Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Siilaanyo: one year in power

Recommended Posts

Wasaaradda Caafimaadka 5.

 

 

 

Waxa dib-u-habayn iyo xoojin lagu sameeyay qaybta wacyi-gelinta ee Wasaaradda oo lagu xoojiyay khabiiro ku xeel-dheer barnaamijyada wacyigelinta bulshada ee dhinacyada ka hortagga cudurada faafa, daaweynta iyo ilaalinta fayo-dhawrka iyo nadaafadda guud ahaan waxay wax weyn ka taraan caafimaad qabka bulshada.

Wasaaraddu Caafimaadku waxay tababar ku saabsan maamulka iyo maareeynta u diyaarisay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Isku-duwayaasha gobolada kuwaas oo bisha September ku tegi doona jaamacad ku taal dalka Kenya. Tababarkani wuxuu wax weyn ka tari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada maamul iyo hawl-socodsiinta heer qaran iyo heer gobol. Hawshan waxaa gacan naga siinaysa dawladda Japan (Japenese International Cooperation Agency-JICA)

 

 

Waxa dib u habayn mug leh lagu sameeyay nidaamka xogta caafimaadka ee cusbitaalada dalka, waxaana tababar, mushahar iyo qalab looga helay Global Fund oo caawin doona saddexda sanno ee soo socda Insha Allaah.

 

 

Waxaa markii u horeysay, wasiirka caafimaad si rasmi ah uga qay-galay kulanka caafimaadka adduunka, oo lagu gorfeeyo xaaladaha caafimaad ee adduunka laguna jaangooyo miisaaniyadda iyo iskaashiga horumarinta caafimaadka adduunka. Kulankan, waxaa lagu ansixiyay in la keeno tallaalka beer-xannuunka (Hepatitis B) dalkeena markii u horeysay taariikhda tallaalkaas oo wax-weyn ka tari doona faafitaanka cudurka hepatitis B

Wasaaraddu caafimaadku waxay heshiis cusub la gashay UNOPS oo ka wakiil ah laba mashruuc oo lagu maal-gelinayo cusbitaalada Hargeysa iyo Berbera. Mashaariicdani waxay si mug leh wax-uga tari doonaan dib-u-dhiska cusbitaalada, qalabka, daawada, iyo socodsiinta hawl-maalmeedka labada cusbitaal. Waxaa ku bixi doona kharash dhan $5000,000 oo ay bixi doonto UAE iyo 1,200,000 Euro ay bixin doonto EC. Waxaa hadda gacanta lagu hayaa wajigii

 

 

 

 

 

 

koowaad ee qiimeynta, waxaanan ku rajo-weynahay in ay si rasmi ah u bilaabmi doonaan dhamaadka sannadka.

Wasaaradda Caafimaadku iyadoo gacan ka helaysa wasaaradda maaliyadda iyo muwadiinta Somaliland gudo iyo dibadba, waxay wax ka qabatay qalabaynta cusbitaalka guud ee Hargeysa gaar ahaan sariiraha, furaashyada iyo gogosha taas oo ka kooban 235 sariirood, 300 furaash, 300 barkimo iyo 600 oo go. Hawl-galkani wuxuu wax-weyn ka tarayaa bilicda iyo nadaafadda bukaan-jiifka.

Wasaaradda Caafimaadku iyadoo kaashanaysa hay’adda GRT, waxay dib-habayn iyo dayictir ballaadhan ku samaysay cusbitaalka dhimirka ee Hargeysa taas oo wax-weyn ka tartay daryeelka bukaanka dhimirka. Maanta, bukaan-jiif kasta oo ku sugan xarunta dhimirku wuxuu helaa daawo tayo leh iyo dhamaan imkaaniyaadka loogu baahan yahay nolosha bukaan jiifka.

Si kor loogu qaado daryeelka bukaanka dhimirka, wasaaraddu waxay heshiis la gashay ururka DUGSI kaa soo lixda gobol ka hirgelin doona xarumo lagu daaweeyo, lagu xannaaneeyo isla markaa dib-loogu soo kabo nolasha bukaanka dhimirka.Wasaaraddu waxay ku wareejisay goobihii laga dhisi lahaa lixda gobol iyadoo la kaashanaysa maamulka dawaladaha hoose.

