Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweynaha Jabuuti oo Martiqaad u Fidiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Madaxweynaha Jabuuti oo Martiqaad u Fidiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

 

SUNDAY, 26 JUNE 2011

 

Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo ansixiyey ajandaha kalfadhigooda 15aad iyo qoddobadda xaasaasiga ah ee ku jira

 

Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha waddanka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal kooban ka jeediyey fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada, waxa uu sheegay inuu u socdaali doono Jabuuti oo uu casuumad ka helay, halkaas oo uu kaga qaybgeli doono xuska maalinta qarannimada dalkaas ee 27 June oo ku beegan Isniinta berri.

 

Munaasibadda 27 June ayaa ku beegan xilligii Jamhuuriyadda Djibouti ay ka qaadatay dalka Faransiiska madax-bannaanideeda sannadkii 1977, iyadoo qabanqaabada u diyaargarawga xusku si weyn uga socoto dalka Djibouti iyo guud ahaanba dalalka deriska ah.

 

Xuska maalinta madaxbannaanida Jabuuti oo ku beegan Isniinta berri, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan masuuliyiin iyo madax badan oo caalamka iyo Afrika ka socda, iyadoo dawladda iyo dadweynaha reer Jabuuti diyaargaraw xooggan ugu jiraan sidii xus ballaadhan loogu samayn lahaa maalinta qarannimadooda.

 

Geesta kale, mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay cod ku meel-mariyey qodobadda ajandaha uu goluhu ku shaqayn doono kalfadhigiisa 15aad ee si rasmi ah u furmay badhtamihii toddobaadkii hore, kaasoo ay ku jiraan qodobo xaasaasi ah sida wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha, wax-ka-beddelka Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta masuuliyiinta qaranka.

 

Fadhigaas oo ay ka qaybgaleen 41 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa cod gacan-taag ah ku oggolaaday ansixinta ajandaha kalfadhiga cusub 21 mudane, waxa diiday 15, waxana ka aamusay 5 mudane, iyadoo fadhiyada soo socda uu goluhu gudo-geli doono doodda qodobadda ajnadaha kalfadhigooda cusub.

 

Qodobadda ajandaha kalfadhiga 15aad ee goluhu ansixiyey waxa ku jira qodob xasaasi ah oo ku saabsan qaddiyadda furista ururrada siyaasadda oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Golaha Wakiillada.

 

Ajandaha kafdhiga oo ka kooban 12 qodob waxa ay kala yihiin sidan:

 

1- Warbixinnaha Shirguddoonka, guddida joogtada ah iyo guddiyada Golaha Wakiillada.

 

2- Mashaariicda sharci ee golaha horyaalla.

 

3- Xeerka Nabadgelyada Guud.

 

4- Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Baanka Dhexe.

 

5- Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Ururrada Siyaasadda ee Xeer Lr 14.

 

6- Xeerka ka Ganacsiga Hawlaha Baanka.

 

7- Xeerka Biyaha Qaranka.

 

8- Xeerka Baanka Islaamiga ah.

 

9- Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka-hoosaadka Golaha Wakiillada.

 

10- Xeerka Nabadgelyada Waddooyinka.

 

 

11- Xeerka Caymiska Qaranka.

 

 

 

12 Ansixinta masuuliyiinta qaranka iyo wixii kalee soo kordha.

 

 

Togdhnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this