Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo: The Sweet Wind of Change.pics

Recommended Posts

Gudoomiye Cuuke Oo Sheegay In Shaqaale Tayeysan Oo Aqoon Leh Ay Qaadan Doonaan

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa ka hadley shaqaale cusub oo ay doonayaan in ay ka howlgeliyaan xafiisyada dowladda ee Degmada Gaalkacyo.

 

Mudane Cuuke waxaa uu sheegay in ay doonayaan in ay helaan shaqaale tayeysan, aqoon leh oo weliba daacad u ah ka shaqeynta horumarka shacabkiisa, wuxuuna intaa ku daray in jago kasta oo degmada ka banaan loo tartami doono iyadoo la qadarinayo qofka shaqada u tartamaya ee aqoonta leh.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada Gaalkacyo xarumaheeda ay ka howgeli jireen dad aan aqoon u laheyn shaqada ay hayaan isla markaana musuq maasuqi jiray hantida shacabka laga qaado, haatanse ay isbedel muuqda ku sameyn doonaan isla markaana la keeni doono boosaskaasi rag aqoon iyo daacadnimo lagu soo xushay oo aan qabiil meesha ku imaaneyn.

 

Mudane Cuuke ayaa tusaale u soo qaatey in mid ka mid ah shaqaalaha uu sheegay in uu mushahaar ahaan u qaato 2,000,000 Sh.So (Laba milyan Sh.So.) hase ahaatee bishii ay ku baxdo 30,000,000 (Soddon milyan Sh.So.) taasi oo lagu ogaadey baaritaan lagu sameeyay, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad noocaasi ah oo ku tagri falaya hantida shacabka laga soo aruuriyo.

 

Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Cuuke waxaa uu sheegay in shaqadii ugu horeysay ay haatan soo dhejiyeen isla markaana ay warbaahinta ka xayeysiiyeen, waana jagada Agaasimaha Arimaha Bulshada kaasi oo la doonayo in dadka u tartamaya aqoontoodu ay gaarsiisan tahay dugsi sare ilaa iyo heer jaamacadeed.

 

Isbedelka uu wado maamulka gobolka Mudug ayuu ku doonayaa in dhamaan shaqaalaha degmada ka howlgalaya ay noqdaan kuwa tayeysan oo aqoonta shaqada ay qabanayaan leh isla markaana aysan ka iman isdabamarin, musuqmaasuq iyo waxyaabo la mid ah, wuxuuna Gudoomiyuhu balan qaadey in fursadaha shaqo ee degmada ay u furan yihiin wiilasha iyo gabdhaha waxbartey ee aan shaqeyn.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haweenka Gobolka Mudug oo Maanta Qaatay kulan wayne Taariikhiya Naf iyo Maalna ku Taageeray Hormarinta Gobolka Mudug.

 

Posted by pi on June 24th, 2011

Galkacyo(Puntlandi.com);- Hoolka Shirarka Dugsiga sare ee cumar Samatar ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan taariikhiya oo ay isugu yimaadeen Haweenka Gobolka Mudug kaa oo qaybka ah kulamada aaya katalinta Gobolka.

 

 

Kulanka waxaa soo xaadiray kumanaan haweena waxaana diirada lagu saa rayay sidii haweenka ay ugu qaybgalilahaayeen kacdoonka Gobolka kabilawday naf iyo maalna ugu qaybqaadanlahaayeen.

 

Waxaa goobjoog ahaa kulanka wasiirada Haweenka iyo arimaha Qoyska Dawlada Puntland Mamulka Gobolka Mudug Ururuda haweenka iyo xubna ka socday jaaliyadaha Dibada .

 

Waxaa sidoo kale madasha fadhiyay hadal qiiralehna ka jeediyay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo aad ugu dheeraaday kacdoonka waxqabsi ee Gobolka ka socda aadna ugu xumaaday falalka amaandaro ee Gobolka ka dhaca shacabkana ku baraarujiyay in ay gacantooda wax ku qabsadaan maalkoodana ku bixiyaan.

 

Suldaanka ayaa shacabka ujeediyay hadalo kiciyay dareenkooda kuwaa oo qaarkood ka ilmeeyaydadka kulanka fadhiyay kuwa kalana ku beeray murugo iyo in ay ka xumaadaan xeerka uu marayo Gobolkooda waxaana hadalo qiiraleh uu ku yiri waxqabsada cidkale yaan wax laga sugin.

