Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews Prime minister faarmaajo resigns

Recommended Posts

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo is-casilay

 

Axad, June 19, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Famraajo) ayaa iska casilay xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, kaddib markii uu cadaadis xooggan kala kulmay dowladda Uganda iyo dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Mudane Farmaajo ayaa iscasilay kaddib kulammo saacado socday uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Uganda iyo AMISOM oo ay ka mid ahaayeen taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda Jen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha cusub ee AMISOM Maj. Fredrich Mugisha.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa HOL u sheegay in iscasilaadda ra'iisul wasaarihii Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiskii Kampala, iyadoo lagu wado in Farmaajo uu saxaafadda la hadlo goor dhow.

 

Ra'iisul wasaaraha iscasilay ayaa toddobaadkii hore shir jaraa'id ku sheegay inuusan iscasilayn inta heshiiskii Kampala ay go'aanno ka gaaro doonaan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isaga iyo xukuumaddiisu ay sii shaqeyn doonaan.

 

Taliyaha ciidamada Uganda, taliyaha AMISOM iyo saraakiil la socday ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulammo la lahaa ra'iisul wasaaraha inkastoo uu dhowr jeer oo hore diiday inuu is casilo ayuu haddana maanta si lama filaan ah isku casilay.

 

Farmaajo ayaa xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay ra'iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo madaxweyne Sheekh Shariif, iyadoo Farmaajo uu soo dhisay xukuuumad ka kooban 18-wasaaradood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul wasaare Farmaajo oo is casilay

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa maanta xilka Ra’iisul wasaaranimo ee dowladda KMG iska casilay Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo kadib markii sida la sheegay cadaadis lagu saaray in uu xilka ka dego.

 

 

 

Sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan guriga Ra’iisul wasaaraha, waxaa xilkii Ra’iisul wasaaranimo ee dowladda KMG iska casilay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulan saacado badan qaatay oo manta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

 

 

Kulanka oo la sheegay in ay wada qaateen Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa gaba gabadiisa la sheegay in la isku afgartay in la fuliyo heshiiskii lagu gaaray Magaalada Kampala sidaasina uu isku casilay Ra’iisul wasaarihii Xukuumada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

 

Ilaha wararkaani ay ka heshay Shabelle oo ay ka mid yihiin xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in goobta uu isku casilay Ra’iisul wasaare Farmaajo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan AMISOM oo uu ka mid yahay taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Mr. Mugish

 

 

 

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi uu cadaadis kala kulmay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wadamada safka hore iyo kuwa ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya.

 

 

 

Wali majiro wax war ah oo uu siiyay Saxaafada Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aadan iscasilaadiisa hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in goordhow uu saxaafada la hadli doono islamarkaana uu ka hadli arintaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’isal wasaare Farmaajo oo goordhow iscasilay

 

Ra’isal Wasaare Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa goor dhow shirjara’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay inuu iska casilay xilka ra’isal wasaaraha DKMS.

 

Ra’isal ayaa sheegay hadalkan kadib markii magaalada Muqdisho uu kula kulmay madaxwaynaha DKMGS Shariif Sheekh Axmed,waxaana xilka ra’isal wasaaraha si Kumeel gaar ah loo sii dhiibay Ra’isal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Prof Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas.

 

Ra’isal wasaare kuxigeenka ayaa sheegay inuu xilkan uu sii hayn doono tan iyo inta madaxwaynaha uu ra’isal wasaare cusub ku soo magacaabi doono muddo 30-maalmood ah.

 

Madaxwaynaha dowladda KMGS Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goobta ka sheegay in ugu mahadcelinayo iscasilaada ra’isal wasaare Farmaajo.

 

Arintan ayaa la sheegay inay la xiriirto hirgalinta heshiiskii magalaada Kambala ay ku gaareen madaxwaynaha iyo guoomiyaha baarlamaanka taasi oo qeexaysay in ra’isal wasaaraha uu isku casilo maalmo gudahood kadib saxiixii heshiiskaasi ay qalinka kuwa duugeen madaxwayne Sheekh Shariif iyo Afhayeenka baarlamaanka Shariif xasan Sheekh Aadan.

 

Dhinaca kale afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka magaalada Muqdisho,waxaana shir jara’id uu qabtay ku sheegay in loo baahanyahay in laga gudbo khilaafka ka dhexjira Dowladda KMGS.

 

Kala Soco Horseed Media faahfaahinta warkan

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal wasaarihii Soomaaliya Farmaajo Oo Iscasilay Goordhawayd

 

Muqdisho (Ramaas) June. 19, 2011- Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Famraajo) ayaa iska casilay xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, kaddib markii uu cadaadis xooggan kala kulmay dowladda Uganda iyo dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

 

Farmaajo ayaa iscasilay kadib kulammo saacado socday uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Uganda iyo AMISOM oo ay ka mid ahaayeen taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha cusub ee AMISOM Maj. Fredrich Mugisha.