 

 

Wasaaraddu waxay ka fulisay dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan olole qaran oo lagu xoojinayo caafimaadka caruurta iyo hooyooyinka. Olalahan qaran, waxaa lagu tallaalaya dhamaan caruurta da’adoodu ka yar tahay 5 sanno iyo hooyooyinka ku jira xiliga dhalmada oo laga tallaalayo cudurada jadeecada, gawracatada, xiiq-dheerta, kojisada, qaaxada iyo dabaysha. Sidoo kale, olalahan, waxaa la siinayaa dhamaan caruurta ku jirta da’da 5 sanno vitamin A iyo daawada gooryaanka, biyo sifeeye iyo milanka fuuq-celinta shubanka. Waxaa sidoo kale barbar-socda wacyi-gelinta caafimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhalmada, naas-nuujinta, nafaqaynta, fayo-dhawrka, iwm. Waxaa sidoo kale lagu cabirayaa heerka nafaqo ee ilme kasta oo ka yar 5 sanno – sahankaas oo wax-weyn ka tari doona wax-ka qabashada heerka nafaqo-darro ee dalka ka jirta.

 

 

Iyadoo uu ku ekaa taakuladii cusbitaalka Borama uu ka heli jiray Italian Cooperation bishan June, Wasaaraddu waxay kaalmo lagu sii

 

 

 

 

 

 

wado hawsha cusbitaalka uga heshay Global Fund mashruuca xakamaynta cudurka HIV/AIDS qaybtiisa adkaynta adeega caafimaadka, kaas oo lixda bilood ee sannadka ka hadhay *****li doona mushaharka shaqaalaha, daawada iyo kharashka hawl-socodsiinta cusbitaalka.

 

 

 

Iyadoo lagu jiro xili abaar iyo nafaqo darro ba’an ay jirto Somaliland, wasaaraddu waxay ka bilawday gobolada dalka barnaamijyo lagu xoojinayo nafaqada caruurta 5 sanno ka yar iyo hooyada uurka leh ama nuujinaysa. Barnaamijkan oo ahmiyad gaar ah leh, waxaa gacan ka geysanaya UNICEF iyo WFP.

 

 

Wasaaraddu waxay heshiis la gashay Northwest State Germany oo inaga caawin doona tababarada dhakhaatiirta (post-graduate courses), daawooyinka cusbitaalada, ambulances iyo mashruuc ku wajahan la dagaalanka gudniinka fircooniga ah. Waxaa dhawaan dalka yimid sarkaal ka socda laanqayrta cas ee Germany oo ambaqaadayay heshiiskan oo Wasiirku ku soo galayGermany bishii May.

 

 

Wasaaraddu waxay heshiish shaqo la gashay cusbitaal ku yaal Mumbai-India, kaas oo keeni doona khubaro ka shaqeysiisa mashiinada loogu adeego dadka kalyuhu shaqeyn-weyaan ee cusbtiaalka guud kaas shaqada kelyo sifaynta bilaabi doona bisha September.

 

 

Waxaa dayactir lagu sameeyey xarumaha keydka daawooyinka ee afar gobol iyo keydka dhexe ee Hargeysa. Waxaa sidoo kale dayactir lagu sameeyey xarumaha keydka dhiiga ee cusbitaalada Hargeysa, Berbera, Borama iyo Laascaanood. Hawshan waxaa naga caawiyay hay’adda WHO.

 

 

Waxaa markii u horeysay wasaaraddu ay kaalmo wada-jir ah ka helaysaa deeq-bixiyaasha DfID, USAID, AUSAID, WB iyo SIDA oo si wada jir ah u maal-gelinaya mashruuc ballaadhan oo kor loogu

 

 

qaadayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Somaliland shanta sanno ee soo socda Insha Allaah. Mashruucani wuxuu hordhac u

 

 

 

yahay in Somaliland ay deeq-bixiyaashu kaalmada horumarinta Somaliland iska kaashadaan taas oo dhiiri-gelin weyn u ah siyaasadda Somaliland ee abuuritaanka Multi-Donor Trust Fund lagu maal-geliyo Qorshaha Horumarinta Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda UK oo mashruuc ballaadhan oo lagu xoojinayo caafimaadka dalka ka waday Somaliland ilaaa June 2010, waxay kordhisay isla markaa ballaadhisay miisaaniyaddii mashruucan oo lagu daray laba sanno oo dheeraad ah, taas oo ka dhalatay natiijadii ka soo baxday qiimeyntii mashruuca sannadka koobaad.

