Sign in to follow this  
Liibaan

Faroole Asked to Apologize For Derogatory Comment

Recommended Posts

Liibaan   

Faroole Asked to Apologize For Derogatory

 

Buhodle.net

 

 

Wednesday, 22 June 2011 04:44 | Written by Buhodle.net

 

57717_faroole.jpg

 

 

A group of Puntland lawmakers are seeking an immediate apology from the president of the semi-autonomous region, Abdirahman Sheikh Mohamed Farole following a derogatory statement the president used during the 26 session of the local parliament.

 

 

“Anigu hadii aanan aqoon u lahaan lahayn Xildhibaan Indhabuur waan ka ficil qaadan lahaa hadaladiisa, waa mucaarad xun oo doqon ah.( If I had not known this Member of Parliament very well, I would have taken interest in what he has said. He is a bad and a fool opposition) enraged president Farole told a sitting of the regional parliament in the Somali language.

 

 

 

The derogatory language of the president was part of a question and answer session of the assembly where local house representatives were demanding answers from the government regarding some security issues of the region.

 

Several lawmakers said they are surprised that the president used the term as it is derogatory, biased and showing irresponsibility.

 

While the president stirs up controversy with his comments a few days ago, members of the local assembly are still addressing the issue asking for redress for the leader’s use of mock and gibberish statement in national function.

 

President Farole directed this answer to lawmaker Suleiman Yussuf who asked him some specific questions touching the security situation of the region, particularly about the controversial Sool region where Somaliland and Puntland both claim to own.

 

The response of the regional president has since stunned a cross-section of lawmakers who are now demanding an apology from the president.

 

MP. Mohamed Gulied a representative from Sanaag region described the president’s utterance as a national issue that can damage the reputation of the budding regional authority.

 

A group of Puntland professionals also asked the president to apologize to the lawmaker and the people of Puntland. They accused their leader for failing to show some form of political tolerance and responsibility. The professionals are seeking the president to say sorry publicly and through the local media as a means to reassure his leadership.

 

 

____________________________________

 

 

LaasqorayNET

 

Faroole oo koobkii DHAQAN XUMADA Markale Qaadey kadib markii uu ka caroodey Su’aalo la weydiiyey

 

 

Xildhibaan Maxamed Guuleed oo ah Xildhibaan kasoo jeeda Gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Saleebaan Yusuf Indhobuur oo isna kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa su’aalo ay weydiiyeen ka careysiiyey Madaxweynaha Puntland, C/raxman Farole isla markaana muujiyey dhaqan xumo aan looga baran odey Soomaaliyeed kadib markii si xun ula hadley xildhibaan Indhabuur oo isla markaana ku yiri “….Anigu hadii aanan aqoon u lahaan lahayn Xildhibaan Indhabuur waan ka ficil qaadan lahaa hadaladiisa, waa mucaarad xun oo doqon ah….”

 

Hadaba maxaa keeney carada intaa le’eg oo jawaabtaas xun keentey?

 

Marka hore waxaa Madaxweynaha ka careysiisey Su’aashii uu weydiiyey xildhibaan Maxamed Guuleed oo aheyd ” Cuno qabateynta Sanaag iyo xeebta Sanaag la saarey” isla markiiba uu madaxweynuhu jawaab ka muujiyey oo yiri “……Cunoqabataynta ma jirto inta kale waan ka garabaya, cadow ayaa meesha galay waxaan filayaa in adiga laftaadu aad ka qayb qaadato sidii xal loogu heli lahaa arintaasi….” isagoo aad moodid in uu buuraha Gobolka Bari ay kaga khaldameen buuraha Gobolka Sanaag iyo xeebta Laasqoray.

 

Hadeynu dib ugu noqono hadalka aflagaadada ahaa ee uu madaxweynuhu yiri oo ula jeedey Xildhibaan Indhabuur, bal akhristow eeg oo mulaaxid waxa uu xildhibaanku weydiiyey madaxweynaha?

Xildhibaanku wuxuu yiri:

 

Maamulka Casayrland oo lagaga dhawaaqay gobolka Bari

Dhibaato ka taagan wadooyinka Galgala.

Burcad badeed goostay badaha.

Amaanka gobolka Mudug oo faraha ka baxay

Xasuuqii Kalshaale.

Dilalkii Garowe ka dhacay ee masuul iyo rayid lagu laayay oo cidna aan loo qaban.

Xiriirka Caalamiga ah iyo safarada dibada.

Arimaha Garsoorka.

Ciidamadamo ka tirsan Puntland oo goostay.

Sababta loo samayn la yahay CID ay yeelato Puntland.

Sabata uu Madaxwaynuhu uu fulin layay balanqadkii lagu doortay.

Su’aasha aad maragta ka tahey akhristow waxa weeye Su’aalaha uu Indho buur weydiiyey miyaadan akhristow la qabin? oo miyeysan dadku la qabin? oo miyeysan Soomaalow dhan la qabin? oo miyeysan Caalamkoo dhani la qabin?

