Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Faroole should resign..His outburst was ludicrous

Recommended Posts

Shacabka Puntand Oo la yaabay Jawaabo Madaxwaynuhu Maantey u jeediyey Xildhibaan Su’aalo ka dhexwaydiiyey Furitaankii Baarlamaanka

 

Garowe (RBC Radio) Kalfadhigii 26-aad ee Baarlamaanka Puntland ee ka furmey Maantey Garowe waxaa furey madaxwaynaha dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyadoo halkaasi ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin badan kooramka Baarlamaankuna uu ahaa mid aqlabiyad ah.

 

Baarlamaanka oo maantey aan ajandayaal lasoo hordhigin ayaa hadana ahaa mid furitaankiisu uu xiiso badan yeeshay kadib markii Baarlamaanku ay Su’aalo waydiiyeen Madaxwaynaha dowladda Puntand kuna aadan xaalada dalka.

 

Su’aalaha Madaxwaynaha la waydiiyey waxay ahaayeen kuwo culculus oo xasaasi ah waxaana madaxwaynuhu uu uga jawaabay si adag isagoo adeegsaday hadalo kharaar oo ay mamnuuc tahay in Baarlamaanka loo adeegsado oo aan ahayn erayo Madaxwayne.

 

Xildhibaanadii Su’aalaha waydiiyey Madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa Xidhibaan Maxamed Guuleed oo laga soo jeeda Gobalka Sanaag waxaana uu madaxwaynaha waydiiyey sababta loo cunaqabateeyey shacabka Gobalka Sanaag ee looga xayirey wadooyinkii sahayda iyo daawadu u maraysay isla markaasna dadka xanuusan la marinayay, iyadoo uu xildhibaankaasi uu madaxwaynaha ku dhaliilay qaabkii hawshaas looga go’aan gaarey iyadoo uu sheegay in dadka deegaanka iyo maamulka deegaankaas ee dowladda Puntland inaan lagala tashan isagoo sidoo kale dhaliilay saraakiisha ciidanka ee amaradaas adag bixiyey ee dadka wadooyinka halbowlaha u ah nolashooda lagu xirayo, madaxwaynaha ayuu xildhibaankani ka codsaday in arintaas dib loo eego si dhakhso ahna loo furo wadada oo aysan dadku u adkaysan karin wadooyinka wareega dheer ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this