 

 

Waxaa soo kordhaya kaalmada USAID ay ku caawiso caafimaadka Somaliland. Bishan May, waxay USAID ku dartay barnaamijka baahinta adeegyada caafimaadka ee gobolka Togdheer $1,000,000 oo ay soo marisay hay’adda UNICEF.

 

 

 

 

Wasaaraddu waxay ku guulaysatay in ay kaalmo uga hesho Jaamacadda JIMA ee Ethiopia laba dhakhtar oo tababar-takhakhus u soo qaadan doona cudurada dhimirka,waxa iska kaashaday w.caafimaadka iyo ururka wadaniga ah eeTAAKULO.

 

 

Waxaa markii u horeysay tababar (advanced training) soo qaatay 3 dhakhtar iyo 3 shaybaadhe dalka Kenya, taas oo loogu talo-galay in dalka laga hirgeliyo daaweynta dadka qaba cudurka qaaxada ee ku bogsoon waaya safka hore ee daawada qaaxada.

 

 

Waxaa markii u horeysay ka soo qalin-jebiyay dugsiga tababarka caafimaadka ee Laascaanood 34 kalkaaliye sare (Qualified Nurses) oo muddo saddex sanno ah baranayay cilmiga kalkaalinimada caafimaadka. Xooggan cusub, waxay wax-weyn ka tari doonaan adeega caafimaadka ee gobolka sool iyo guud ahaan Somaliland

 

 

 

 

Waxaa dib-u-eegis lagu sameeyey manhajka tababarka ee umulisooyinka bulshada iyo umulisooyinka sare (community midwives and post-basic midwives), taas oo Wasaaradda ka caawin

 

 

doonta soo saarista umulisooyin tayo leh oo wax-ka-tara heerka dhimasho ee hooyada uurka leh iyo ilmaha mujayga ah.

 

 

 

 

 

Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare

6.

 

 

 

- Dhisme Hal Bakhaar iyo Dayrkiisii oo aan dhisnay Xarrunta Manaahijta xageeda Dambe.

 

- Hal Hool oo loogu talla gallay in lagu saxo Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo aan ka dhisnay Xafiiska Imtixaanaadka Xagiisa Dambe.

 

- Shan La Taliye iyo 10 Tababare oo loo qaatay Mashruuca ICDSEA oo shaqaynaya ama hawlgallay, Daabicidda Buuggtii Waxbarashadda Talantaaliga ah ama Dhigga ah(ABE) Heerarka 3aad iyo 2aad ee Aasaasigga ah.

 

- Macalimiinta ay Kaalmadda DANIDA Bixinaysay oo si fiican u socda oo hirgallay.

 

- Waxa qabsoomay Kormeer lagu hubinaynay Macalimiinta Gunaysan iyo laba jeer qoran, taasina way hirgashay.

 

- Imtixaankii Shahaadigga ahaa Fasaladda 4aad ee Dugsiyadda Sare iyo Fasaladda Sideedaad ee Dugsiyadda H/dhexe.

 

- Soo ururinta iyo qaabaynta Qaabdhismeedka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo la soo koobay

 

- Go’aaminta in la soo tiro koobo Dhamaan 863 Dugsi oo isugu jira kuwa H/dhexe, kuwa Talantaaliga ah (ABE) ee Aasaasiga ah.

 

- Kulamo gaar gaar ah oo lala yeeshay Jaamicadaha Dalka, si loo tayeeyo Waxbarashadda

 

- Xog ururinta Dugsiyadda Sare ee Jamhuuriyadda. Dugsiyo cusub ayaa ogolaanay in laga dhiso Sanaag Bari iyo sool.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Beeraha

7.

 

 

 

 

 

1. Wasaaradda Beeruhu waxay dib u bilawday Beertii Tijaabadda ee Abuuriin oo aan shaqayn 20kii sano ee ugu dambeeyay kaasoo loogu talagalay in lagu tijaabiyo dalagyadda kala gadisan ee ku baxa roobka( Rain fed) dalagyadaas oo qaar ka mida lagu tijaabiyay oo marka lagu guulaysto tijaabadooda loo gudbiyo beeralayda caadiga ah si ay u kordhiyaan waxsoosaarka.