 

Madaxweyne Faroole dad badan waxay ka quusteen maalintuu ku dhawaaqey iney dumarku iyo qabaailku hubka qaataan oo la dagaalamaan wiilashii Galgala joogey oo qaab qabiil isu urursaday hase yeeshee dabeecad xumo ayaad mooda inuu madaxweynuhu ku darsadey dhaqan xumo.

 

LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

lmao what exactly will he say when he apologizes? how will he justify his poor choice of words?? ..ma wuxu dhahaya raali ahow ma tihid mucarad doqon ah hada waxa tahay mucarad fariid ah LMAOOOO! I am sorry bt theres no way around this!

 

n honestly who needs his apology...his actions or the lack of have already been clear interms of what he believes within..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Puntlandtalk.net

 

Faroole Refuses To Say "Sorry" to MP Indhabuur From Sool For Derogatory Comment

 

Faroole oo diiday inuu raali gelin ka bixiyo aflagaado uu u geystay xildhibaan

 

 

Wed, 06/22/2011 - 15:51

 

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa si isku mid ah uga xumaaday hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud 19kii bishan Jun, xilli madaxweynuhu khudbad ka jeedinayey kala fadhiga golaha Baarlamaanka.

 

Kalfadhigii 26aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa furmay 19/06/2011. Kalfadhigan waa ka dib dhacay waqtigii loogu talagalay inuu furmo, sababtuna waxay ahayd in madaxweynuhu safar ku maqnaa, maadaama ay ahayd inuu isagu furo kalfadhiga

 

Hadaba waxaa magaalooyinka Puntland si weyn looga hadal hayaa in doodii dhexmartay xildhibaan Indhobuur iyo Dr. Faroole ay ahayd mid aan loo baahnayn in madaxweynuhu uu abbaaro shakhsiyada mudanaha, isagoo si kale oo sharcigu ogol yahay ugu jawaabi karay Xildhibaanka.

 

Xildhibaanada maamulka Puntland ka sokow waxaa jira dadweyne faro badan oo fariimo iyo emaillo nagu soo gaarsiiyey in hadalka uu madaxweynuhu ugu jawaabay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Indhabuur uu ahaa mid aan lagula kici karin xildhibaan xasanad iyo sharafta shacabka huwan.

 

Xiriiro aan la samaynayn xildhibaano ku sugan Boosaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, waxay ku doodayaan inay sinaba u aqbali karin jawaabtii uu bixiyey madaxweyne Faroole ee uu ku aflagaadeeyey sharafta mudanaha.

 

“”Waxaan ka sugaynaa madaxweynaha inuu raaligelin buuxda oo public ah ka bixiyo hadalkii carada lahaa ee uu ku yiri xildhibaanka, madaxweynaha waxaa laga doonayaa inuu muujiyo masuuliyad iyo qaangaarnimo siyaasadeed oo uu dulqaad ku jiro ee lagama filayn in sidaas uu ugu gefo xildhibaanka”", ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Puntland oo Garoowe jooga.

 

Aqoonyahan Sharci yaqaan ah oo Boosaaso jooga ayaa PN24 u sheegay in sharcigu uu dhigayo in madaxweynaha su’aalo la weydiin karo, waliba su’aalo dhaliil xambaarsan, laakiin madaxweyanaha waxaa soo doortay xildhibaanada, xildhibaanadana waxay wakiil ka yihiin oo ay matalaan shacabka, sharcigu ma siinayo inuu shakhsiyadooda la abbaaro oo wax laga sheego, waayo Immunity ayey leeyihiin xildhibaanada loomana gefi karo, sidaa darteed waxaa laga rabaa madaxweynaha inuu sharciga iyo baarlamankaba hortago oo uu raaligelin guud iyo mid gaar ahba bixiyo.

 

Su’aalihii ugu muhiimsanaa ee ay wakiiladu waydiiyeen madaxweynaha

 

-Sabata uu Madaxwaynuhu uu fulin la’yahay balanqadkii lagu doortay.?

 

-Ammaanka, sida dadka la laynayao oo aan cidna loo qabanayn?

 

-Kor u qaadista tayada Pooliska?

 

-Gobalada goosanaya oo ku dhawaaqaya maamul goboleedyada sida Raas-Caseyr State?

 

-Safarada aan Baarlmaanku waxba ka ogeyn ?

 

-35 kiilo mitir oo Somaliland gudaha u soo gashay ciida iyo dhulka Puntland mudadii labada sano ee uu Dr. Faroole ka arriminayey Puntland, iskaba daaye in Laascaanood dib ugu soo noqoto gacanta dowlada Puntland.?

 

-Ciidamada CD ah oo la sameeyo, si ay amaanka uga qaybqaataan?

 

-Sabata uu Madaxwaynuhu uu fulin la’yahay balanqadkii lagu doortay.?

 

-Xasuuqii Kalshaale.?

 

-Ciidamo ka tirsan Puntland oo goostay.?

 

-Hay’adihii garsoorka Puntland oo ku milmay xukuumada, mudadii uu madaxweyne Faroole xafiiska joogayna uu hoos u dhacay shaqadoodii.?

