Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo: The Sweet Wind of Change.pics

Recommended Posts

41.jpg

 

 

Gobolka Mudug oo Fooda Galiyay Kacdoon Salka ku Haya Sidii Ammaan iyo Hormar Loo hililahaa.(Sawiro)

Posted by pi on June 12th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Gobolka Mudug ayaa maalmihii udanbeeyay waxaa kahanaqaaday kacdoon aad ubalaaran oo Bulshada Gobolka qaybaheeda kaladuwan ay samaynayaan kaa oo salka ku haya amaan iyo hormar uu Gobolka Mudug gaaro.

 

Kacdoonada iyo kulamada looga tashanayo xaalada Gobolka ayaa waxaa ay kadhaceen hoolka Dugsiga sare ee Cumar Samatar oo loogu magacdaray madasha ay Bulshada Gobolka ku soo bandhigaan dareenkooda.

 

Hadaladii iyo aragtidii laga soo jeediyay kulamadaa ayaa waxaa ay sameeyeen qaybii Dhag kamaqalka ay ku ahaayen kulamadaa waxaana haatan Gobolka uu fooda lagalay kacdoon salka ku haya amaanka iyo barwaaqo uu Gobolka gaaro.

 

Shacabka Gobolka Mudug ayaa waqtigan umuuqda kuwa laabtooda ay u jeestay waxqabad meeshana kasaaray muran iyo ismaandhaaf dhaxdoodaa waxaana lagu balamay in dhaxda loo xirto taageerida mamulka cusub iyo kagacsiinta waxyaabaha uu ugu baahanyahay.

 

Doorka ugu wayn ee kicinta dadwaynaha waxaa qaatay waxgaradka iyo Dhalinyarada Gobolka Mudug waxaana dareenka bulshada aad ukuciyay hadalo qiiraleh uu jeediyay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo qaybta ugu wayn kaqaatay in shacaba Gobolka ay aayahooda katashadaan.

 

Dadka qaarkii ay ilmeeyay xiliyada ay kaqaybgalaan kulmada looga tashanayo aayaha Gobolka Mudug waxaana qaarkood ay sheegeen in waligood aysan lakulmin shacabka Gobolka oo isku raacay in Gobolkooda ay wax kaqabtaan.

 

Waxaa sidoo kale baaq loo jeediyay qurbajoogta Gobolka Mudug kaa oo ku aadan in gacan balaaran kagaystaan hawlaha Gobolka ka soconaya soona bandhigaan fikradahooda ku aadan kulmada soconaya iyo wixii talooyin oo ay hayaan.

 

Maqaalada iyo warbixinada ku saabsan kulamada waxaad si joogta ah ugu daalackartaan Barta internetka ee Puntlandi.com.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Youth Support

 

22.jpg

 

Tashanayo Doorkooda Hormarinta Gobolka Laqatay Gudiga Hormarinta.

Posted by pi on June 12th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Dhalinyarada Gobolka Mudug ayaa maalmihii udanbeeyay waday kulamo xoogan oo looga goleeyahay sidii dhalinyarada doorkooda uga qaadanlahaayeen amaanka iyo hormarka Gobolka ka socda.

 

 

Dhalinyarada iyo Ururada ay ku midaysanyihiin ayaa sameeyay Gudiyo loogu talagay in ay gacan siiyaan mamulka si joogtaana uga qaybqaataan hormarka iyo taalbooyinka uu qaadayo mamulka taa oo ah hiidiilo cusub oo dhalinyarada ugu soo jeesteen in ay wax kaqabtaan dayaca Gobolkooda.

 

Kulamadii ugu horeeyay ayaa waxaa ay laqaateen Gudiga Hormarinta Gobolka mudug waxaana ay isla lafagureen sida ugu haboon ee wax looqabankaro iyo wadiiqooyinka dhalinyarada umarayaan wax uqabashada Bulshadooda iyo Gobolkooda.

 

Xubnaha Gudiga oo uu kamidyahay Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud ayaa dhalinyarada ujeediyay talooyin ku aadan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen hormarinta Gobolka waxaana ay u soo jeediyeen hadalo kiciyay dareen dhalinyaradii madasha goobjooga ahayd.

