Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

SNM veterans meet with Buhoodle sool diaspora intellects in London

Recommended Posts

Dhega-weyne iyo Axmed Mirre Oo Kulan Xaasaasi Ah La Yeeshay Aqoonyahanka, Wax-garadka BUUHOODLE iyo

Written by Qaran news

Jun 17, 2011 at 10:24 AM

Dhega-weyne iyo Axmed Mirre Oo Kulan Xaasaasi Ah La Yeeshay Aqoonyahanka, Wax-garadka BUUHOODLE iyo SOOL

 

London(Qaran news)-Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen [Dhega-weyne] oo uu weheliyo Mujaahid Axmed Mirre, ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada London siyaasiyiin, aqoon-yahan iyo wax-garadka deegaanada Sool iyo Buuhoodle ee ku dhaqan cariga Ingiriiska. Ma jiro wax wara oo ka soo baxay kulankaas.

 

Haseyeeshee, sida ay Wargeyska "Yool" u sheegeen ilo u dhuun dalool oo ku sugan Magaalada London, u jeedada kulankan labada masuul la yeesheen dadka deegaanka Sool iyo Buuhoodle, ayaa waxa u jeedadiisu ahayd sidii la isugu soo dhowayn lahaa dadweynaha deegaanadaa ku dhaqan iyo kuwa kale ee gobollada kale ee Somaliland.

 

Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in kulankani uu ka dhashay gogol labada Mujaahid u fidiyeen aqoon-yahanka iyo wax-garadka dega Buuhoodle iyo Sool, kaasoo u jeedadiisa lagu tilmaamay inuu ahaa qorshe Mujaahidiintu ay ku rabaan in xal waara loogu helo mashaqooyinka soo noq-noqday ee u dhexeeya dadka deegaankaas iyo beelaha gobollada dhexe, gaar ahaan deegaanadii hore u taageeri jiray ururkii SNM.

 

Sidoo kale, waxa wararku intaa ku darayaan in dhinac-yadii kulanka ka qaybgalay ay si qoto-dheer isla rog-rogeen dhaqdhaqaaq-yada siyaasadeed iyo xaalada guud ee ka jirta deegaanada Buuhoodle iyo Sool, iyadoo sida ilahaasi sheegeen labada Mujaahid ay garowshiyo ka muujiyeen qaybo ka mida tabashooyinkii dhinaca kale, halka iyagu-na dhankooda u soo bandhigeen waxyaabo badan oo ay ka garaabeen siyaasiyiinta iyo wax-garadka deegaanada Sool iyo Buuhoodle. hase yeeshee ma jiro wax wara oo intaa dheer oo ka soo baxay kulankaas.

 

Dhinaca kale, labada Mujaahid oo iyagu muddooyinkan dambana si weyn isugu lamaanaa, ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn halka uu salka ku hayo isu soo dhowaashoodu. in kastoo ay jiraan faallooyin badan oo ay dadku ka bixiyaan wadda jooga cusub ee labada Mujaahid, haddana ma jirto wax hadala oo ka soo baxay dhinacooda oo si cad *****lka uga qaadaya u jeedada damacooda fog iyo kan hadda mid-na.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
:D:D Patriotic clan is having issues. As long you are calling the murders for mujahidiin, I doubted any sane person from ssc will meet them. Keep having your entertainments.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;729052 wrote:
Dad bay clan iyo qabyalaad kaga dhagtay

Wallee waa run oo qaar bay kagaga dhegtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX, isn't that all about your project.. Qabyaalad & cuqdad.. If it's not qabyaalad, why men from Qoruligud and caynabo are more close with those from Gebiley and want to be nation of their own.

 

