Saalax Posted June 13, 2011 Sarkaal katirsanaa ciidanka daraawiishta Puntland oo lagu dilay Boosaaso 15 hours ago | Waxaa caawa lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari sarkaal ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Sare Axmed Xaaji Doon(Tiibotiibo). Dilka marxuumka ayaa ka dhacay xaafad ku dhow masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso waxaana dilkiisa la sheegay inay gaysteen dabley ku hubaysan bastoolad kuwaasi oo goobta isaga baxsaday kadib markii falka uu dhacay. Gaashaanle sare Axmed Xaaji Doon Tiibotiibo ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu la socday hal askari oo ilaalo u ahaa,kaasi oo kadib markii falka uu dhacay rasaas furay iyadoona aysan geysan rasaastaasi wax khasaaro ah. Saraakiil katirsan laamanaha amniga ee dowladda Puntland oo xiriir ay la samaysay Horseed Media ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falka caawa ka dhacay magaalada Boosaaso. Marxuumka la dilay ayaa horay u soo noqday taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Nugaal,waxaana uu horay uga mid ahaa saraakiishii ciidamadii dowladii dhexe ee uu hogaamin jiray Marxuum Maxamed Siyaad Bare. Dilkan loo gaystay sarkaalka ayaan sirasmi loo ogayn cida gaysatay, waxaana falkan uu ku soo beegmayaa xilli mudooyinkii la soo dhaafay uu soo hagaagay amaanka magaalada Boosaaso. http://horseedmedia.net/2011/06/12/sarkaal-katirsanaa-ciidanka-daraawiishta-puntland-oo-lagu-dilay-boosaaso/ AUN Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 13, 2011 Col.Axmed Xaaji Doon Oo Fiidnimadii Xalay Lagu dilay Magaalada Boosaaso. Garoowe(Allssc): Habeenimadii Xalay ayaa Magaalada Bosaaso lagu dilay Taliyihii Hore ee Daraawiishta Gobolka Nugaal Col. Axmed Xaaji Doon, dilkan ayaa dhacay Xili Fiid ah Magaalada Bosaaso waxana lagu dilay Agagaarka Masaajidka Al-Rowda. Masuuliyiinta Gobolka Bari Kama aysan Hadlin dilkaasi Sarkaalka Loo Gaystay waxana la sheegay inay dileen Koox Afka soo duubatay oo aan la aqoon Habtooda. Guud ahaan Magaalada Bosaaso ayaa degan, walow mudooyinkan la Ugaadhsanayay Isimada, Ganacsatada iyo Saraakiisha u Shaqaysa Maamulka Faroole ee dabayaaqada ku ah Magaaladan Garoowe. Ilo wareed ka Gaabsaday in Magacooda la shaaciyo ayaa noo sheegay inaanay shaqaalaha Faroole Mudo Lix Bilood ah qaadan Mushaharaad isla markaana Lacagtii loo qaaday Shariif Xasan “Sakiin” oo ay Buurso Lacag ah Daba sidaan Faroole General Ilka Jiir kuwaasi oo Rajo ka qaba Madaxtinimada Somaliya iyo inay Meesha ka Tuuraan Shariif Axmed iyo Farmaajo. http://allssc.com/?p=11438 Quote Share this post Link to post Share on other sites