Som@li Posted June 16, 2011 Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augastine Mahiga, oo u warramay BBC ayaa sheegay in Raiisul Wasaaraha uu raali ka ahaa heshiiskii ka dhacay Kampala. Mahiga waxa uu sheegay in inkastoo aanu Raiisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi saxiixin heshiiska haddana inuu raali ka ahaa inuu is casilo laba toddobaad gudahood. Wakiilka ayaa waxa uu sheegay in ay maanta telefonka ku wada hadleen isaga iyo Raiisul Wasaaraha, isla markaana uusan u sheegin wax dhibaato ah. Raiisul Wasaaraha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa shalay shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in aanu is casileyn ilaa iyo inta baarlamaanka Soomaaliya uu go'aan ka gaarayo arrinta. Maxamed Cabdullahi, waxa uu intaa raaciyay inuu tixgelinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana ay go'aanka kalsoonida leeyihiin baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed. Laakiin Danjire Mahiga, ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageersan tahay heshiiskii Kampala. Mahiga waxa uu sheegay in inkastoo aanu Raiisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi saxiixin heshiiska haddana inuu raali ka ahaa inuu is casilo laba toddobaad gudahood. Wakiilka ayaa waxa uu sheegay in ay maanta telefonka ku wada hadleen isaga iyo Raiisul Wasaaraha, isla markaana uusan u sheegin wax dhibaato ah. Raiisul Wasaaraha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa shalay shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in aanu is casileyn ilaa iyo inta baarlamaanka Soomaaliya uu go'aan ka gaarayo arrinta. Maxamed Cabdullahi, waxa uu intaa raaciyay inuu tixgelinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana ay go'aanka kalsoonida leeyihiin baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed. Laakiin Danjire Mahiga, ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageersan tahay heshiiskii Kampala. Quote Share this post Link to post Share on other sites