Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo: The Sweet Wind of Change.pics

Recommended Posts

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maanta hoolka shirarka Dugsiga sare ee Cumar Samatar ka dhacay shirweyne taariikhi ah oo ay qaateen in kabadan Kun haweenka reer Gaalkacyo ah kuwaas oo ay sidoo kalena kala qeybgaleen qaarkamid ah isimada gobolka Mudug, Wasiirka hormarinta haweenka ee dawlada Puntland, marti sharaf aad u badan, xubno kamid ah haweenka magaca ku leh gobolka Mudug & haween kale oo aad u farabadan oo ay ku jiraan ku dhigta dugsiyada kaladuwan ee gobolka Mudug oo ay ka dhexmuuqdeen barakacayaasha ku dhaqan gobolka Mudug.

 

Shirkan oo kamid ah shirar muhiim ah oo si isdabajoog ah ay u qaadanayeen qeybaha kaladuwan ee gobolka Mudug ayaa waxaa uu ahaa maanta mid xiiso gooni ah leh islamarkaasna xambaarsanaa dareen wadaninimo oo ka turjumaya sida ay haweenka gobolka Mudug ugu qiraysanyihiin in ay qeyb ka noqdaan hirarka isbedel ee ay jaanta la wada hayaan qeybaha kaladuwan ee bulshadu, waxaana sidoo kale uu shirku maanta ahaa mid ay ka muuqanaysay sida dhibaatooyinka khatarta ah ee ka jira gobolka Mudug ay Uur kutaalada ugu noqdeen haweenka gobolka Mudug oo ay taabteen maadaama ay yihiin kuwa ay dhibtu marka horeba taabato.

 

Shirka waxaa si rasmi ah u furay xubno kamid ah haweenka gobolka Mudug oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka ee gobolka & sidoo kale isuduwaha wasaarada hormarinta haweenka Iyo Arimaha Qoyska ee gobolka Mudug, waxaana sidoo kale ka hadlay shirka qaarkamid ah haweenka caanka ku ah maansooyinka bulshada kiciya dareenkooda kuwaas oo tirinayey murti ka turjumaysa xaalada murugsan ee uu gobolku ka baxayo & dhibtii dadka soo martay oo u eg inay suulayso goor aan fogayn, waxaana sidoo kale ay haweenku soo qaadayeen xaaladu halka ay marayso Iyo sida uu muhiimka u yahay isbedel taariikhi ah oo gobolka ka dhaca.

 

Wasiirka wasaarada hormarinta haweenka & Arimaha qoyska ee dawlada Puntland Marwo.Caasho Geelle Diiriye oo shirka owgiis uga timid caasimada dawlada Puntland saakana Gaalkacyo timid ayaa dareenkeeda ku muujisay sida ay ugu faraxsantahay in haweenka gobolku ay hormar samaynayaan islamarkaasna ay ula jaanqaadayaan xaalada isbedel ee gobolku marayo iyadoo sheegtay in haweenku ay mudo badan ku dulmanaayeen inay qeyb ka noqdaan waxa dhacaya balse ay muuqato in maanta ay taasi isbedeshay ayna haweenku muujinayaan kaalintooda lama ilaawaanka ah aanan ka dhicin kuwa ay wadaan dhalinyarada gobolku, waxaana ay sheegtay in macnaha ay taas keeni karto uu noqonayo in haweenku ay qeybtooda qaataan islamarkaasna ay soo afjaraan dhibta maadaama ay cidkasta oo dhib samaynayso ogaan karaan iyadoo sheegtay in haweenka looga baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah Iyo inay la socdaan xaalada guryahooda & darisyadooda oo hadii la ogaado aysan jirin cid wax khaladan samayn karta ama ku dhiiran karta.

 

Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan oo ah halyeyga qeybta ugu weyn ka qaatay isbedelada culus ee gobolka laga dareemayo oo ayaantanna ku mashquulsanaa kicinta bulshada ee arimaha imika ayaa isna jeediyey khudbad taariikhi ah isagoo si qoto dheer uga sheekeeyey taariikhda ay haweenku ku leeyihiin hormarinta bulshada isagoo ku dheeraaday inuu ka hadlo sidii ay haweenka Soomaaliyeed uga qeybqaateen gobonimo doonkii Jamhuuriyada Soomaaliya oo uu sheegey in la'aantood aysan Soomaaliya xuriyad hesheen maadaama ay ragii ku howlanaa xuriyada la dabataagnaayeen Caanaha & Biyaha, Waxaana uu sidoo kale sheegey in haweenku ay hormarinta diinta islaamka ka qeybqaateen isagoo sheegey in haweenka imika looga baahanyahay inay sameeyaan mid lamid ah dadaaladaas.

 

Hadalada laga jeediyey xaflada kadib waxaa ay ka qeybgalayaasha xaflada ee haweenka ahaa isku raaceen in ka sokow dadaalkooda hoose ee muruqa ah hadana looga baahanyahay inay ka dhaqaale uruurin u sameeyaan maamulka imika jira si uu u gaaro waxa uu doonayo, Waxaana qeybtii ugu horeeyey ee dhaqaale uruurintaas ku deeqay Suldaan Cabdisalaan oo ku deeqay deeq lacageed oo ah $1000 (Kun Doollar) oo uu sheegay inuu ka bixinayo hooyooyinkiisii qaaliga ahaa, waxaana ay taasi bedeshay dareenkii dadka iyadoo ay jireen balanqaadyo badan oo ay haweenku sameeyeen kuwaas oo ay ka dhexmuuqanaysay gabar da'deedu tobon Sano kayartahay oo goobta ku bixisay Boqol Kun oo Shilinka Soomaaliga ah, sidoo kalena waxaa jiray haween bixiyey lacago badan & Boosas (Bugcado) Banaan oo aad u balaaran kuwaas oo Kumanaan kun oo doolar ku kacaya, Waxaana xaflada soo gabagabaysay Wasiirka Haweenka Puntland Marwo.Caasho Geelle oo sheegtay in xafiiskeeda & kan Haweenka Mudug uu ku deeqay Kun Doollar iyadoo balan qaaday in dawlada dhexe ay u gudbin doonto howlaha gobolka ka socda islamarkaasna ay xukuumada ka raadindoonto qeybtii laga rabay walow ay sheegtay in ay arimaha dalku meel culus marayaan islamarkaasna ay waxyaabo badan dawladu ku mashquulsantahay, waxaana uu shirku kusoo gabagaboobey jawi dhiiranaan ah oo ay haweenku muujiyeen.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daawo Sawirada Ololihii maanta ka dhacey Magaalada Gaalkacyo

Posted by Pi on July 23rd, 2011

 

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Olole balaaran oo ay hormuud ka ahaayeen Wasiirka Shaqada iyo Dhalinyarada Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indhaguran) Gudoomiyaha G. Mudug Mudug Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke, iyo waliba Maxamed Yusuf Jamac oo ka tirsan Gudiga Gobolka oo maanta Gaalkacyo ayna soo abaabuleen Dhalinyarada Gobolka dhacey ayaa ahaa mid lagu xirayey nalal xaafadaha qaar, waxaa kaloo feersocdey xirida luuqyo yaryar oo xafadaha dhex mara. hoos ka daawo sawiradii

 

 

DSC03192-

 

DSC03173-e1311453384442.jpg

 

DSC03154.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this