Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland senate upper house of Parliament passes new telecommunication law

Recommended Posts

Golaha Guurtida Somaliland oo Codkii ugu badnaa ku Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland

Hargeysa(Waaheen) Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta ayaa lagu Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland oo in muddo ah horyaalay Golaha Baarlamaanka

 

Fadhiga maanta ee Golahaasi oo ay joogeen 76 Mudanae ayay 75 ka mid ahi Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyeen, hal mudanena wuu ka Aaamusay sidaasaanu ku Ansaxay Xeerkii Isgaadhsiintu.

 

Xeerkan ayaa u gudbaya Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo si uu dhaqangalkii rasmiga ahaa ugu dhufto.

 

Xeerkan oo ah Xeer muhiim u ah Somaliland ayay ku xidhnaayeen Mashaariic badan oo Maalgalin u noqonaya Somaliland oo uu ugu horeeyo Kaybalka badda Hoostiisa mara kaasoo ay hore Xukuumadda Somaliland u siisay Shirkadda Somcable ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muddaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta.

 

Ansixinta Xeerkan ayaa waxaa u codeeyay 75 mudane , hal mudane ayaa diiday, Cid ka Aamustayna ma jirin....

 

Hargaysa (GNS):-Muddaneyaasha Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka ISgaadhsiinta Somaliland.

 

Fadhigan maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, waxaa fadhiga maanta ka soo xaadiray 77-muddane oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay Aqalka guurtida Somaliland.

 

Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Sh.Axmed Sh.Nuux Furre ayaa ka hor intaan la guda galin Ansixinta Xeerkan waxa uu Mudanayaasha ku Wargaliyay in la gudo gali doono dooda Xeerka isgaadhsiinta Qaranak Somaliland isaga oo sheegay in Xildhibaan walba la siin doono Wakhti kooban oo uu doodiisa ku dhiibto, balse markii ay doodu bilaabantahay ayaa mid ka mid ah Xildhibaanada dooda dhiibanayay waxa uu soo jeediyay in Xeerka isgaadhsiinta Qaranka Cod loo qaado soo jeedintaasi oo ay isku raaceen dhamaanba mudanayaashii Madasha fadhiyay.

 

Ansixinta Xeerkan ayaa waxaa u codeeyay 75 mudane , hal mudane ayaa diiday, Cid ka Aamustayna ma jirin , gudoomiyuhuna muu Codayn Sidaasi ayuu ku Ansaxay Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka Somaliland.

Xeerka isgaadhsiinta Qaranka ee ay Maanta Aqlabiyada ku Ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa hore waxaa u soo Ansixiyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada iyaga oo u soo gudbiyay Golaha Guurtida.

 

Xeerka isgaadhsiinta Qaranka Somaliland ayaa loo gudbin doonaa Madaxwaynaha Somaliland si uu Qalinka ugu duugo dhaqan galintiisa maadaama Golayaasha Sharci Dajintu Sifo sharciga Waafaqsan u Ansixiyeen Xeerkan.

 

Waa markii ugu horaysay ee Somaliland yeelato Xeerka isgaadhsiinta qaranka kaasi oo wax badan ka tari doona horumarinta Adeegyada isgaadhsiinta iyo in Dalka Somaliland heshiisyo Caalami ah oo dhinaca isgaadhsiinta ah la gali karto Shirkadaha isgaadhsiinta iyo maal gashadeyaasha shisheeyaha.

 

Si kastaba ha ahaatee xeerkan isgaadhsiinta ee ay maanta dur-durada ku ansixyeen xildhibaanada golaha guurtidu,ayaa la filayay in ay doodiisu socoto muddo laba maalmood ah oo danbe ka dib markii nuqulada xeerkaasi loo qaybiyay sabtidii todobaadkan,balse saaka ayaa si kedis ah ay u ansixyeen xildhibaanada aqalka odayaashu,iyada oo la filayay in xildhibaanada golaha guurtidu ay xeerkan ku sameeyaan kaabis iyo wax ka bedel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Senate passes unanimously the bill of Telecommunication

 

Posted on 13/06/2011 in Latest Headlines |

 

Hargeisa(JSLTimes.com) – Today’ s session for Somaliland House of Senate passed the Bill of Somaliland telecommunication with overwhelming majority that has been passed by Somaliland representatives.

 

Overwhelming majority

The session was attended by 76 senators. 75 senators voted in favor of passing the Bill unanimously. The remaining member abstained of voting for the bill.

Having the bill passed with overwhelming majority by the two houses of Somaliland namely the Senate and the representative.

Officially be put into effect

It is now expected to be signed by Somaliland president Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo.

Once the president puts the pen to paper and signs the Bill, it will officially be put into effect.

Passing the bill is important for Somaliland. The implementation of many investment projects was delayed. One of the investment projects is the completion of setting up the Fire optic cable in which the previous administration under former president Mr. Dahir Rayale awarded to Local Telecommunication company by the name of Somcable owned by Mr. Mohmed Aw Said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this