Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso: Radio Station finds Majority of listeners support Farmaajo's stance

Recommended Posts

Dadwaynaha magaalada Boosaaso oo ka hadlay go’aankii ra’isal wasaare Farmaajo

 

2 hours ago | 4 comments

Dadweynaha ku nool magaaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa Soo dhoweeyey mowqifka uu qatay raysal wasaaraha Soomaaliya ee ku aadan in uusan iscasilayn inta ay golaha baarlamaanka ay xilka ay ka qaadayaan.

 

dadkan oo maanta khadka taleefonka kaga qayb galayey barnaamijka Faaqidaada Todobaadka oo looga hadlayay go’aankii ra’isal wasaare Farmaajo uu ka qaatay iscasilaada loo soo jeediyay iyo heshiiska Kambla ku gaareen madaxwayne Sheekh Shariif iyo afhayeenka baarlmaanka Shariif Xasan,ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aankii uu ra’isal wasaaraha uu ka qaatay heshiiskii Kambala ay ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo dhigayay inuu iscasilo ra’isal wasaaraha.

 

Siciid Axmed Xuseen oo ka soo hadlay xaafadda laanta hawada ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay inuu ra’isal wasaaraha ku saxsanyahay inuu ka soo horjeesto qodobadii ka soo baxay shirkii ka dhacay magaalada Kambala ee dalka Uganda.

 

Xuseen Maxamed Nuur oo isagana ka soo hadlay xaafadda New Boosaaso ayaa sheegay in ra’isal wasaaraha Somaliya uu wax qabad balaaran uu la yimid mudadii lixda bilood ee uu joogay xafiiska.

 

Dhagaysatayaashii ka qaybgalay barnaamijka ayaa intooda badan waxaa ay aheeyeen kuwa fikradooda uu haldhinac ku qotomay islamarkaana ay ku soo dhoweynayaan mowqifka ra’isal wasaaraha Soomaliya ee ah inuusan iscasilayn xiligan inta ay xildhibaanada ka qaadayaan xilka.

 

Aragti dadwayanaha ku nool Magalada Bosaaso ayaa imanaysa xili dhowaan raysalwasraha Soomaaliya uu sheegay in uusan xilka iskaga tagayn inta ay xilka ka qadayaan mudanayaaasha barlamaanka Soomaliya.

 

Cabdisalaan Axmed Shire

Horseed Media

Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this