Saalax Posted June 17, 2011 Dowladda KMGS oo ka soo horjeestay in shidaal laga baaro deegaanada Puntland Dowladda KMG ee Somaliya ayaa sheegtay inay ka soo horjeedo in xiligaan wax shidaal baaris ah laga sameeyo deegaanada Puntland. Wasiirka macdanta,biyaha,tamarta iyo shidaalka Dowladda KMG Somaliya Cabdirsaaq Sheeq Muxidiin oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka dowlada ayaa waxaa uu sheegay inay ka digayaan shirkado caalami ah uu sheegay inay qorshaynayaan inay shidaal baaris ka sameeyaan deegaanada Puntland. Wasiirka ayaa sheegay inuu ugu baaqayo maamulka Puntland iyo shirkadaha uu sheegay in qandaraaska shidaal baarista kula jira inay ku soo wargaliyaan dowladda KMG Somaliya,isagoona sheegay inay dowladda KMGS masuul ay ka tahay dalka. Dowladda Puntland iyo shirkadda baarista shidaalka ee African Oil ayaa heshiis muddo sanad ah ku kordhiyay howlaha macdan baaris ee shirkadahaasi ka sameynaan deegaanada Puntland taasi oo ku’eg 17-Junuary ee 2012-ka. Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin hadalka ka soo yeeray dowladda FKMGS iyadoo arintan ay ku soo beegmayso xilli dowladda Puntland ay horay u sheegtay inay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda KMG Soomaaliya. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 17, 2011 http://horseedmedia.net/2011/06/17/dowladda-kmgs-oo-ka-soo-horjeestay-shidaal-laga-baaro-deegaanada-puntland/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted June 17, 2011 Saalax, get a live dude. always posting bad news Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 17, 2011 Address the message not the messenger. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 17, 2011 Saalax;729137 wrote: Address the message not the messenger. lol...Ma anigaa Soodaanta keenay dheh! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Degel Posted June 17, 2011 TFG should get independence from AMISOM and Mahiga before issuing any declarations. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 17, 2011 Degel;729144 wrote: TFG should get independence from AMISOM and Mahiga before issuing any declarations. Fair point. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 18, 2011 Dawlada Federal-Ka Ee Soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Ka Soo Horjeedo In Shidaal Laga Baadho Deegaanada Puntland. Muqdisho(Ramaas) June. 17, 2011- Dawlada federal-ka ee dalka Soomaaliya ee ka taliso qaybo ka mida Magaalada Muqdisho , ayaa sheegtay in ay si cad uga soo horjeedo in shidaal laga baadho deegaanada maamul goboleedka Puntland, iyada oo aan fasax laga qaadin xukuumada ku meel gaadhka oo ay beesha caalamka u aqoonsan tahay dawlada rasmiga ee Soomaaliya. Wasiirka shidaalka iyo macdanta Cabdirisaaq Sheekh Muxuyadiin oo maanta la hadlay qaar ka warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay dawladiisu aqbali doonin shirkado shisheeye ah oo baadhitaano shidaal raadin ah ka sameeyay deegaano ka tirsan Puntland oo qayb ka ah nidaamna federal-ka Soomaaliya, waxaana uu uga digay shirkadaha ay heshiisyada Puntland la gashay in aanay ku dhaqaaqin sahaminta shidaalka Soomaaliya oo aanay Puntland xaq u lahayn in fasax siiso shirkado kale. Puntland ayaa sheegtay toddobaadkan in ay heshiis shidaal qodis ah la gashay shirkad la yidhaahdo African Oil Company oo sahamin shidaal baadhis ah oo ka fulin doono dhulkaas dhawaan, iyada oo lagu rajo weynyahay in shidaal laga helo dhul badan. Laakiin hadalka ka soo yeedhay dawlada Sheekh Shariif ayaa noqonaya diidmadii ugu cuslayd ee ka hortimaada maamul goboleedka Puntland. Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites