Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Clan clashes in bari region+casualties

Recommended Posts

4-qof oo ku geeriyootay weerar subaxnimadii maanta ka dhacay degmada Ufayn

 

Weerar subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay tuulada Kub-dhexaad oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

Weerarkan oo lagu qaaday masjid ku yaala tuulada Kub-dhexaad oo hoostimaada degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodee 4-qof islamarkaana uu dhaawac uu ka soo gaaray 1-qof oo dumar ah oo ku dhowayd goobta uu weerarka ka dhacay.

 

Weerarkan oo ay gaysteen dabley hubaysan ayaa wararka waxaa ay sheegayaan markii weerarkaasi ay gaysteen inay goobta isaga baxsadeen.

 

Wararka laga helaayo deegaankaasi ayaa sheegaya inuu falkan la xariiro aanooyin qabiil oo u dhaxeeyo laba beelood walaalo ah oo wada dega deegaanadaasi,iyadoo heshiisyo horay u gaareen wax garadka labada beelood uu ka dhacay magaalada Boosaaso,hase yeeshee waxaan ilaa iyo iminka aan la’ogayn waxyaabaha keenaya dhibaatooyinka u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah.

 

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin dhacdooyinka saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano katirsan gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad rayid ah oo lagu laayay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

 

Laba qof oo shacab ah ayaa geeriyooday halka 4-kalena ay dhaawacmeen kadib markii dabley hubaysan ay fal tacshiirad ah ay ku fureen goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Boosaaso.

 

Falkan ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaar ahaan agagaarka hotel Al-Naqiil ee bartmaha magaalada Boosaaso.

 

Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay inuu mid ka mid ahaa ganacsade katirsan shirkadda Red Sea oo lagu magacaabi jiray ALLAh u naxariistee Cumar Aw Muuse Maxamed.

 

4-ta qof ee ku dhaawacmay tacshiiraddan ayaa la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah oo ka ag dhowaa goobta uu falkani ka dhacay oo ahayd goob ganacsi,waxaana qaar ka mid ah dadkaasi oo uu dhaawacoodu culusyahay lagu dawaynayaa isbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso.

 

Dilalkan ayaa la sheegay inay ahaayeen aanooyin qabiil oo daba joogay falal horay ugu dhacay gobolka Bari,waxaana goobta isaga baxsaday dableydii falkan gaysatay.

 

Ma jirto wax hadal ah ka soo baxay dowladda Puntland oo ku saabsan dhacdooyinkan ka dhacay magaalada Boosaaso,inkastoo uu maamulka marar badan falalka amaandarida ah uu ku’eedeey kooxo xiriir la leh Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XX you were suppose to report this Yesterday what happen buddy? probably waykaa hoosbaxday! . Bosaso incident took place yesterday morning where the Ufayn was early morning today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Maya, Maya...een hadii geeljire isku laayo Ufeyn markaas waxay u egtahay in Somaliland mid fiican tahay oo la aqoonsan karo, ufeyna mid xun....aidiguna waa faraxsan tahy..marka aqoonsigu halkaa buu kasoo dhawyahay?:rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland iyo geeljire isku laayey ufeyn maxa iska galay adeer mala waad yara dawakhday anigu faraxsan halkeed igu aragtay adeer anigu warkan uun baan ku so gudbiyey sidad rabtiid u qaado mise waxad leedahay warkani ma jiro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Waraa adiga salaafow misha isaga bax, cuqdad waa mida aad qabuuraha usoo quftaan oo taalooyin cuqdad ah u dhisateen..

 

Waraa Xaaji Xunduf hadii ay kaa tahay News Repoting waligaa laba geeljira ah oo islaayay oo reer Somaliland ah ma aadan noo soo sheegin, Shimbirtii Puntland ka dhuustana waad noo soo tabisaa, marka cid walba waa ogtahay sida aqoonsigiinu ugu xiran yahay amaandarada Somali inteeda kale, iyo sidaa caalam aad ugu tuugsataan arintaas. Marka maanta Ufeyn baa wax ka dhaceen aqoonsigii waan soo dhawyahay ee reerka u sheeg caawa si fiican ha seexdeen eh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intad ka shaqeyneysid eeh aad isleedahay warka yaan la sheegin oo ino qariya bustaha hoosteeda ino galiya waxad ka shaqeysa inad heshisisid labada beelood eeh is dilay eeh ufayn isku laayey taasa wax ay kugu jirta inad is leedahay war yaan lana arkin , Geeljire is laayey Somaliland anigu maba hayo dee haday jirto na dee warka waan so galin laha mise waxad rabta inan war been abuur ah sameyo looooolz

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Loool. Sxb Somaliland qabiiladoodu waa Somali, maalin walba bay is laayaan, laakiin qof daneeya majirto oo thread ya ufura! Aniga Waqooyi galbeed qaraabo ayaan ku leeyahay waana la socda waxa ka dhaca marka yeeynaan been isku sheegin! any way yaan kaaqasin halkaa kasii wad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dee topicu ma waxa weye Somaliland qabiladooda oo is dilay mise bari oo dad isku laayeen haday tahay Somaliland reeru isku dilay dee wanu ka hadli laakin dee war jira maha mise hadaad nugu dul sameyneysa , marka adeeer waxad ka shaqeysa oo nabadoon iska dhig oo beelaha tolka eeh is dilay kala dhex gal oo heshisii intad leedahay meel kalay ka holcaysa .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this