Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO: Las Anod Elders SL/SNM Clan Militia Must leave SSC Regions NOW

Recommended Posts

Liibaan   

dd2.jpg

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

 

 

 

Gudida Nabadgelyada Iyo Midaynta Shacabka SSC Oo Go'aamo Kasoo Saaray Laascaanood-(Video)-

 

 

Lasanod Online. Sunday, June 12, 2011

 

 

 

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Laascaanood gudida nabadgalyada iyo midaynta Shacabka SSC ayaa waxa kasoo baxay go'aamo..

 

shirkan ay maanta yeesheen 21 oday oo ay soo doorteen Dadwaynaha kudhaqan magaalada Laascaanood.

 

Waxayna shirkoodii maanta kaa soo saareen Go’aamo dhawr ah, Go’aamadaas oo uu saxaafada u akhriyey Xoghaynta Gudigaas Bile Faarax Cali.. hoos ka Daawo.

 

 

Go'aamadu waxay u qornaayeen sidan..

 

Baaq ku wajahan Somaliland:

 

1. Waxan dhamaan beesha caalamka u sheegaynaa inaan Shacabka SSC kamid ahayn maamulka iski isu magacaabay ee Somaliland.

 

2. Waa in Somaliland ciidamadeeda kalabaxda dhulka Shacabka SSC si shuruud la,aan ah.

 

3. Waa in dhamaan Lasiidaya dadkii laqabqabsaday ee aan dambiga lahayn laguna sooceliyaa degaamadoodi

 

4. Waa in mamaulka isku magcaabay Somaliland uu joojiyo gulufka colaaldeed ee ay kawadan deganada Shacabka SSC ee argoosiga ah

 

5. Waxanu maamulka isku magcaabay Somaliland u sheegaynaa inan beeli beel qabsan karin

 

 

 

Baaqa ku wajahan Shacabka SSC:

 

1. In Shacabka SSC ku midoobo magaca SSC si looga baxo kalaqaybsananta Shacabka SSC

 

2. In laga digtoonado iska horkeenka Shacabka SSC,taasoo ayka faa idaysanayana cidkasoo cadaw uh midnimada Shacabka SSC

 

3. In beelaha dariska ah ciddi an wadin danta Shacabka SSC lagayeesho talo midaysan

 

4. In lataageero shirwaynaha Shacabka SSC ee lagu qabanayo dalka gudihiisa meela looga soowada jeesto cidkastoo ka hortimada

 

5. In layska celiyo cidii degaanada Shacabka SSC dhibka wada

 

6. Waa in wada shaqayn ay yeeshaan gudiyada kajira dibada iyo kuwa dalka

 

 

 

Waxana Baaqan ku sexexnaa

 

Magacyada Guddida

 

1. C/ laahi Aadan Ducaale” Gudomiye

 

2 Maxamuud Xaaji Ismaacaliil “G/ kuxigeen

 

3 Bile Faarax cali Xoghayn

 

4 Axmed Maxamuud sanbalolshe “Afhayeen

 

5. Hure caalin X Qaalib “Xubin

 

6. Ducaale Jaamac Dalmar “Xubin

 

7. Maxamud Aad Xsuseen “Xubin

 

8. Maxamed Cartan Cumar “Xubin

 

9. C/ laahi cali carab “Xubin

 

10. C/raxmaan Muuse jaamac “Xubin

 

11. Maxamed C/ Oog “Xubin

 

12. Maxamud C/xamiid X. maxed “Xubin

 

13. Cabdi Cige Ducaale “Xubin

 

14. Maxamud Axmed Abyan “Xubin

 

15 Maxamud C/ Maxamud Xaabsade {Dhakalaf} “Xubin [Xaabsade' Brother]

 

16. Cabdi Xirsi faarax {Xamaame} “Xubin

 

17. Yuusuf Maxamuud Cali “Xubin

 

18. Yuusuf Jaamac Calas{Dhagawayne} “Xubin

 

19. Caaqil C/laahi Xasan Yarre “Xubin

 

20. Maxamuud Warsame Cabdi “Xubin

 

21.Cali Axmed Faarax “Xubin

 

 

 

Wabilaahi towfiiwq

 

 

S_S_C_flag.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Like the people of Somali Capital Mogadishu, SSC People support PM Farmaajo, thousands of SSC People in Buhoodle and other major SSC towns organized large Pro-Farmaajo Demonstrations.

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

""Allah yacisak gudidda beesha ssc waa ilaahay mahadii in maanta aad mowqifkiina cadaysataan, waadna naga farxiseen ,intayadda qurbaha joogta anaguna hiil iyo hooba waan idinla garab taaganahay iftiinkaa yar ee aad noo ifiseen. midnimadiina ilaashadda ***** isaga iska tegayee .haday tegiwaayaana waa layaqaan sida loo saarayo .waxaa kaloo farxad mudan sida geesinimadda leh ee aad u hadasheen ee xilkasnimadda iyo isku kalsoonidu ka muuqato…waanu idinla jiraa waari mayside warha kaa haro

waala doogiye yaan ladacaroon snm sheekadeedu waa fashil dibaddana meel kasta waa ka soo xirnay waxa keliya ee ay hadda chance haystaan waa joogitaanka deegaanka ssc guul ssc somalia hanoolaato

 

guul ssc guul ssc"

 

 

"guul ssc dhaman wa isracaday adeer guulaysta

hada now aya talabo laga qadaya afar iyo labatan sac hadii ayn kaga bixin iyaga cirka roobku og."

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Seeing the blue flag in Buhodle is what I call freedom. For those who want to raise the flag they want in LA can't and that is what I called supress and occupation. If successionists are serious about peace, leave the people alone and take your militia to your tuuloos.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

A_Khadar;728427 wrote:
Seeing the blue flag in Buhodle is what I call freedom. For those who want to raise the flag they want in LA can't and that is what I called supress and occupation. If successionists are serious about peace, leave the people alone and take your militia to your tuuloos.

Well Said Bro Khadar, SSC People in Buuhoodle [the current capital of SSC Administration] have freedom, they can raise their blue flag of Somalia. Insha Allah People of Las Anod will gain back their freedom soon. Now Las Anod and all SSC people are ready liberate all their land from snm invaders.

 

You are correct Warlord Siilaanyo and his snm clan secessionists are NOT serious about peace. First, Warlord Siilaanyo should remove his clan militia Proudly. Second, Warlord Siilaanyo should respect the decision and desire of SSC people who want to be an integral part of Somalia. Las Anod people want freedom and to raise their blue flag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

"GUUL GUUL GUUL GUUL SSC , SOMALIWAYN !!!!!!!!!!!

AFKIINNA caano lagu qabay adeer raday waad nagawada farxiseen ilaahya ha ini daayo

midnimo baa la inii kabaahanyahy

dad kina dhibaatada laqaybsada cadawgu isagaa candhuuftiisa dib uliqayee

wax saas u wayn maaha iska saaridda snm ee wa u8un midnio

hadal fiican baa soo jeediseen

ilaahw idiin hirgali

sharaftii daraawiisheed baad soocelinasaan insha alalh"

 

"Laascaanood way tidhi. Guddiga salaan,ammaan,bogaadin baan u dirayaa. Go’aan baa dhacay,taageero ficil ah baa ruux kasta oo damiir leh ku waajibtey."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SSC-Somalia-150x115.jpg

 

sawirqq.jpg

 

Jaaliyadaha Qurbajoogta SSC Oo Taageeray Go'aankii Gudida Midaynta iyo Nabadgelyada SSC Somalia

ee Laga Soosaaray Magaalada Laas Canood

 

Lasanod Online. Monday, June 13, 2011

 

 

 

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Jaaliyadaha qurbajoogta SSC ee ku nool wadamada Caalamka ayaa taageero buuxda iyo hambalyo u diray Gudida Midaynta iyo Nabadgelyada SSC Somalia ee dhowaan laga aasaasay Magaalada Laascaanood.

 

Gudidan oo shalay soo saartay baaq iyo go'aamo ku socda maamulka Somaliland iyo beelweynta Dhulbahnte, Waxaa telefoono iyo dhanbaalo taageero ah nasoo gaadhsiiyey dad aad u tiro badan oo ka tirsan jaaliyadaha SSC ee ku nool qurbaha.