 

 

2. Wasaaradda beeraha waxaa usuurta gashay inay mashruucii Wajaale ee Wasaaradda Beeraha dib u qodo dhul dhan 500 saacadood,kuna beerto noocyo kala gadisan sida ‘Hadhuudhka cilmi jaamac, digiro kala gadisan, sareen, fool, tukhun, fasuuliye, galay, misir, heed, qamadi, xabasuud, lows, shunburo, sinsin, beertaas oo loogu talagalay in lagu sameeyo abuur badinta

 

 

3. Wasaaradda beeruhu waxay ku guulaysatay inay keento mashiinkii bariiska galka ka saarayay, kaasoo si fiican u shaqeeyay markii la tijaabiyay galkana ka saaray ilaa (50 kiish).

 

 

4. Wasaarada beeraha iyo hayadda IFAD waxay si wada jira u fuliyeen saacado qodaala oo dhan 3000 sacadood waxaa kale oo ay u qaybiyeen danyarta beeralayda gobolada Awdal, Gabiley & Maroodi jeex 100 dibi

 

 

5. Wasaaradda beeraha iyo hayadda ADO waxay wada jir u fuliyeen saacado qodaala oo dhan 3000 oo sacadood iyo 30,000 oo moos oo ah kuwa biyaha qabta yareeyana nabaad guurka kana fuliyeen qobolada M/jeex, Tog dheer, Saaxil & Awdal.

6. Wasaradda beeraha iyo hayadda DRC waxay wada wada jir uga fuliyeen gobolka Saraar saacado qodaala, waxa kale oo ay qodeen ceelal (Shallow Wells) waxayna u qaybiyeen matoorada biyaha

 

 

7. Wasaaradda beeraha iyo hayadda ADRA waxay Ceelal tijaabo ah (Shallow Wells) ka sameeyeen dagmooyinka Arabsiyo, Gabiley & Baki celashaas oo tiradoodu dhamayd (6 ceel) waxaa kale oo ay dhiseen (3Green House) oo laga sameeyay Arabsiyo, Gabiley & Baki.

 

 

 

 

 

 

8. Wasarada beeraha iyo hayada Havoyoco waxay deeganka sayla iyo wado bariis ka fuliyeen moosas (soil bunds) dhererkoodu yahay 2000m, daad leexin (water diversion) gaadhaya 750m.

 

 

9. Wasaradda beeraha iyo hayadda MADO waxay ka fuliyeen deegaanka Darar wayne iyo Rabley saacado qodaala waxa kale oo ay qaybiyeen qalabka beeraha ( Hand tools) waxa kale oo ay qaybiyeen seed gaadhaya 450G oo seed ah, waxa kale oo ay qodeen 15 ceel.

 

 

10.Wasaaradda beeraha iyo hayadda German Agro Action waxay ka fuliyeen gobolka Awdal hawlgal isugu jirta nafaqaynta ciida iyo beerista noocyo kala duwanoo digiraha ah iyo tababaro ku saabsan dhinacyada wax soo saarka

 

 

 

4. Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha

8.

 

 

 

Meelaha laga fuliyay mashaariicda biyaha seddexdii bilood ee ina soo dhaafay waxay kala yihiin sidan:-

 

Nidaamyada mashaariicda Biyaha ee dhamaaday ama socda

Tobabaradda

Cilmibaadhista iyo horumarinta

Dayactirka iyo xanaanaynta

Siyaasadda iyo xeerarka

Caqabadaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Mujahid has taken control of the ship and it's slowly but surely back on course towards that elusive recognition.

 

After the Mujahid leaves office we need a strong leader to help close the eastern Borders through either the hard way or easy way..

Mujahid Ina Kahin would be excellent man for this job..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Ma noolyahay mise waa dhintay Ina Kaahin horta? if he is alive what is stopping him not to close the d-am-n border once and for all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mujahid Mohamed Kahin is alive and kickin, may Allah increase his years.

To answer your question the kind hearted Silanyo with his wisdom has decided that a policy of friendship and peace is best for the communities concerned. Is it best for Somaliland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this