 

Qaarkamida dhalinyarada oo hadalka qaatay ayaa sheegay in maanta ay joogaan wadii dhalinyarada wax uqabanlahayd shacabka waxaana ay sheegeen in aysan kacaajisi doonin hawlaha ay wadaan.

 

Abuubulka ka socda Gobolka mudug ayaa gaaray meeshii ugu saraysay waxaana guud ahaan Bulshada Gobolka ay garawsadeen halka u Gobolkooda marayo iyo talaabooyinka loo baahanyahay in ay qaadaan.

 

Puntlandi.com Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan La’iman Doonaa Cadaalad Waxaan Ladagaalamayaa Musuqmaasuqa”Godomiye Cuuke.

Posted by pi on June 11th, 2011

 

Galkacyo(Puntlandi.com);- Godomiyaha Gudiga Amniga iyo Mamulka Gobolka Mudug Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa sheegay in ay mamulkiisa mudada ay talada hayaan ladagaalamidoonaan musuqmaasuqa una shaqayndoonaan si cadaalada.

 

Godomiyaha ayaa sheegay in aysan udulqaadandoonin hanti dhunsashada iyo wax isdabamarinta waxaana uu sheegay in shaqada ay ka eryidoonaan cidii lagu helo falalkaasi.

 

“Waxaa unimid musumaasuq aad ubaahsan waxaan aragnay dad mishaarkooda kabadan si cadaalad daraa ku hela isbadal ayaan ku samayndoonaa waana lala xisaabtamayaa ayuu yiri Maxamuud C/raxmaan Cuuke.

 

Godomiyaha ayaa sheegay in aysan shaqada cidna ku keenidoonin Qabiil balse ay ku qaadandoonaan Aqoon iyo kartida uu leeyahay.

 

Cuuke ayaa sheegay in warbaahinta ay kaxaysiindoon shaqadii mamulka kabanaanto taa oo meesha kasaaraysa waxyaabihii horay shaqada loogu qaadanjiray.

 

Waxaa uu sheegay in ay lakulmeen Agaasimo guud oo aan wax School ah aan soo marin taa uu sheegay in ay kamidyihiin caqabadaha Gobolka hoos u dhigay.

 

Markii ugu horaysay ayaa mamulka cusub waxaa uu shaqo kabaan mamulka shacab u soo bandhigay taa oo ay kafaaidayseen dhalinyo waxbaratay.

 

Puntlandi.com Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhageyso Barnaamijkan gaarka ah ee Aaya katalinta Gobolka Mudug

Posted by Pi on June 16th, 2011

 

Gaalkacyo(Puntlandi.com)Dhaheyso Barnaamijka Aaya ka talinta Gaalkacyo:- Bishii Maajo ee sanadkan waxaa Gaalkacyo ka bilowdey kacdoon ay bilaabeen Dowlada Puntland iyo Shacabkuba kasoo lagu adkeynayo amaanka magaalada, Maamulka Gobolka Mudug iyo shacabkuba waxey balan qaadeen iney wakhtigooda qaaliga ah u hurayaan ka shaqeynta iyo ka qayb qaadashada amaanka, dhinaca saxaafada waxaan qaybtayada ka qaadaneynaa baraarujinta iyo intii karaankayo ah sidii aan anaguna uga qayb qaadan laheyn kor u qaadista amaanka Gaalkacyo.

 

Idaacadaha iyo Website-yada ka howl gala Gaalkacyo ayaa Barnaamijkaan iska caawinaya baahintiisa, Waxaa idiinsoo tabinaya Wariye Cabdinaasir Cali Ibrahim. Waxaan Barnaamijka u qaybiney sadix qaybood ee ka bilaabo qaybta kowaad ka dibna usii wado sida ay isugu xigaan si aad u wada dhageysato Barnaamijka gabi nahaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Awoowe xaggay salaadu iska qaban la'dahay. Cuuke is good indeed, but the man who has appointed him to post must has been blind. Isn't this one of PL success story? How could you say PL government has not dealt or engaged with the "Mudug group" when infact this success story can be attributed to the highest office of the admin by taking on the old guard who were and still are an obstacle to peace in Mudug. Naga daa dee saaxiib!

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Gheele. Ina Adeer, you know I have praised Faroole with regards to his appointments of a number of individuals, Cuuke, Juxa and Ina Abdullahi Warsame. However this appointment in Galkacyu took much arm twisting and death before it came about.

