Jacaylbaro Posted June 15, 2011 Laascaanood (Dawan)-Qarax weyn ayaa shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaasi oo dayaankiisa laga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah magaaladaasi, waxaana qaraxaasi ka badbaaday baabuur nooca tiknikada ah oo ay leeyihiin ciidanka booliska ee gobolka Sool. Qaraxan oo ka dhacay jidka isku xidha Huteelka Xamdi iyo Magaalada Laascaanood, waxaanu qaraxu dhacay markii uu gaadhigu ka gudbay jidkaasi mana jirin wax khasaare ah oo uu geystay. Qaraxan oo ka dhashay miino nooca rimuudka lagu hago ah oo jidka lagu aasay ayaa la sheegay in la doonayay in lagu bartilmaameedsado masuuliyiinta xukuumada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga oo ka shalay ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay xuska joojinta xadgudubyada iyo gacan ka hadalka oo lagu qabtay Huteelka Xamdi ee magaalada Laascaanood. Ma jiro cid illaa imika loo qabtay falkan. Quote Share this post Link to post Share on other sites