Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khusuusi chairman with delegation joins the widhwidh Conference

Recommended Posts

Sadax xubnood Oo Ka Tirsan Golaha khusuusida SSC Oo Ugostay Shirka ay Wadaan Somalidiidku Ee widh Widh

Baryihii udan beeyay ayaa waxa laga waday geedaanka widhwidh shir la doonayo in lagu kala jabiyo maaulka ssc shirkaas oo ay wadaan horgalo ka soo jeeda SSC hadaba iyadoo ay la socdaan dhamaan maamulka sare ee SSC iyo shacab waynaha SSC ayaa saaka waxa dhacday in rag ka tirsan maamulka SSC khaasatan golaha khusuusida in ay u gostaan dhankaa iyo maamulka siilaanyo ee doonay in khas iyo fowdo ka dhex bilaabaan maamulka SSC,

 

Waxa saaka cabaara sagaalkii subaxnimo dhankaas iyo widh widh u gostay sadax nin oo lagu kala magacaabo gudoomiyaha khusuusiga cabdirisaaq gacmey, cismaancaali cali , iyo nin layiraahdo mohamed case sadaxdan ayaa waxaa ay ka mid noqon doonaan horgalada cusub ee doonaya in ay kabaha u qaadaan maamulka siilaanyo ee xaqdarada ku jooga deegaanka SSC.

 

 

 

Sidoo kale saaka aya waxaa laga dareemayaa gobalada cayn xiisad coladeed kadib markii la soohadal qaaday shirkan lagu qabanayo widhwidh ayaa dhamaan ciidanka SSC ay ku jiraan heegan wayn waxaana la filayaa in dagaal ka bilowdo widhwidh,

 

 

 

Wixii war ah ee ka soo kordha xaalad ah ee ka soo kordha kala soco

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah Gudoomiyihi Iyo golihi Khusuusiga ssc oo shirka widhwidh ku so biiray hadeer.

 

Buhoodle (saraarnews) Gudoomiyaha iyo Golihi Khusuusiga kooxda Nabaddiika ahayd eeh ssc oo ay weheliyan saraakiil sarsare oo ciidan iyo wafti balaadhan oo ay hogaamiynayan ayaa hadeer ku so biiray shirka ka furmay degmada widhwidh oo lagu wado inay noqoto xarunta gobolka buhoodle imikana ay ka ocdaan dhismayaashi mamuulka gobolka iyo xafiisyadi laamaha kale eeh dawlada Somaliland.

 

Waftigan ayaa saaka sagaalki Subaxnimo ka so kictimay degmada inteeda badani xadka la shisheeyso eeh buuhoodle waftigan gudoomiyihi Khusuusiga Gudoomiyaha Cabdirisaaq Gacmay, waxa ka mid aha mudane cismaan cali cali iyo nin la yidhaahdo Mohamad case waxayne ka mid noqon doonaan ergooyinka Balaadhan eeh shirku uga soconayo waxana la filaya inay shirka gelindoonaan naf cusub waxana la filaya inay so dhesyo sidii dadka degaankasi wax ula qabsan lahaayeen walalahooda Somaliland.

 

Sidoo jkale waxa laga dareemaya buuhoodle iyo deganada ku xiirayn rabitaanka dadkaasi u qabaan nabada iyo so dhoweynta shirka widhwidh inkasta oo ay jiraan kooxo dumarka iyo caruurta ku baaadha deganadas colaadana aan waxba ka tarin

wixi rar ah eeh ka so kordha xalaada ah ka so kordha kala soco saraarnews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Funny how these people celebrate the defections of non bodies.!

adeero i wouldnt celebrate if i were you lot. kuwaani tayo ma leh ee ilmo lacagdoon baa ladhahaa. SSCna ma matalaan.!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gar_maqaate;729786 wrote:
Funny how these people celebrate the defections of non bodies.!

adeero i wouldnt celebrate if i were you lot. kuwaani tayo ma leh ee ilmo lacagdoon baa ladhahaa. SSCna ma matalaan.!

Manay ahayn Gudoomiyihi khusuusiga ahayn aad ku so doorateen buuro wadal mise aniga walaan mise wax aan tayo lahayn baad soo dooratan horta lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;729788 wrote:
Still waiting proof for such propaganda...

Cali sabareey oo xaqiijiyay sadaxda nine ee Gostay iyo fariin ku socota shacabka SSC

Waxaa aan ka xaqiijinay in ay gosteen sadaxdaas nin madaxweyne kuxigaynka SSC cali sabarey oo sheegay in ay maalmihii udanbeeyy ay wadeen qilaaf iyo dhibaato wayn oo ay doonayeen in ay kala dilaan umada SSC.