So don’t confuse the issues, Galjkacyu's change is a good thing, but we need this change to be reflected in the whole state. Adeer Faroole has to know, this is just the beggining of our own election season. The honeymoon is over.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Is the Gudoomiye related with that guy from canada I think you used run p/l president and now I think is a minister. Can't recall his name. He looks like him..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

^ The governor is Sujui fella born and bread in Nairobi. He is well educated and helped to transform the Minstry of Education. Isaga iyo Mudug folks war baa kala haysta. Mardhow reer Mudug Swahili ku daldalmaya ayaa la arki doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hirarka Isbadal Ee Aayakatalinta Gobolka Mudug

 

Taariikhdu markay ahayd 27/05/2011 ayaa waxaa ka dhacay magaalada gaalkacyo isbadal taariikhi ah oo ku salaysan in labaddalo muuqaalka murugada leh ee fooshaxun ee ay yeelatay Gaalkacyo ee ku salaysan dilka, cabsida, horumar la’aanta, laguna badalo nabad, cabsi la’aan iyo horumar, in laga guuro kala qaybsanaanta gobolka aafaysay loona guuro wadajir, wax wadaag iyo waxwada qabsi, in la joojiyo nindoorka iyo labeenta bulshada ee la ugaarsado laguna Laayo macne la`aan, in la difaacdo sharafta iyo karaamada ummadda, in wax laga qabto burburka baahsan ee ku dhacay arrimaha bulshada.

 

Waxaa kale oo la go’aansaday in laga faa`iidaysto awoodaha la haysto sida aqoonta, dadnimada, dhaqaalaha, iyo ciidanka, waxaa la La isla qaatay in maamul iyo shacaba lawada asteeyo oo dhexda loo xirto sidii arintaas looga wada mira dhalin lahaa oo loo wada shaqayn lahaa.

Kadib waxaa is abaabulay dhalinyada gobolka oo lafdhabar u ah mustaqbalka ummadda waxayna go,aansadeen inay qaataan kaalinta ay ku leeyihiin isbadalka waxay qabteen 10/06/2011 shirwayne dhalinyarada gobolka mudug waxay soo bandhigeen aqoontooda iyo kartidooda waxay balan qaadeen inay dalkooda ugu shaqaynayaan iskaa wax u qabso, inay ka qayb qaadanayaan xasilinta nabadgalyada lana shaqaynayaan laamaha kala duwan ee dawladda, inay ka shaqaynayaan nadaafadda, in ay canshuurta wax ka uruurinayaan iyagoo mutadawacnimo ku shaqaynaya, inay jidadka wax ka dhisayaan, inay bukaanada iyo isbitaalada caawinayaan, inay dadka aan waxbarashada fursadda u helin waxbarayaan iyo in ay maamulka wax walba oo wanaagsan ku garab istaagayaan.

Waxaa isbadal taariikhi ah sameeyay bahda saxaafadda gobolka mudug waxay mideeyeen wax qabadkooda, waxay bulshada usoo bandhigeen wacyi galin aan horay loo arag waxayna muujiyeen dadaal iyo xilkasnimo iyo wadaninimo aan caadi ahayn taariikhda ayaana xusi doonta doorka bahda saxaafaddu ka qaadatay aaya ka talinta gobolka mudug.

 

Kulamo joogto ah kadib dhalinyaradu waxay doorteen guddi ka kooban 13 xubnood oo dhaliyarada heer xafadeed iyo laan laan ka soo dhisa kadib waxay la kulmeen xubnaha sare ee maamulka waxayna usoo bandhigeen in saddex iyo tobanka laamood ee ay ka koobanyihiin sadexda xaafadood le magaaladu ay ka diyaarinayaan kun iyo saddex boqol oo dhaliinyaro ah oo diyaar u ah inay dalkooda iyo dadkooda ugu sheqeeyaan iskaa wax u qabso.

 

Waxaa la oran karaa Maxamuud C/raxmaan Cuuke waa ninkii ugu nasiibka badnaa ee xukuma mudug maxaa yeelay wuxuu helay taageerada shacabka oo dhamaystiran shacabkuna waxay ka sugayaan inuu amni iyo horumar u horseedo caddaaladna u sameeyo siduu u balanqaaday

 

Waxaa Qoray:- Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this