Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland journalist Mahamuud Abdi Xuuto receives CNN multichoice African Journalist Award.

Recommended Posts

Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen oo Goor Dhaweyd ka Dagay Dalka Koonfurta Afrika si uu u Guddoomo Mid ka mid ah Abaalmarinaha ugu Sumcadda Badan Afrika ee CNN Multichoice African Journalist Award

Hargeysa (Waaheen) – Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa maanta galinkii danbe ka dagay madaarka Johannesburg, South Africa, halkaasna ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Madax ka socota CNN MUltichoice Journalist Award iyo Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somaliland ee Koonfur Afrika. Mr. Xuuto ayaa ku guulaystay abaalmarinta sannadkan ee [Abaalmarinta Saxaafadda Xorta ah ee Afrika Free Press Africa Award] ee uu bixiyo telefishanka caanka ah ee Dalka Maraykanka xaruntiisu tahay ee

 

 

Saxafiyiin KU SOO BAXDAY TARTANKA KAMA DANBAYSTA AH EE LAGA SII XULANAYO 16 KA guulayste (Xuuto waa saxafiga kali ah ee la sii shaaciyey abaalmarinta uu kuu guulaystay "Free Press Africa Award")

CNN tu.

 

Abaalmarinaha ay CNN Multichoice ayaa ah tan ugu sumcadda iyo qadarinta badan Qaaradda Africa, safka horena kaga jira abaalmarinaha loogu tixgalinta badan yahay caalamka. Bayaan bishii April ay soo saareen guddida kala xulaysay u tartamayaasha abaalmarinaha oo sannadkan dhammaa 1402 oo ka socday 42 dal, ayaa ku soo saareen 27 saxafi oo ka socda 13 dal oo ay Somaliland ku jirto.

 

Mr. Xuuto ayaa ah saxafiga kali ah ee la sii shaaciyey inuu ku guulaystay abaalmarintan Abaalmarinta Saxaafadda Xorta ah ee AfrikaWar-saxaafadeedkaas guddida kala xulaysay ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen inuu ku kasbaday dadaalka joogtadda ah ee Wargeyskiisu ugu jiro gudbinta wararka dhabta ee uu bulshadda u gudbiyo, taasoo keentay inuu ku mutaysto xadhig sharco-darro ah oo dhan 3 sanno iyo lix milyan oo SLsH/=

 

 

Hudheelka Weyn ee Sandtan Sun ee Xafladda Guddoonsiinta Abaalmairntu ay ku dhacayso

oo ganaax ah, kaas oo uu kala kulmay Xukuumadda, balse caddaadis gudo iyo dibadba kaga yimid ka dib uu bil ka dib lagu sii daayey cafis Madaxweyne.

 

Xafladda bixinta abaalmarinta ayaa ku beegan 25.06.11, oo si toos ah looga baahin doono telefishanka CNN ta. Waxa ka soo qaybgali doona oo abaalmarinaha bixinaya Madaxweynaha Koonfurta Africa, Mr. Jacob Zuma, xubno ka tirsan golaha Wasiiraddiisa iyo Guddoomiyaha telefishanka CNN ta iyo madax kale, madax sare oo ka socota shirkadda waaweyn ee Caalamiga ah ee ka mid yihiin Coca Cola, Blackberry, Ecobank iyo kuwo kale oo iyagu xafladdan gacanweyn ka gaysta qabsoomideeda. Waa kalkii 16 aad ee abaalmarinta uu bixiyo Telefishanka CNN tu.

 

Mr. Xuuto ayaa bayaanka bixinta abaalmarintan si cad loogu sheegay inuu yahay wariye u dhashay dalka Somaliland, isagoo sidoo kalena ku baxay passporka Somaliland, taasoo magac weyn u soo jiidaysa dalka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this