Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Labadii xadqaro ku heshiiso...

Recommended Posts

...xaqa ayee ku dagaalaan.

 

Labadii tuug koofiyadaha dheeraa already isqabqabsigooda bilowday. Sii aqriso.

 

Munaasabad la sheegay in lagu soo magacaabi lahaa ra'iisul wasaare cusub ee Soomaaliya oo dib u dhacday

 

Isniin, Juun 20, 2011 – Wararka laga helayo madaxtooyada DKMG ah Soomaaliya ayaa sheegay in munaasabad lagu waday in lagu soo magacaabo ra'iisul wasaare bedela ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo shalay iscasilay, kaddib markii uu muran soo dhexgalay madaxweyaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Saakay ayaa madaxtooyada Soomaaliya looga yeeray suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho iyadoo kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ay yeesheen labada Shariif oo uu wehliyo ra'iisul wasaarihii xilka ka dagay Maxamed C/llaahi Farmaajo, balse daqiiqado kaddib ayaa la shaaciyay in xafladdu ay baaqatay.

 

"Waxaan aragnay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo isagoo dadaalaya kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, kaddibna fuulay gaarigiisii - waxaana xigtay in naloo sheegay in kulankii uu baaqday," ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah wariyeyaashii saakay tagay xarunta madaxtooyada oo magaciisa qariyay.

 

Sidoo kale, wariyahan ayaa sheegay inay jireen warar sheegayay in labada Shariif ay isku af-garan waayeen in cidda noqonaysa ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo bedeli doona ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

Warar ay HOL helayso balse aan la hubin ayaa sheegaya in madaxweyne Sheekh Shariif uu soo jeediyay in xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya loo magacaabo Cabdiweli Maxamed Cali oo shalay si KMG ahaan ah loogu dhiibay xilka, taasoo la sheegay inuu ka soo horjeestay Shariif Xasan.

 

Ma jirto xilli kale oo loo qabtay in xaflada ay dhici doonto, waxaana tani ay muujinaysaa in weli ay jirto kala fikir duwanaasho u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya kaddib heshiiskii ay ku gaareen Kampala oo qodobbadiisu ay ka mid ahaayeen in hal sano lagu kordhiyay xilliga ay DKMG ah shaqeynayso.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

lol that is somali politics for you!!..Now that I think about it Farmaajo was too honest of a man to be involved in this.

 

but, honestly things in hamar need to settle once and for all!...20 yrs of a civil war is just more than those innocent residents of hamar can handle. Alle faraj ha u furo!

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labada Shariif oo isku mari waayay kulan ay ku yeesheen Muqdisho

 

Muqdisho - Kulan la isku mari waayay ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Filla Soomaaliya waxaa ku qaatay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Kulankaani oo mudo saacado ah socday ayaa xarunta madaxtooyada waxaa ku qaaday madaxweynaha dowladda KMG iyo gudoomiyaha Barlamanka, waxaana sida la sheegay kulanka looga hadlayay sidii loo magacaabi lahaa Ra’iisul wasaare badela Ra’iisul wasaarihii xilka shalay ka degay ee Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Kulanka maanta la isku mari waayay ayaa waxaa la sheegay in uu ka horeeyay kulan xalay labada Shariif ay ku qaateen xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana saakay 8-dii aroornimo ilaa 2-da duhurnimo socday kulanka labada masuul ay isku mari waayeen.

 

Warar ay Shabelle ka haleyso ilo ku dhow dhow gudoomiyaha Barlamanka ayaa sheegaya in labada masuul ay isku raaceen markii hore in Ra’iisul wasaare rasmi ah loo magacaabo C/wali Max’ed Cali oo hadda ah siihayaha Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG hase ahaatee mudo kadib oo saxaafada la wacay lana doonayay in la shaaciyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa kulanka waxaa isaga baxay gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Isfaham waaga ayaa yimid kadib markii sida la sheegay C/wali Max’ed Cali uu wehliyo Ra’iisul wasaarihii xukuumada KMG Max’ed C/laahi Farmaajo uu soo galay goobta uu kulanku ka socday taasi oo dhaliysay in wax yar 20 daqiiqo gudoomiyaha Barlamanku uu isaga soo baxo kulanka.

 

Markii intaasi la isku mari waayay ayaa saxaafadii tagtay xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya waxa lagu wargaliyay in uu dib u dhacay kulankii la doonayay in maanta lagu shaaciyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aamiin, abaayadiis. Dhibka maantana ma'aha Xamar iyo dadkeeda degan -- dhibka wuxuu ka taaganyahay faragelin shisheeye oo dhamaad lahayn, iyagoo adeegsanaayo kuwa Soomaali isku sheegaayo calooshood u shaqeystiyaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

I never thought there would come a day aan ku farxo hadal xumaato/dhibaato kasoo baxa Somalia! Laakiin this news xoogaa waan ku farxay...:(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this