soo saaray wixii aan qoray waxaan soo saaray in maalintii aynu xornimada qaadanay ay Axad ahayd maanta oo kale ah, waxayna ku beegan tahay 51 guuradda xornimadda Somaliland, sidaas daraadeed waxaan shacabka Somaliland u rajaynayaa horumar iyo barwaaqo, aniga oo mar walba u rajaynaya nolol wanaagsan.

Dhalinyaradiinana (Saxaafadda) waxaan idin leeyahay sidii aan barigii hore idin odhan jiray oo ahayd inaad wadaniyad ku shaqaysaan oo wixii wanaagsana aan sheegtaa, wixii lagu khaldan yahay inaad saxdaan, aniguna haddii aan xilkii wareejiyey waa run oo aniga ayaa dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka hirgaliyey, fikirkaana waxa lahaa Madaxwaynihii hore ee aan la shaqaynayey, rag badan oo maanta xisbiyo ah may aaminsanayn inay xisbiyo samaysmayaan oo dimuqraadiyadi ay wadanka ka hano-qaadi doonto, isaga (Marxuum Cigaal) ayaa ku dhiiraday ayay ahayd, haddii uu geeriyoodeyna markii xilka la ii dhaariyey kalmad ayaan ka idhi halkaa waxaanan idhi “Cigaal wuu geeriyooday nin uu wax uga baahan yahay ma jiro, waxa qudha ee aynu ugu hiilinaynaa waxa weeyaan in wixii uu ka tagay aynu sii wadno.”

Dadku waxa laga yaabaa markii aan kalmadaa lahaa in aanay fasir badan ka bixin, laakiin anigu waxaan ula jeeday dimuqraadiyadii uu bilaabay ayaynu sii wadaynaa, runtiina aniga nasiib wanaag ayay ii tahay mar walbana waan sheegi jiray muran kasta ha dhaco go’aanka u dambeeya ee go’aanka wanaagsan qaadan doontaa aniga ayay noqon doontaa, waayo aniga ayaa gacanta ku hayay waayo raga kale waxba gacanta kumay hayn, ragga kale haddii ay galgalasho galeyso iyo haddii kaleba gacanta waxba kumay hayn, in lagu murmana (doorashada) aniga iyo qoladeyda oo waanigii uga mahad-naqayey in xisbigeygu ay igu raacen go’aanka aan qaatay, waayo haddii aan go’aan kaliday qaato oo xisbigeyga qaarkood meelahaa ka wada hadlaan wax kale ayay noqon lahayd.

 

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ay saxaafadu halkaasi su’aalo ku waydiiyeen,waxaa ka mid ahaa su’aalahaasi.

 

S:-Hadda Muddo 11 bilood ah ayaad xilka Madaxwaynenimo ka maqnayd, markaa ma is-leeahay hanaankii dimuqraadiyadda ee aad dalka kaga tagtay wali wuu sii shaqaynayaa.?

J:-Inaan kolba in ka hadlo diyaar uma ihi, maalintii dhawayd markii aan soo degayna waxaan idhi xog ayaan urursanayaa, markaa wali xog-urursigeygii ayaan ku jiraa, markaa maalin ayaan soo bandhi doonaa, maxaa lagu biiriyey iyo maxaa is-dhimay, ma war li’I, laakiin waxaan jecelahay inaan ka duwanaado qoladii saaxiibaday waayo iyagu mucaarad ayay ahaayeen laakiin may ahayn Madaxwayne dalka soo hogaamiya, iyaguna waxay la iman jireen waad taqaanaan markay soo degaan iyo marka ay dhoofayaan faalo ka bixin mayo, anigu inaan ka duwanaado ayaan jecelahay oo haddii aan wax sheegayo sida aan wax u sheegayaa ay ka duwanaato oo aan tabanayo waxa khaldan oo laga leexdo waan sheegi doonaa, kalana bakhayli maayo inaan waxa khaldan sheego.

S:-Md Daahir Rayaale, waxaad nooga warantaa bal adduunyadu sidii ay noo arkaysay markii aad adigu dalka joogtay ee aad xilka haysay iyo imika oo aad u madax-banaanaatey oo aad dhex tagtay side ayay inoo arkayeen.?

J:-Inaga oo aan aqoonsi ka ahayn dalalka dibada, laakiin waxaynu haynaa in wixii aynu qabsanay la qirayo oo aan la dafirayn, Ingiriiska waan la kulmay, Faransiika waan la kulmay, Itoobiya, Djabuuti waan la kulmay, dhammaantoodna kalsoonidii mudadaa dhisan tahay way inoo hayaan, laakiin waxay ku xidhan tahay sida qoladii xilka igala wareegtay ay uga faa’ideysato, intaasna waxa dheer nidaamkii aanu xilka u waereejinay wuxuu u sameeyay in inrii hore la inooga soo dhawaado oo haddii aynaan inagu hagal daacin ay wax badani inoo qabsoomi karayaan ayaa muuqatay haddii aan dibada tagay.

Adduunkana waala ixtiraamaa oo markaan sii socda iyo markaan soo socdaba waan ka kulmaa safaaradaha, markaa anigu halgaygii waan ka hayaa oo mowqifkeygii ayaan taagahay, haddii qoladani meel kale ka bilaabayso.

S:-Wali dunida kamay dhicin in dal hore u lahaa aqoonsi mar labaad aqoonsi uu raadsado, maxaa Somaliland sidaas loogu kalifayaa.?

J:-Anigu taas qoraalo badan ayaan ka qoray oo aan caalamka uga qoray Madaxwaynaha hadda joogana waan ku wareejiyay faylkaa, markaa waa nasiib daro ayuun-baan odhan lahaa, markii aanu xoriyadda qaadanaynayna waxaynu nidhi walaalahayaga Soomaliya ayaanu ku biiraynaa inaga oo aan gooni isku taagin, aqoonsigeeniina wuu lumay, waxaana la inaga qoray dalkii diiday inuu xoriyad qaato, markaa khaladaad aynu samaynay ayaa halkam inagu haya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Where is that day's flag? It was not this one you posted every wall dee. Plus where parties like May 18th.. It's sad June 26th when Somalia got its independence from British colonial is so less insignificant to celeberate yet the clan's so called independence day is huge day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;730717 wrote:
Riyaale beleived only somalia.

Where does it say does what Xiin said about Siilaanyo thats what some said about cigaal to lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this