 

Hadalada uu suldaanka kulanka kajeediyay ayaa waxaa ay keeneen in gabar yar oo da’deedu aad uyartahay ay ku yaboohday 100Sh somali in ay ugu deeqdo hormarka iyo aaya katalinta Gobolka Mudug waxaana mar qura ay cajabgalisay guud ahaan ka soo qaybgalayaashii kulanka qaarkoodna ku beertay in ay gartaan waxa ay garatay gabadhaa aadka uyar.

 

Waxaa sidoo kale kulanka hadalo ka soo jeediyay Haweenka Gobolka Mudug kuwaa oo aad ugu hadlay muhiimada ay haweenka uleeyihiin abuurida nabada iyo hormarka Gobolka waxaana ay balanqaadeen in ay garab istaagayaan mamulka naf iyo maalna ay ku bixinayan hormarinta iyo amaanka Gobolka Mudug .

 

Haweenkii kulankaa ka soo qaybgalay ayaa ku yaboohay malyuumaad lacageed iyo Boosaas gudaha iyo daafaha magalada ku yaal micnaha ay u bixiyeena ay tahay in lagu sugo amaanka iyo hormarka Gobolka Mudug.

 

Deeqahaas lacagta iyo Boosaska isugu jirta waxaa shacaka ka gudoomay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud waxaana uu eebe ugu baryay in wax kaqayrbadan uu ugu badalo waxaana uu ujeediyay Ducooyin wax tar u ah iyaga iyo ubadkooda.

 

Lacagtii ugu horaysay waxaa ku deeqay Suldaan C/salaan waxaana uu sheegay in uu kabixiyay Hooyooyinkii afara oo kaqaybqaatay barbaarintiisa iyo korontiisa waxaana uu sheegay in uu uga bixiyay in lagu sugo amaanka Gobolka Mudug.

 

Intaa kadib waxaa iska soo dabadhacayay dadka doonaya in maalkooda ay ku yaboohaan waxaana halkaa ka kacayay dadwayne aad ufarabadn oo uu kiciyay hadalada halkaa uu ka soo jeediyay Suldaan C/salaan kuna deeqay lacago inta itaalkooda ama ay awoodaan.

 

Qaarkamida haweenka ayaa sidoo kale halkaa ka soo jeediyay tixo Buraanbura oo ku wajahnaa Gobolka Mudug kuna qotomay kicin shacab iyo in amaanka iyo hormarinta ay kaqaybqaataan waxaana intaa dheeraa Heeso wadaniya oo ay halkaa ka soo jeediyeen bar baar ka socotay xarunta Nabada iyo homarinta Gobolka Mudug.

 

Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay riwaayad gaaban oo ka turjumaysa musuqa dalka kajira gaar ahaan dhinaca ciidamada iyo heerka ay gaarsiisantahay qabyaalada taa oo ka xoogbadatay nidaamka sharciga.

 

Gunaanadkii kulanka waxaa soo xiray wasiirada haweenka iyo arimaha Qoyska Dawlada Puntland Marwo Caasho Geele waxaana ay sheegtay in ay ku faraxsantahay doorka haweenka ee hormarinta Gobolka waxaana ay balanqaaday xukuumad ahaan in ay u ol olayndoonto sidii uu utaabagalilahaa kacdoonkan ay shacabka sameetyeen.

 

Wasiirada ayaa ku deeqday kun dollar oo ay sheegtay in loogu talagalay Barnaamijka aaya katalinta Gobolka Mudug waxaana ay balanqaaday in markastaa ay dhinac istaagidoonta shaqsiyaadka u kacay hormarinta Gobolka Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haweenka gobolka Mudug oo dhaqaale ugu deeqaya maamulka gobolka

7 hours ago | 1 comment

Kulan looga hadlayay doorka haweenku ay ku yeelan karaan horumarinta iyo amaanka gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo,kaasi oo ay kasoo qaybgaleen saraakiil katirsan maamulka gobolka Mudug,wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska Puntland,Hogaamiye dhaqamed,dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

 

Haweenka kasoo qayb galay kulanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan maamulka gobolka Mudug,waxaana ay goobtaasi ay ka balanqadeen dhaqaale ay ku taagerayaan maamulka gobolka si’uu ugu horumariyo gobolka Mudug.