JB, do tell us what you know about the said men and their meeting. BTW, who is dhegaweyne, I never heard of him?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xunduf. Haddii khariidaddii hore socon weysey, si aad aqoonsiga raagey u heshaan mallaga yaabaa inaad ka fuqdaan gobollada dadkii lahaa u tashadeen oo hadda idinka soo horjeeda haddii aad SNM tihiin oo aad keliya maamulkiinna ka dhigtaan degaannada la is-dhihi karo waa deggan yihiin. Sidee ku soconaysaa inaad dhahdaan Koofur baa na jajuubta 60-kii haddana na khasbaysa adinkuna aad dad Soomaaliyeed aad hoggaamisaan iyagoon raalli ka ahayn oo raba inay idinka tashadaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Abwaanow in the eyes of XX and co you are nabad diid. Jimce wanaagsan saaxiib. Hadda buu ku odhanayaa koonfuriyan baad tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan Dhibaatada idin haysata anagu markan anagu leeyahay waxan ka hadlaya reer Somaliland From lawya cade ila iyo yoocade Midowgi anagu rabnay eeh Somaliweyn eeh aanu habeen ku riyoonay banu islahayn kaga dhabe caqabado fara badan banaga horyimid mid dibad iyo mid gudo ba Lixdanki anaga Somaliweynimo raadinayney cidna jajuubtay ma jirto. koonfuriansku may xishoon eh laakin dee eed uma laha iyago Danahoodu waxay ahayd kursi ku fadhiso iyo darajo been isku naba Niikada na hala badiyo ileen wala xoroobay anagu laakin shaqo fara badan ba na sugeysey. Anagu tayadu mid ka qoto dheer bay ahayd 1948 Ingriisku marku bixiyey Dhulki hawd iyo reserve area oo gacanta loo galiyey Boqor xayle selleisei ayuu kacdoonki kacdoonki Koobaad eeh shacabka oo ay kiciyeen ururki la odhan iray eeh xisbulah eeh burco lugu asaasay 1945 wa marki taliski Booliska eeh ingriisku ku laha burco dhigada laga dhigay burco iyo daroor ba la raba ina xuduud la kala dhiga hargeisa iyo harta sheikha ba la raba ina xuduud la kala dhex dhigo. anagu qaladkanu leenahay cidna danbiga dusha kama saarno Adeeer cid Somaliland lugu jajuubo ma jiro dalku wa dimuqradiyad Afkaartada ayaad dhiban karta si xor ah oo xalaal ah Xita dad haday jir haba yaradan eeh jecel inay so noleyaan midowgi burburay 1991 dee codkooda wala dhegeystaa anigu waxan ba ahay dadka jecel in xisbi la furo dadkaasi ay ku muujiyan fikirkooda siba lo arko oo nin walba u tiisa sheegto dalka oo dhan qofki waxa aminsan Awdal gabiley saaxil hargeisa togdheer sool sanaag , laakin yaryarka taleexi iyo A khadar waxay ku odhanayan anigu reer hebel baan ahay xajigu na wa reer hebel dabeedna anigu qabilkan ka jecelahay qaranimada wa cajib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xunduf, with all due respect Jawaab waafi ah imaadan siin ee waxaagu waa Shimbirayahow heesa, taasna cidna ma dhegeysaneysey oo xitaa 60-maadkii baa laga dhiidhiyey oo hees caan ah laga sameeyey. (I do not know the singer and was not born when it was made balse heesta iyo luuqda macaanba waxaan ka dhegeysan jirey Raadiyo Muqdisho). Waxaan is lahaa dood xalaal ah meesha haka dhacdo laakiin weli waxaad mooddaa inaan borobogaando ku wada hadlayno ee bahasha beddel haddii kalese iska wado dacaayaddaada iyo "Ciidammada Xoogga dalka oo ku gaardiyey Widh-Widh" (I am sorry marna ha iga sugin inaan soo qoro magaca maamulka Waqooyi ka jira waayo waxaan u arkaa inaan aqoonsaday if I do. Beleive me it is nothing against them balse xitaa kuwa goobaha kale ka jira ma soo qoro. I respect them and wish them well in taking part of getting Somalia back together.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heestad jecleyd eeh aad maqashay banad xasuusan cidi qaday hadana abwaan baad isku sheegeysa wa halkay salaadu iska qabsan ladahay Koonfuriansku wa kuwa doctore isku wada sheega iyago xita dreys cad oo docotorku xidhan maalina isku qiyaasin. xita Titaladi kale na isbaaro baad u dhigateen.

 

Adeer Somaliland wa jamhuuriyad Madax banaan cidna kama habaydeystaan cidna waxba kama sugto Somaliland Allah Mooyane shacabkeeda iyo dalkeeda aqoonta Dadka u taliya bay isku haleysa 20ki sanadood eeh ugu danbeyey ayaa ta cadayn u ah. Marka adeer hadaad is leedahay dadka Dalka degan waxba uman dhimin oo laakin waan xaqiraya waxay dhisteen iyo hormarkay gaadheen dhaqaalahay ay dhisteen qaranka Lugihisa ku tagaan kalay arka Cimaradaha ka dhisan magaalada hargeisa kalay dawada shirkada ka dhisan burco kalay dawo Quwada Ciidan eeh dalkayagu leeyahay kalay arka Caruurta arooskasta Schoolada u kalaha. kalay dawada nabada buuxda eeh dalkayagu leeyahay kalay arka Dimuqradiyada la gaadhay ,,dee adeer wa tu adiga ku taal hadaad xaqirad naf biday laakin Dadka iyo dalkaas Somaliland Maha Umad ku joojinaya wa umad Hormar gaadhay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xunduf. Xagga iyo kaftanka hagartu ku jirto waxba kaa oran maayo. Soomaalida ayaa beryahan inay derejo sheegato ku soo badatay wax koofurta ku siman ma ahan. Caddad ma laha intaan marfishle sheeganaya inuu yahay Eng. Metela Xisbi fulaan oo ka soo jeeda Waqooyi arkay" Midda kale waxaa laga yaabaa inay adiga qabyaalad iyo qiiro ayay kaa tahay balse mid caddaalad iyo walaalnimo ku dhisan ayaan u qirayaa horumarka NABADEED ee ay gaareen walaalaha waqooyi. FYI Hargeysana waan tegey dhawr sano ka hor oo waan soo arkay runtii intaas ka badan baan ka filayey laakiin weli jidadkii iyo iskuulladii dowladda dhexe dhistay waxba laguma darin. Shacabkuna waa dedaaleen Ilaahna ha u siyaadiyo. Dimoqoraadiyaddan aad sheegeyso ma midda Shakhsiyaad aaskii waalidkood loo diidaa, oo qaar inay transit Hargeysa ku maraan loo diidaa oo qaar inay carruurtooda soo arkaan loo diidaa? Dimoqoraadiyaddu ma inaan maalin walba maqalnaa "Ciidammada xoogga ayaa inta xero Awr laga soo daabbulay, tuulo hebla ku gaardiyey" Horta Dimoqoraadiyadda ayaad khalad ka fahantey. Ha u qaadannin inaan taageerayo maamul gaar ah balse waxaan leeyahay yaan la is cabburin, haddii kale dooddaada ah Koofur baa nagu qasbaysa inaan ka mid ahaanno ayaan noqoneyn mid macno leh...!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this