Al-Miskiin Posted June 30, 2011 Assalamu Alaikum akhil karim nabad_dadaye, nabad baan kuu rajayn adiga iyo ehelkaadaba sheekh sharif bixitaankii uu ku aaday asmara fikirkeyga ilama qaldano maxaa yeelay wexey keentay in uu bixitaanka xabashada uu fududeeyay Anigu akhi arinkaan fakar kalaan ka haystaa, Sh. Sharif dadkii uu safka kula jiray, bwuu khiyaamay, mida labaadna Itoobiya wadanka ilaa maanta way ku jirtaa. Oo magaalooyin ka mid ah wadanka ciidamo soo uma fadhiyaan? oo marar duqayn soo ma sameeyaan? Mida labaad, Itoobiya yaa wadanka keenay waagaas? Miyuusan ahayn Cabdullahi yuusuf? Shariif markuu muxaadaraynayo muxuu odhan jiray? Miyuusan odhan jirin, Cabdullahi gaaluu wadanka keenay? Waa gaal, "waa in lagu jihaadaa"?? Muxuu asagoo sidaas u hadli jiray, maanta AMISOM iyo Ugandis san waawayn wadankii u keenay? Akhi meesha aynu isla dhaafi la'nahay waa meeshan: About Amisom waxaad tidhi: ,wexey u yimaadeen amni sugid goobo kooban oo wadanka ka tirsan Anigu arintaan baanan aaminsanayn. In ay wadanka u joogaan in ay aaminka sugaan waa sheeko baraleey dadka caamada ah lagu sirayo. Uganda iyo Burundi danahooda gaarka ah bay u joogaan. Siyaasadda aduunkaa sidaas ah, inaga masaakiinta soomaalida ah baa nalagu siraa uun. AMISOM iyo wixii la hal maala, Itoobiya ka kow tahay, iyo wixii shirkii Kampala, iyo kii Nairobi kuligood waa cadawgeena. Wallahay ilaa intaynu shirkasta soo fadhiisinayno Maraykan, AMISOM, reer yurub iyo Melez zenawi meelna a gaadhi doono. Arinta Al shabaab ku saabsan aningu horaan u idhi akhi, Al-shabaab qalado inay galaan iyo in kale doodu maba taagna. Jamaaco aan qalad galin maba jirto. Laakiin waxba waxbay ka daran yihiin. Anigu boqolkiiba boqol waxaa iiga daran inay joogaan AMISOM wadanka, walibana inay siyaasada soomaaliya gacmaha ugu jirta USA iyo Zenawi iyo wixii la halmaala. Taas baa anigu boqolkiiba boqol iiga daran. Marka labaad: Akhi Arinta culimadda Sh. Umal Iyo shible, anaa dhagahayga ku dhagaystay. Sh. Shible anaa kuu soo diri audio-ga uu kaga hadlaya Dawladda. Sh. Umalna isla maalinkii la doortay Sh. Shariif jimcihii ku xigay buu khudbadda kaga hadlay. Su'aashaada ugu dambaysa waxay ahayd: rasuulkeena muxamed (Pbuh) wuxuu heshiis la galay yuhuud ,marka arinta taagan waxaa la rabaa in lagu xaliyo sida ku haboon , hadii Amisom oo joogto TFG lala hadlo ma danbibaa ii sheeg . Akhi horta sidaad isu barbardhigtay ma aha. Nabigu(salallahu alayhi wasalam) wuxuu yuhuuda balan la galay, markuu Medina ugu yimid. Waxaa la odhan karaa, ayagaa Medina nabiga(salallahu alayhi wasalam) kaga soo horeeyey, oo meesha iskaba lahaa. Nabiguna maadaama ay meesha ku yaraayeen buu balan la galay, hadhowna waaba tii la caydhiyey. Soomaaliya - Soomaali muslimiin ah baa iska leh. AMISOM inay timaado oo dhahdo AMNI baanu idin sugi, siirada nabiga waxaas oo kale kama halaysid. Siirada khulafada kuma arkaysid, ayadoo Amiir la dooranayo oo la isugu yeedhayo gaaladii quraysh, faaris, iyo yuhuud. Muslimiintu xataa ayagoo awood yar maynan u yeedhi jirin