 

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in iscasilaadda Ra'iisal wasaarihii Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiskii Kampala, iyadoo lagu wado in Farmaajo uu saxaafadda la hadlo goor dhow.

 

Ra'iisal wasaaraha iscasilay ayaa toddobaadkii hore shir jaraa'id ku sheegay in aanu iscasilayn inta heshiiskii Kampala ay go'aanno ka gaadhi doonaan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sheegay in isaga iyo xukuumaddiisu ay sii shaqeyn doonaan.

 

Taliyaha ciidamada Uganda, taliyaha AMISOM iyo saraakiil la socday ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulammo la lahaa Ra'iisal wasaaraha, inkastoo uu dhawr jeer oo hore diiday inuu is casilo ayuu haddana maanta si lama filaan ah ugu dhawaaqay.

 

Farmaajo ayaa xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kadib markii uu khilaaf soo dhexgalay Ra'iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo Madaxweyne Sheekh Shariif, iyadoo Farmaajo uu soo dhisay xukuuumad ka kooban 18-wasaaradood

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

This is a humiliating lesson to a would-be Somali national leader who dare puts people's interest above the interests of Ethiopia. UNPOS, AMISOM, and the Nairobi-based aid organizations won't want to deal either with a Somali government that creates administrative agencies with the legislative power to pursue independent policies (recall the commission report on corruption cases from the office of the Ministry of Finance )The Farmajo Government restored some valuable public services.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysay heshiiskii ay madaxda DKMG ah ku gaareen Magaalada Kampala

 

Axad, June 19, 2011 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay taageersan tahay heshiiskii 10-ka qodob ka koobnaa ee madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay horraantii bishan ku kala gaareen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

 

Warsaxaafadeed ay xukuumadda Itoobiya soo saartay ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi uu taageersan yahay heshiiskii Kampala, kaasoo ay khilaafkooda ku xalliyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Qoraalka dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin in shir dib u heshiisiineed oo lagu qabto gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku-haya.

 

Sidoo kale, qoraalkan waxaa looga soo horjeestay banaanbaxyadii Muqdisho ka dhacay labadii todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaasoo lagu taageerayay xukuumaddii ra'iisul wasaarihii iscasilay loogana soo horjeeday madaxda kale ee dowladda Soomaaliya iyo heshiiskii Kampala.

 

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay garab-taagan tahay DKMG Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaas oo dagaal kula jira baa lagu yiri warsaxaafadeedka Xarrakada Al-shabaab.

 

Xukuumadda Itoobiya ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay oo taageerta heshiiskii Kampala marka laga reebo dowladda Uganda oo dalkeeda lagu gaaray, waxaana jira dalal kale oo kasoo horjeestay heshiiskaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:-Siihiya Xilka Ra'iisul Wasaaraha oo loo magacaabay C/Wali Maxamed Cali

19. juni 2011

 

APL

 

 

Muqdisho(Allpuntland)Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa siihaya xilka Ra'iisul Wasaaraha u magacabay Dr. C/wali Maxamed Cali.

 

Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa ahaa Wasiirkii Qorsheeynta islamarkaana ahaa Ra'iisul Wasaare Xigeenka Xukuumadii Farmaajo oo maanta waqtigeeda dhamaaday.

 

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG ayaa magaacaabstaan siihaya Xilka Ra'iisul Wasaaraha ku sheegay shirkii Jaraa'id ay si wada jir ah u qabteen isaga Ra'iisul Wasaarahii is casilay .

 

Ra'iisul Wasaarahii hore ee Farmaajo ayaa isu casilay caadis uga yimid dhinacyo kala duwan hasa ahatee Farmaajo ayaa waxa uu taageero u muujiyey shacab Soomaaliyeed iyadoon aan la ogeeyn waxa xigi doona iscasilaadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

"What’s even more appalling about the Kampala Accord is that Somalia’s sovereignty is now transferred to IGAD’s head of states as validated by one of the clause in the agreement that “Both Government and Parliament shall work together with the international community to establish a roadmap with benchmarks, timelines and compliance mechanisms for the implementation of the priority task. Details of the mechanisms to be agreed by 20 August 2011” This is an infringement into the sovereignty of the nation by entrusting the TFI tasks to a foreign entities, countries that are members of IGAD with contrasting political interest on Somalia, this adds insult to an injury when the responsibility of establishing political roadmap for durable peace becomes the responsibility of the International Community, notwithstanding, the former Prime Minister and his cabinet have within sixty days developed a roadmap with unambiguous benchmarks and timelines for the country.** HOL Editorial

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Do you think the two illiterates can tell the difference trusteeship and sovereignty?

 

This would be good moment to ask, what does being a Somali actually means?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Sovereignty has been long gone, it is only found in dictionary in Somalia! When was the last time Somalia had a meaningful sovereignty? when was the last time Somalia protected its borders, protected its people? the last time Somalis chose their leaders freely? was able to pay its public servants?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this