 

 

 

Cali ayaa waxaan waydiinay Niyad jab intee la le ek ayeey ku keenayaan umada SSC waxaana uu ka dhaqaajiyay waxa y kala tageen dhibkooda wax niyad jab ah kuma keenayaan SSC waxanse u sheegaya in dhamaanbulshada SSC aysan niyad jabin.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweyna ku xigaynka SSC cali sabarey in aysan wax dhaqaale ah ku soo qorin cismaan xaaji cali oo ahaa madaxii maaliyada iyo cabdirisaq gacmey ooahaa gudoomiyaha khusuusida umahad ssc yeesan niyad jabin waxa aan u halgamayno waa iyaha dadka wax kasta waa ay leeyihiin hawlaha maamulkune waa uu sii socondoonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Widhwidh,(Lasanod Online)- Xubno Wasiiro ah oo katirsan maamulka Somaliland ayaa habeenimadii xalay waxay soo gaadheen..

degmada widhidh ee gobolka Cayn.

Xubnahan oo kala ah Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo afhayeenka Madaxtooyada Cukuse, Waxana kaloo Weheliyey Maxamed Kaahin iyo rag kale ayaa markii dambe meel koono ah looga saaray magaalada widhwidh kadib markii dadweyne ka cadhaysan imaanshahan wiftigan looga baqay inay weeraraan.

Ciidan beeleed hore loogu talagalay inay shirka amaankiisa sugaan ayaa diiday in shir lagu qabto goobtii loogu talagalay, taas oo sababtay kala shaki ku yimid xubnahan xalay soo gaadhay magaalada widhiwdh iyo kooxda uu horkacayo Kayse Cabdi Yuusuf oo horey ugu sheegay xubnahan in wax waliba diyaar yihiin.

Weli ma cadda inay Wasiiradan noqon doonaan iyo in kale, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan ciidan beeleedyo diidan shirkan oo isku abaabulaya degaano dhawr ah oo ka tirsan gobolka Cayn ayna kamid yihiin Xamar lagu xidh, Dhalaamucune, Dandan iyo Balicad..

 

white.gif
Xafiiska Wararka Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah: Guddoomiyihii Guddida Khusuusiga SSC iyo Sadex Xoghaye Oo Widhwidh Soo Gaadhay

 

 

Guddoomiyaha Guddi Khusuusiga Cabdirisaq Gacamay iyo odayaal ka mid ah madaxda kale ee khusuusiga oo xalay soo gaadhay widhwidh. Waxaa kaloo shirka soo gaadhay Xoghayaha Maaliyada Cismaan Xaaji Cali iyo sadex xog-haye oo kale oo ka mid ah madaxda SSC oo Tukaraq xalay ka soo baxay soona maray Buuhoodle oo soo gaadhay Widhwidh.

 

Waxay sheegeen Kayse Cabdi Yusuf iyo masuuliyiin kale oo ayaa arrinkaas u xaqiijiyey weriyaha Somalilandfuture Online ee ku sugan Widhiwdh. Wuxuu kaloo sheegay in shirka dib u dhaciisa ay sabab u tahay, masuuliyiin faro-badan oo SSC ah oo la filayo in ay ka soo qayb-galaan shirka Widhwidh, aqbalayna casumaada shirka looga fidiyey.

 

Masuuliyiinta kale ee shirka ka dhex muuqada waxaa ka mid ah xog-hayayaal kale oo ka tirsan SSC sida Maxamed-Case oo xalay soo gaadhay shirka. Waxaana maanta ay saxaafada ku sugan widhwidh ay si buuxda uga qaadanaysay sawiro masuuliyiinta iyo marti-sharafta kale ee shirka ku sugan.

 

Kayse Cabdi Yusuf iyo madax-dhaqameedada degaanka ayaa u muuqda kuwo hawl qaran oo balaadhan si hufan dusha u saaray, waxayna saldhig uga dhigayaan shirka danta iyo aayaha beesha in laga tashado, midaas oo ay si balaadhan u soo ajiibeen madax badan oo SSc ah iyo madax-dhaqameedyo badani.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Kayse Cabdi Yusuf iyo madax-dhaqameedada degaanka ayaa u muuqda kuwo hawl qaran oo balaadhan si hufan dusha u saaray, waxayna saldhig uga dhigayaan shirka danta iyo aayaha beesha in laga tashado, midaas oo ay si balaadhan u soo ajiibeen madax badan oo SSc ah iyo madax-dhaqameedyo badani

:D:D;)

 

You still didn't tell me any names of madax dhaqameed & madax ssc oo badan..