 

Waxa sheegid mudan in haweenkii kasoo qayb galay kulanka ay isku qoreen dhaqaale ay ku taageerayaan maamulka gobolka Mudug.

 

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Daahir Maxamuud Muuse oo ka hadlay kulankaasi ayaa haweenkii ka soo qayb galay uga mahad celiyay sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan mamulka gobolka Mudug.

 

Inta uu kulanku soconayay ayaa madasha waxa lagu soo bandhigay ruwaayad ka tarjumaysay dhibaatooyinka ay leeyhiin burcadbadeeda,nabadgalyo la’aanta,mukhaadaraadka iyo waxyaabo kale.

 

Waxaa sidoo kale kulanakasi ka hadleen haween iyo hogaamiye dhaqameed oo iyagu siwayn u soo dhoweeyay hawlaha horumarineed ee mamaulka gobolka Mudug oo uu ka wada gobolkaasi.

 

Si kastaba maamulka gobolka Mudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku talaabsadaya horumar la taaban karo o ah dhinacyada amaanka iyo horumarinta bilicda Gaalkacyo.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo waa is raacday Da’yar iyo Duqaw waxaana Dhaxda Loo Xirtay Hormarinta Gobolka.

Posted by pi on June 24th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Da’yar iyo Duqaw shacabka Galkacyo waxaa laga balamay in guntiga loo dhuuqsado hormarinta iyo amaanka Gobolka Mudug meel cidlaana looga tago waxyaabaha bulshada kala fogeeya habacsanaana ku keena shaqooyinka mamulka iyo homarka Gobolka.

 

 

Kulamo is xiga oo loogu magacdaray aaaya katalinta Gobolka Mudug ayaa looga balamay in lagawada shaqeeyo amaanka iyo homarka Gobolka Mudug qofkastaana uu ku taageero maalkiisa,muriqiisa iyo fikradiisa si loo helo amaanka iyo hormar uu mamulka hogaan ugu yahay.

 

Kulankii u horeeyay ee kulamadan waxaa qaatay Odayaasha dhaqanka iyo mamulka Gobolka Mudug waxaana looga balamay in mamulka lagarab istaago lana taageero si uu ugu guulaysto shaqooyinka loo igmaday waxaana kulankaa ka soo baxay talooyin muhiima iyo dhaqaale mamulka lagu taageero.

 

Kulankaas waxaa uu dhaliyay in uu kaco dareenka bulshada Gobolka Mudug waxaana qaybkastaa oo kamida bushada Galkacyo ay qabanqaabisay kulan ugaara waxaana xigay kulan waynihii Dhalinyarada Gobolka Mudug oo guud ahaan dhalinyarada ay balanqaadeen in muruqooda iyo maskaxdooda ay ku taageerayaan hogaanka Gobolka iyo waxqabadyada soconaya.

 

Waxaa xigay haweenka Gobolka Mudug oo qaatay kulankii udanbeeyay waxaana uu ahaa kulan taarikhiya oo aan horay loo arag waxaana haweenka ay ku deeqeen maalkoodii dahabkoodii iyo Guryahoodii kuwaa oo kubalamay in loo istaago hormarinta Gobolka Mudug.

 

Kulamadaa waxa bar bar socda Gudiga aaya katalinta Gobolka Mudug oo uu hurmood uyahay Suldaan C/salaan kuwaa oo qabtay shaqooyin muhiima hurmuudna u ahaa in shacabka ay kacaan dantoodana ay garawsadaan kana shaqeeyaan sidii amaan iyo barwaaqo ay ugu noolaanlahyeen.

 

Is xilqaankii u horeeyay ee waxqabad waxaa ku talaabsaday dhalinyarada Gobolka Mudug kuwaa oo sameeyay ol olahii lagu hagaajiyay nadaafada Garoonka kubada cagta kuna guulaystay in ay israacdo dhalinyarada Gobolka Mudug dhaxdana u xirtaan kashaqaynta Gobolkooda.

 

Puntlandi.com Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this