Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Parliament speaker receives a delegation from norway

Recommended Posts

Gudoomiyaha Wakiilada Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Norway

June 19th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta xafiiskii ku qaabilay wefti ka socday dawlada dalka Norway oo socdaal gaaban ku yimid Somaliland.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, waxa uu sheegay in weftigaasi oo ka koobnaa dhawr xubnood ay ka kala socdeen wasaaradaha Cadaalada, Arrimaha dibada iyo Safaarada Norway ee wadanka Kenya waxaanu tilmaamay in kulankoodan oo socday muddo saacad ah uu warbixin dheer ka siiyay xaalada siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale ee Somaliland.

 

Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu intaasi ku daray inuu uga waramay marxaladihii Somaliland soo martay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay isla markaana uu ka dalbaday in dawlada Norway ay Somaliland ka taakulayso dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay u socdeen sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen dhinacyada horumarinta iyo casriyaynta Jeelasha dalka, waxaanu carabka ku dhuftay inay Somaliland ka fulin doonaan mashaariic ay ku baxayso lacag lagu qadaray 2 Milyan iyo 700 oo kun oo Dollar oo kor loogu soo qaadayo xabsiyada dalka.

 

Geesta kale, waxa maanta ka bilaabmay tababar Mudaneyaasha lagu siinayay qaabka loo isticmaalayo Makarafoono lagu xidhay hoolka shirarka ee golaha wakiilada kaasi oo Mudane waliba heli doono Makarafoon ku yaala Miiskiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this