 

Also where is your successionist leaders who came to the conference.. I heard they scare to death and worried about an attack from buhodle and surrounding towns in any minutes. They are having their mirqaan over their cars just in case xaaladu faraha ka bax inay wadada cagta saaraan..

Share this post


Link to post
Share on other sites

8 Sarkaal oo ka Soo Goostay SSC oo ku soo Biiray Shir Nabadeedka ka Furmaya Widh-widh

 

June 21st, 2011

 

Widhwidh (Somaliland.Org)- Siddeed sarkaal oo ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee SSC, ayaa maanta soo gaadhay degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle, ka dib markii ay ka tanaasuleen kooxdaasi, isla markaana ay go’aansadeen in ay ku biiraan shir nabadeedka maalinta bari ee arbacada ah ka furmaya magaalada Widhwidh.

Saraakiishan oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Widhwidh waxa hogaaminayay guddoomiyaha gudida khusaasida (golaha dhexe) ee SSC C/risaaq Xasan Ismaaciil (Gacanlow) waxana weheliyay xoghiyihii maaliyada ee SSC, Cismaan X. Cali, xubin ka tirsan golaha dhexe oo magaciisa la la yidhaahdo Maxamed Cawil Ducaale.

Waxa kale oo masuuliyiinta kooxda SSC ee Widhwidh soo gaadhay ka mid ah C/risaaq Muuse Faarax oo kooxda SSC ugu magacawnaa badhasaabka Buuhoodle iyo Mustafe Xuseen Jibriil oo isna ku magacawnaa maayarka Buuhoodle.

 

Sidoo kale saraakiisha ka soo goostay kooxda nabadiidka ah waxa ka mid ah C/risaaq Yuusuf oo maleeshiyadaasi ugu magacawnaa aaga Tuko raq iyo Cabdi Muuse oo isna ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda nabad diidka ah iyo afartameeyo ka mid ah maleesiyadaasi.

Dhinaca kale waxa magaalada Widhwidh ay la ciirciiraysaa tirada dadka u yimid ka qaybgalka shirka maanta ka furmaya magaaladaasi waxana ka qaybgalaya 250 ergo o ka kala yimid goboolada Sool iyo Buuhoodle.

 

Shirkan nabadeed oo ay xukuumadda Somaliland u dhigtay siyaasiyiinta, isimadda, cuqaasha, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Sool iyo Buuhoodle, waxaa shirkaasi xukuumadda Somaliland matalaya wasiiradda Xanaanada Xoolaha, Dr Cabdi aw Daahir, wasiirka Duuliista iyo Hawada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, la taliyaha madaxweynaha ee gobollada bariga Md. Fu’aad Aadan Cadde, agaasimaha guud ee caafimaadka Md. Cabdi Guray iyo afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

 

Waxa kale oo iyaguna goob joog ka ah mudanayaal ka tirsan golayaasha wakiilada iyo guurtida oo kala ah Md. Maxamed Faarax Qabile iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ah xubin sharafeed ka tirsan Guurtida.

 

Shirkan nabadeed waxa lagu qabanayaa taandho weyn oo lagu xardhay calanka Somaliland iyo hal ku dhigyo la xidhiidha ahmiyada nabadgleyadu u leedahay bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ successionists can entertain in anyway I like but this is the fact from Widhwidh community..

 

Warbixintii Ugu Danbaysey Ee Xaalada Magaalada WidhWidh- (Maqal)

 

Buhoodle,(lasanod Online)- Dadka ku dhaqan degmada widh-widh ee gobolka Cayn ayaa si aada uga cadhooday shirqoollo la sheegay..

 

in maamulka Somaliland ay ka wadaan degmadaasi.

Shabakada Warbaahinta Lasanod Online ayaa waxaa la soo xiriiray qaar kamid ah madax dhaqmeedka degmada Widh-Widh, kuwasoo aad uga xumaa ficillada gumaysiga xambarsan ee maamulka Somaliland ka qorshaynayaan degmada Widh-Widh.

Gudoomiyaha degmada Widh-Widh Aadan Xirsi Dhabarlow ayaa maanta lasoo xidhiidhay Lasanod Online isagoo ku sugan degmada Widh-Widh, waxaana uu sheegay in ay mar kale Somaliland ay wadaan hawlaha ii ku tilmaamay dhul boobka.

Waxaa sidoo kale isna xiriir nala soo samaayey Maxamuud Yuusuf Mire oo kamid ah madax dhaqmeedka ku nool degmada iyo waxgarad kale oo dhamaantood shucuur toodu aad u kacsanayd. Hoos ka dhegayso warbxintii oo dhan..

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this