Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Delegation from Kalabaydh of Sool Arrive Hargeisa

Recommended Posts

Wefti isugu jira cuqaal iyo nabadoonno ka socday degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool, ayaa

 

dhawrkii maalmood u dambeeyey ku sugan caasimadda Hargeysa, kuwaasoo ujeeddada safarkoodu la xidhiidho sidii ay xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaayeen tabashooyinka dadweynaha degaannada gobolkaas.

 

Cali-nuur Maxamed Ciise (Yool) oo hoggaaminayey weftiga reer Kalabaydh oo xalay isagoo ku sugan Hargeysa Jamhuuriya u warramay, ayaa sheegay in socdaalkoodani ka dambeeyey, kadib markii ay waxgaradka iyo cuqaasha degmada Kalabaydh iyo deegaanno ka tirsan Gobolka Sool ay muddooyinkii u dambeeyey la haayeen shirar ku lafagureen tabashooyinka ay ka tirsanayaan dawladda Somaliland, isaga oo xusay in gebagebadii shirarkaasina lagu go’aansaday in ergo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira cuqaal iyo nabadoonno u soo diraan Hargeysa si ay wadahalo ula yeeshaan masuuliyiinta dawladda.

 

Mr.Yool oo faahfaahinayey ujeeddada socdaalkooda iyo waxyaabaha dadka deegaannnada ay ka yimaaddeen tabanayaan waxa uu yidhi; “Muddooyinkii u dambeeyey waxa dadweynaha iyo waxgaradka beesha aannu ka soconaa shirar ku lahaayeen magaalada Kalabaydh ee Gobolka Sool, waxa dadku ka wadahadlayeen dhibaatooyin jira oo dadka deegaanku tirsanayaan oo ay doonayaan in dawladdu wax ka qabato, shirarkaasna waxa lagu guddoonsaday in annagoo ka kooban 15 xubnood Hargeysa la noo soo diro si aannu dawladda Somaliland ugala hadalno, isla markaana ugu gudbino dhibaatooyinka jira oo la xidhiidha dhinaca nabadgelyada, siyaasadda iyo waxqabadka. Markaa socdaalkayagu wuxuu la xidhiidhaa siddii aanu arrimahaas dawladda ugala hadli lahayn.

 

Xubnahayagan Hargeysa yimi waxaannu metalaynaa oo la soconaa mowqifka dadweynaha deegaanka Kalabaydhka iyo deegaannad ku hareeraysan ee ka tirsan Gobolka Sool, dadkayagiina way na soo direen, Hargeysana martiqaad baannu ka helnay, halkana waxaannu joogaynaa ilaa inta hawlaha aannu u soconaa noo qabsoomayaan, waxaanan rajaynayaa in dawladdu tixgelin weyn siin doonto waxyaabaha aannu u soco. Insha Allaahna arrimuhu khayr noogu dhammaan doonaan.”

 

Ergada ka yimi degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool oo magaalada Hargeysa gaadhay Axaddii toddobaadkan, waxa caasimadda Hargeysa ku soo qaabiley Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegaannadaas ee ku jira baarlamaanka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this