Saalax Posted June 16, 2011 Cali Waranacade oo uga digay Shacbiga Somaliland in aanay ku dhicin godkaas ay reer Somalia ku dhaceen iyo guumaysigaa ay gacanta u galeen Mustacmarada ee Agoustine Mihiga Wasiirkii Hore ee Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay ugana Digay Shacabka Somaliland Mr Mahiga iyo siyaasada Mustacmarka Cusub ah ee uu wado. Mr Warancade ayaa sidoo kale Xukuumada Somaliland Iyo Shacbiga labada u soo jeediyey Isku duubni iyo in wixii dhexdeena ah aynu inagu dhamaysano. Mudane Cali Warancade ayaa ku bilaabay hadalkiisa :- “Waxaan jeclahay inaan maanta ka hadlo arin aanay dadkeenu u fiirsan warna u hayn oo ah Mustac-maradda casriga ah oo ay maanta muuqato in dalkaas Somalia ee aynu dariska nahay uu gacanta u galay guumaysiga cusub ee qarnigan, taas oo run ahaantii aynu odhan karno waxa u horseeday ragii ay ka dhigteen madaxda. Siyaasiyiintaas ayaa maanta shacbiga Somalia dhaxalsiiyey heerka ay maanta marayso Somalia ee jahawareerka ah ama 20-ka sanadood shacbigaa ku jiray dilka, qaxa, dhaca, boobka iyo gawraca, ragaas siyaasiyiinta ah ee ay la gudboonayd inay shacbigooda u horseedaan horumar iyo wadani-nimo ayaa maanta ummadoodii gacanta u galiyey guumaysiga aynu maanta aragno oo aan filayo in hadii dadka maanta Somalia la yidhaahdo waayo madaxwaynihiinu aanay garanayn oo ay odhanayaan waa Sheekh Shariif, balse runtu aanay taas ahayn. Anigu waxaan aamin-sanahay in uu dalkaas madax ka yahay ninka Mustacmarada ah ee Agoustine Mihiga, kaas oo ka soo jeeda dhalasho ahaan dalka Tansania ee Afrikanka ah. Mr Mahiga waxa uu hogaaminayaa ciidamo ka tirsan Sirdoonka caalamiga ah oo loogu talo galay inay maamulaan shucuubka diciifka ah ee aan lahayn dawladaha adag sida dalka Somalia oo kale. Maantana waxa muuqato in sidii ay uga soo bixi lahaayeen godkaas in ay tahay mid aad iyo aad u dhib badan”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Hadii aynu nahay ummadda reer Somaliland waxa inagu waajib ah laba arimood, midi waxa weeyi in dadkaas aynu walaalaha nahay ee reer Somalia aynu iskugu dayi lahayn sidii gacanta loogu soo qaban lahaa oo looga saari lahaa gumaysigaas cusub ee qabsaday ee ay ku dhaceen. Waxaan aamin-sanahay in reer Somalilaland ay yihiin kuwa ugu sahlan ee dhibta Somalia taala wax ka qabanaya waa hadii Ilaahay garansiiyo shacbiga reer Somalia. Hadii aynu nahay ummada reer Somaliland waa inaynu ka feejignaano inaynaan ku dhicin godkaas ay reer Somalia ku dhaceen iyo guumaysigaa ay gacanta u galeen. Waxa kaliya ee aynu arintaas kaga bad-baadi karnaana waxa weeyi, mida hore inaga oo ka digtoonaana sadexda arimood “D-da” ka kaca oo kala ah:- Diwaan-galinta, Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda. Sadexdaas daaqadood waa sadexda albaab ee ay Somaliland ka soo gali karaan ragaas maanta duliga baday shacbiga reer Somalia ee aynu dariska nahay. Waxaan ugu jeedaa sadexdaas arimood waa sadexda keeni kara muranka Somaliland, waxa markaas inaga inala gudboon sidii aynu u tabaabushaysan lahayn inaynu ku dhacno Dabinkaas ay ku dhaceen ummadda reer Somalia, isla markaana aynaan is-dhigan oo aynu ka tashano sidii aan dariiqaas la inoogu soo raacin, isla markaana arimahaas oo dhan aynu ku xalino dhaqankeenii iyo waxaynu ku soo caano maalnay, Waana inaynaan marnaba u baahan in gacanta la inagu qabto oo la inoo taliyo sida maanta haysata reer Somalia. Mida sadexaadna waxa weeyi inaan la inoo soo raacin salaankaas ee aynu inagu reer Somaliland ahaan hagaajisano gurigeena iyo dalkeenaa, isla markaana aynu ku hagaajino cadaalad iyo sinaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaynu laba jeer ka bad-baadnay inay inagu dhacdo taa maanta Somalia ka taagani, oo waxa la ina yidhi xeerarkiinii dhiga, oo waa tii ay inoo soo saareen 6 qodob isaga iyo ninkii Mahiga ka horeeyey ee Axmed Walad Cabdalla, isla markaana ay inagu kalifeen in inta aynu shuruucdeenii halkaas iska dhigno in la inoo sameeyo lix qodob oo aynu isku qabsano, hase yeeshee nasiib wanaag waynu iska garanay oo sidii ay doonayeen may dhicin, waxayna doonayeen in la isku qabsado, taas oo ay markaasna fahan-sanaayeen madaxda qaranka ee wakhtigaas taladda dalka haysay. Waxaan shacbiga reer Somaliland iyo xukuumaddaba u soo jeedinayaa inaynu muujino isku duubni iyo inaynu arimaha yar yar ee dhexdeena aynu inagu dhamaysano oo aynu iska ilaalino in gacan dibadeed ina soo dhex gasho si aynu uga bad-baadno dhibaatadda maanta haysata Somalia, Waana inaynu ku baraarugnaa waxaa dariskeena haysta”. Warqabadka ToggaHerer Hargeysa/Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 16, 2011 http://www.togaherer.com/2011/06/16/cali-waranacade-oo-uga-digay-shacbiga-somaliland-in-aanay-ku-dhicin-godkaas-ay-reer-somalia-ku-dhaceen-iyo-guumaysigaa-ay-gacanta-u-galeen-mustacmarada-ee-agoustine-mihiga/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 16, 2011 cali warancade spot on Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 17, 2011 Waa talo waayeel ............ Quote Share this post Link to post Share on other sites