gaalada siday danahooda iyo siyaasadooda ula falanqeeyaan. Maxaynu heshiis ula gali, soo Soomaalidu wadanka iskama laha? Hadii la dhaho AMISOM baxoo taga, miyey diidi? anigu waa sidaan aaminsanahay, uma malaynayo AMISOM inuu Shariif iyo baarlamaan xukumo. Waa la arki inay baxaan iyo in kale. Shacabka soomaalidu inay AMISOM baxdo bay rabtaa, laakiin nasiib darro Shacabku awood malaha, wixii madax ku sheega haana meelahaas bay suudh ku taagan yihiin. Mida labaad, Gaalo AMNI inay muslimiin u sugto meelna kuma jirto, Shareecadana wayba ka soo horjeedaa. Allah baana quraanka ku yidhi " Maanta Soomaaliya, farkastoo la qaadayo, xafiiska Zenawi, iyo ka maraykanka asagoon laga soo ogalaan ma soconayso. Tusaale: Doorashada soomaaliya wakhtigay dhacayso Mahiga baa yeedhiya. Shirkii Kampala waad arkaysay. Farmaajo uu wadani u ekaa wixii ku dhacay waa la wada ogaa? Bal ma waxaas ama wax uu eg baa la odhan karaa "Nabigu yuhuud buu heshiis la galay, markaa anaguna sidoo kale?"! Isku meelba ma joogno. Bal horta the fundamentals aynu saxno, hadhow aynu heshiiskii Nabiga(salallahu alayhi wasalam) oo kale aynu galnee. Akhi waa haziima meeshii ugu dambaysay waxa soomaaliya haysta. Siyaasadeena inagu ma xukuno, waa la inoo yeedhiyaa, waana arintaas darteed waxa shacabku u dagi la'yahay. Why do u think, inaynan marnaba dawlad fiican helin? Sababtu waxaa weeye, meel qalad ah baynu marka horeba ka duulaynaa. Mid kastoo la doorto waxaa laga dhaadhiciyey Zenawi soo booq, halaasaa maskaxda lagaga soo saaro, asagoo puppet ahna wuu soo noqdaa. Niyad jabka maanta na haysta waxaa ka mid ah, - in nagala dhaadhiciyey inay AMISOM daneheena u joogto, - In horumarkeenu ku jira KALIYA in Zenawi iyo reer galbeedka amar ka qaadano - In dhibaatadeenoo DHAN ay tahay dhalinyaro 4 sano ka hor timid wadanka - In aynu inagu wadankeena xukuno(when the truth is guumaysi baynu ku jirnaa) - IN Maamul goboleedyo horumarku ku jiro, qofkii "soomaali wayn ku dhawaaqana" uu yahay mid maangaab ah, oo siyaasada waxba kala socon - IN aynaan is dabari karin, sidaa daraadeed waxkastoo la inoo soo yeedhiyo yeelno. Munhazimiin(niyad jabayaal) baynu wada noqonay. - IN diinteenii la inugu diray, AL Shabaab uun baynu naqaanaa markaynu Shareeco soo xasuusano. Al-shabaab ka sokoow, maxay dawladdu shareecada wadanka ugu dhaqi la'dahay? and please dont tell me in ay dawladdu shareeco wadanka ku dhaqdo, arintaas waa khalad, dadkaa lagu siro. Hadii shareeco wadanka lagu dhaqo, maxaa markaa loo arkaa shariif oo naag meelahaas xabadka saaraya? Walina ma maqal, xad la oofiyey, ama qof qaadi la hor keenay? Mise dambiba wadanka kama dhacoo, awliyaa la wada yahay? Ilaa intaynu this mental slavery ku jirnoo, oo wakhtigeenoo dhan ku dhamaynayno - "ala waa 1 july", -"ala maamul goboleed kalaa dhismay" soomaaliya horumar ha ka sugin. Állow duliga naga qaad. Ps. Sorry aad baan kuugu dheereeyey e, insha allah intaan ka bacdi waan ka gaabin, sidan waaba lagu xiiqayaa e. Quote Share this post Link to post Share on other sites