 

Dad badan ayaa la yaabay inay jawaabta madaxweynaha noqoto “….Anigu hadii aanan aqoon u lahayn Xildhibaan Indhabuur waan ka ficil qaadan lahaa hadaladiisa, waxaa tahay mucaarad xun oo doqon ah “ hadalkan ayey dadu ku tilmaameen inuu yahay meel ka dhac, lagula kacay Baarlamaanka iyo shacabka reer Puntland.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku cel-celiyey in maamulkiisa ka hor Puntland aan la qaadan jirin wax mushaharo ah, iyadoo la xasuusan yahay in Dr. Faroole markii uu aha wasiirka maaliyada Puntland aan wax mushahar ah la qaadan muddo 10billood oo xiriir ah, haatana dhowrkii billood ee u dambeeyey shaqaalaha iyo ciidamada dowladu aysan u xaadirin wax mushaar ah.

 

Sidoo kale xildhibaan kale oo isaguna kasoo jeeda gobolka Sanaag laguna magacaabo Xildhibaan Maxamed Guuleed ayaa su,aal uu ka siday dadka deegaanada Sanaag weydiiyey Dr. Faroole

 

Mudanaha ayaa su,aalay islamarkaana u cawday madaxweynaha in ay jirto Cunoqabatayn uu xildhibaanku sheegay in la saaray shacabka ku nool gobolka Sanaag iyo cabsho ay ka muujiyeen dadwayunuhu arintaasi.

 

Cabdiraxmaan Faroole oo ka jawaabay su’aashii ayaa yiri “……Cunoqabataynta ma jirto inta kale waan ka garaabaya, cadow ayaa meesha galay waxaan filayaa in adiga laftaadu aad ka qayb qaadato sidii xal loogu heli lahaa arintaasi….” ayuu yiri Madaxweynaha intaas kadib waxaa cod dheer isagoon loo fasixin ku qayliyey xildhibaan Maxamed Guuleed oo yiri ‘’madaxweyne arrintu waa deg-deg waxaa haboon inaad si dhakhso leh shir arrintaa ku saabsan loo guda galo, laakiin Dr. Faroole ayaa ku jawaabay isagoo careysan ‘’naga daa buuqa iyo dooda hadaa rabtid beri waan qaban karnaa arrintee’’

 

Kalfadhigaan muxuu uga duwan yahay kuwii horay u dhici jiray

 

Waxaa madaweynaha la waydiiyay su’aalo aad muhiim ah isla markaasna ka turjumaya waaqica iyo xaqiiqada ka jirta Puntland, waxaa la waydiiyay su’aalo la xiriira:

 

1.Waxaa la taabtay runta

2. Si sareexad leh oo aan baqdini ku jirin ayaa loo hadlay

3. Waxaa ugu hadal cad-caddaa xildhibaan Saleebaan Indhobuur oo laga soo doorto gobolka Sool wuxuu ka hadlay arrin dadku doonayeen in madaxweynaha waxa uu ka qabo la ogaado.

4. Waxaa loo hadlay si guud meesha waagii hore badanaa xildhibaanadu ay ka hadli jireen mashaakilka ka jira gobolada ay ka soo jeedaan.

 

Xildhibaanku Wuxuu muujiyay geesinmo, waana tilaabo dhiirrogalinaysa xildhibaanada kale, sidoo kale xildhibaanadu kuma ekaan inay u hadlaan deegaamada laga soo doorto oo qura balse danta Puntland ayey golaha kaga doodeen madaxweynaha wax ka weydiiyeen.

 

Dhacdadaan maxaa ka imaan kara ama ka dhalan kara?

 

In hadda ka dib warbaahinta laga mamnuuco aqalka Baarlamaanka.

 

Inaan madaxweynuhu kusoo dhiirran horimaadka xildhibaanada.

 

Inuu yimaado cadaadis lagu cadaadinayo xildhibaanada dawladda dhaliilsan, waxaa ku imaan karta in hadalka laga ilaaliyo iwm.

 

In la yareeyo kulamada Baarlamaanka.

 

Inay xildhibaanada dawladda dhaliilsan ay xoojiyaan ammaankooda, xaddidaana dhaq-dhaqooda.

 

Isku soo duuboo ma la filan karaa in madaxweynaha Puntland uu shacbka reer Puntland u jeediyo raaligelin buuxda, ka hor inta mudanyaasha baarlamanka aysan arrinta uu ku kacay madaxweynaha ka keenin mooshin uu qabo xeer-hoosaadka axdiga Puntland.

 

Puntlandtalk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Come on guys what apology, the MP is very lucky to get away with those questions knowing what faroole can do to him so, let us leave it there but I hope those MPs select the right person for the position next time. If there will be next time.

 

Faroole is faroole. what can we say.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is a gaffe. The president should never loose his cool and resort to innappropriate language. But in a democratic system where MPs can queastion the leader in a heated debate, this slip of the tongue is miniscule in the grand scheme of things.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this