Sign in to follow this  
General Duke

Puntland delegation visits SOOL: Taleex Xallin: enjoy the PICS

Recommended Posts

2230-1024x768.jpg

 

Wafdi isugu jirra Wasiiro, Gudoonka Barlamanka , Xillibaano & Saraakiil ciidamada amniga Dowlada Puntland ayaa socdaal maalin qaatey ku tagey deegaano ku yaal gobolka sool Sida Degmada Taleex & Deegaano kale oo ay ka mid tahay Tuulada xallin oo leh dhul beereed dalag wanaagsan uu kasoo go,o.

 

Xubnaha waftiga ee gaarey deegaanadaasi ayaa kala ahaa, wasiirka wasaaradda beeraha & waraabka Dowlada Puntland Eng Maxamud Xaaji Salax, Gudoomiye ku xigeenka labaad golaha wakiilada Dowlada Puntland Md Xuseen yaasiin xaaji diiriye, Wasiir ku xigeenka Maamulka Wasaarada Maaliyada Md Cabdi Qowdhan, Xillibaan Cali Jaamac (Dhago-cade) & Xubno kale oo ka tirsan Barlamanka & Saraakiisha Ciidamada Dowlada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

6111-1024x768.jpg

 

Waftiga ayaa safarkooda ka bilaabey deegaanka la yiraahdo xallin oo qiyaastii garowe u jirra 100 km dhanka waqooyi bari, ayna ku yaalaan tiro dhan 75 beerood , oo laga hello dalag wanaagsan oo loo iib-geeyo meelo kala duwan oo ka mid ah suuqyada gudaha magaalooyinka Puntland, Iyadoona dadka deegaankasi xallin ay tabac xoog leh galiyeen sidii ay u buuri lahaayeen beero wax soo saar leh.

 

Qeybo kala duwan oo ka tirsan bulshada deegaanka xalin ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey waftiga markii ay gaareen magaalada , ayna warbxin waftigu ka dhageysteen qaar ka mid ah odoyaasha deegaanka & dadka iska leh beeraha ku yaal xalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

949-1024x768.jpg

 

Xubnaha Waftiga ee ku jirrey kormeerka ayaa galinkii danbe waxa ay u socdaaleen degmada taleex , halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen bulshada ku nool , islamarkaana ay la yeesheen shir weyn oo ay dad badan kasoo qeyb galeen.

 

Masuuliyiinta Waftiga ayaa dadka reer taleex u faahfaahiyey safarkooda , kaasi oo ay ku tilmaameen mid dabo socda fulinta adeegyo bulshada oo muhiim ah, waxaana sidoo kale waftigu intii ay joogeen taleex ay kormeer ku sameeyeen Goobo ay ka mid yihiin < Saldhiga Magaalada, & Iskuuladda sida Dugsiga Hoose , Dugsiga dhexe & Dugsiga Sarre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1038-1024x768.jpg

 

Iskuu wada duubo safarka xubnahan isugu jirra wasiiro & xillibaano ka tirsan baarlamanka Dowlada Puntland ayaa imaanaya , ka dib balan qaadyo madaxda Dowladu sheegeen in ay mashaariic ka fulin doonto deegaano kala duwan oo ku yaal Puntland Sidoo kalena xukuumada iminka jirta ay ku dadaaleyso ka war- qabka iyo isku xirka Bulshada & Hay,addaha maamulka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Xallin farms look great. Thanks for the pictures.

as libaax mentioned these are great pictures. And, that is all they are pictures...

 

puntland faaido ma leh

 

I see no reason for this visit. Laakin saan filayo this is just part of duke's puntland advertising campaign.

 

 

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

I like the outdoors, the countryside, the beauty of the land more than indoor sing alongs and parties. Wow, one day soon insha Allah, I will build my farm in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this