Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Congratulates his people on independence day (26 June)

Recommended Posts

War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Guud Ahaan Shacabka Ku Hambalyeeyay Sanad-Guuradda 51-aad Ee Ka Soo Wareegtay Xornimadda Dalka.

 

Hargeysa (Ramaas) June 25,2011 - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibadba sanad-guurada 51-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii Jamhuuriyadda Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii oo barri ku beegan.

 

War-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray afhayeenka aqalka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isla-markaana Madaxwayne Axmed Siilaanyo shacabka ku hambalyeynayo maalintan ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska, Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska UK.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin ilaalinta iyo difaaca Qarannimada Somaliland.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this