Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: President announces formation of political parties

Recommended Posts

Somaliland: President announces formation of political parties

Posted on 19/06/2011 in Latest Headlines

 

Hargeisa(JSLTimes.com) – President of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo today delivers speech to the parliament. He opened a new building for Somaliland representatives and officially announces the formation of more political parties. The president added that he submitted it to the parliament to pass it. The president earlier appointed a committee that will deliberate the formation of political parties and they submitted a verdict in favor of it two weeks ago. Having the president submitted to the parliament the decision of forming more political parties; it indicates that the president officially announces it.

The project of the new building was implemented by the organization of African parliament and estimated money of around 310 million dollars was spent. The ceremony was attended by the chairpersons of the three political parties, the Finance Minister, parliamentary speaker, members of the parliament, the senate and other honorable guests.

The president of Somaliland Mr. Ahmed Mohamed Mohamud siilaanyo said in a speech delivered on this occasion of opening new premises for the parliament and thanked the organization of African parliament for their help in assisting us. The government of Somaliland contributed 10 percent of the budget of the new building.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Degdega: Madaxwayne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Furista Ururada Una Gudbiyay Barlamaanka

 

Hargaysa (Waaheen) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silanyo ayaa saaka Qudbad uu ka jeediyay Xaflad uu ku furayay Dhisme Cusub oo loo dhisay Golaha Wakiilada kaga dhawaaqay Furista Ururada, isagoo Madaxwaynuhu intaa ku daray in uu u gudbiyayay Golaha Wakiilada.

 

Madaxwayne silanyo ayaa hore Gudi ugu saaray ka soo talo-bixisa Furista Ururada Siyaasiga ah Gudidaas oo ku talisay in la furo Ururada una gudbiyay Go’aankooda Madaxwaynaha oo laga dhursugayay inuu si rasmi ah ugu dhawaaq.

 

U gudbinta Baarlamaanka uu Madaxwaynuhu u gudbiyay arrintan Furista Ururada ayaa ka turjumaysa in uu Madaxwaynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqay taasoo ay Barlamaankuna ka gudan Doonaan Wajibaadkooda Dastuuriga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waad Ogaydeen In Guddidu Ay Soo Jeediyeen In Shacbigu Doonayo In Asxaabtii La Furo, Sidaa Daraadeed, Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Ayaan Idiin Soo Qadimay”

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo

 

Hargaysa, June 19, 2011 (Haatuf) – “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in Go’aankii Furista Ururada iyo Wax ka bedel kaabid lagu sameeyo aan idiin soo qadimay, waad ogaydeen intii muddo ah, waxa ina horyaalay oo aan guddi u saaray oo dood badani ka taagnayd qaranka furista Asxaabta in la furo iyo in aan la furin, guddibaynu u saarnay, guddidii waxa ay ka soo warsatay shacabkii, qiimayn fara badan bay soo samaysay, dedaal aad u fara badan bay gashay, markaa waxa ay soo jeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furo, sidaa daraadeed, sidii balanku ahaa, go’aankaa furista Asxaabta iyo wax ka bedelka iyo kaabista lagu samaynayo xeerarka nidaamka Asxaabta ayaan idiin soo qadimay, insha allaahu waxa aan rajaynayaa taa in aad waajibkeeda ka gudan doontaan”.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidaasi ku sheegay Khudbad uu maalintii shalay ka jeediyey golaha Wakiilada Somaliland oo lagu furayey Hool cusub oo loo dhisay golahaasi, kaas oo ay ka baxday lacag dhan yahay $310 kun oo Dollar, isla markaana boqolkiiba 10% ay bixisay xukuumada cusub ee Somaliland, waxaana maalgelisay Ururka Baarlamaanada Afrika ee AWEPA.

 

Munaasibada xadhigaga lagaga jarayey Dhismahan ayaa waxa sidoo kale ka soo qayb galay Shirguddoonka Golaha Wakiilada, Guurtida, Xildhibaanada Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirada.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale sheegay munaasibadaasi ka sheegay inuu wax ka bedel uu ku sameeyey Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamada Sare, waxaanu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaya “Waaanagii gacan galinay garsoorka iyo Maxkamadaha oo tacadiyo badani ay ka jireen arrinkaas isku bedal ayaaan ku samayey Garsoorayaasha iyo gudoomiyaha Maxkadamada Sare intooda badan. markaa inaad ansixisaan isku bedalkaas ayaan idinka Codasayaa waanad Mahad santihiin.”

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kaas oo u mahad naqay Ururka AWEPA ee Baarlamaanka Afrika oo maalgeliyay dhismahan, waxaanu intaasi ku daray in dhismahan ay ku baxday 310 kun oo Dollar, waxaana kharashkaasi 10% bixisay xukuumada cusub ee Somaliland. waxa kale oo uu xusay in dhismahan ay gacan ka geysteen Golaha Wakiiladdu.

 

Waxaana halkaasi uu Madaxweynuhu shahaado sharafeedyo ku gudoonsiiyey Hay’ada AWEBA oo maalgelisay dhismaha cusub ee loo sameeyey Golaha Wakiillada.

 

Waxa isaguna shahaado la gudoonsiiyey Injineerkii dhisay Xarunta Cusub ee Golaha Wakiillada oo ah Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng Ciise Cali Xamari oo Guddoomiyaha Wakiiladu uu u guddoomay maadaama oo Ciise Xamari uu dalka ka maqan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this