 

Jaaliyadaha nalsoo xidhiidhay ee hamblayada iyo taageerda dirayana waxaa kamid ah, Jaaliyaadda UK, Canada, USA, Denmark, Norway, Sweden,Kenya, Newzealand, iyo Australia.

 

Dadkaasi waxay dhamaan ku taageereen go'aamada kasoo baxay Gudida iyo sida geesinimda leh ay u muujiyiin rabitaanka shacabka SSC ee ku dhaqan gobolka Sool.

 

Jaaliyadahu waxay sheegayaan inay dhamaantood la barbar taaganyihiin hiil iyo hooba, mowqifkaa hadda qateena uu ahaa mid loo baahnaa oo waqti badan la sugayey.

 

Waxaa odayaasha looga hambalyeyey sida ay u caddeeyeen mowqifkooda ku aadan maamulka Somaliland oo ay sheegeen in shacabka SSC uusan kamid ahayn maamulkaas iskii isu magacaabay, beelna beel kale aysan xoog ku qasbi karin.

 

Odayasha laascaanood waxay Shacabka SSC ugu baaqeen in dhaqso loo qabto shirweynihii gudaha ee la iclaamiyey oo ay si buuxda u taageereen.

 

Waa markii ugu horeeysay ee odayaasha iyo waxgaradka ku nol gudaha Laascaanood soo saaraan baaq qoraal iyo muqaal ah o ay ku cadeynayaan rabitaankooda, taasoo ah talaabo horumar ah ay gaadheen shacabka SSC ee gobolka Sool.

 

 

Copyright © 2011 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Gudoomiyaha Jaaliyada Denmark Ee Gobalka Aarhus Abdiqaadir Isse Oog Ayaa Waxaa Ay Taageero U Direen Odayaashii Dhawaan Ka Soo Saaray Baaqa Magaalada Laascaanod.

 

Waxaa uu gudoomiyaha jaaliyada Aarhus ee denmark mudane cabdiqaadir ciise oog oo ku hadlayaa afka magaca jaaliyada denmark ayaa si wacan u soo dhaweeyay geesinimadii ay sameeyeen odayaasha dhawaan ka soo saaray magaalada laascaanod .

 

Gudoomiye cabdiqaadir ciise ayaa waxaa uu sheegay in odayaasha ay guteen waajibaadkii odaynimo iyagoo muu jiyay sida ay u gaxunyihiin tacadiga iyo arxan darada ay samaynayaan maamulka siilaanyo ee loo yaqaan SNMta.

 

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu ku guubaabiyay odayaasha kale ee ku dhaqan gobalada SSC in ay fadhiga ka kacaan isla markaas ay dhexda u xirtaan sidii ay af iyo adinba ay uga saarilahaayeen jamhadaas SNMta ee ku sugan

 

Isagoo hadalkiisa ku soo qatimay in ka jaaliyad ahaan ay soo dhaweeyeen hadalkii odayaasha ayna garam taaganyihiin

 

Abdi Mohamed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Qurba joogta SSC oo taageeray baaqa ay soo direen waxgaradka Gobolka sool kaasoo ay diidanaayeen haysashada gobolka sool u haysto maamulka somaliland.

 

Qoraalo badan oo ay na soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah qurba joogta gobolka sool ayaa ku muujiyey sida ay u soo dhaweeyeen baaqa ka soo baxay waxgaradka gobolka sool,baaqan ayaa laga soo diray gobolka sool isagoo ay u direen maamulka hadda taliya gobolka sool ee isku magaacaba somaliland.

 

baaqan ayaa waxaa ku saxeexnaa odayaal waxgarad ah , culimaa u diin,cuqaal,iyo isimo ku sugan gobolka sool kuwaasoo ku caddeeyey mawqifkooda ah inaanay raali ka ahayn inay ka taliyaan gobolka sool iyagoo baaqadan ugu sheegay inay si deg deg ah ugala baxaan gobolka sool ciidamadooda kana daayaan dadka cabudhinta ay ku hayaan.

 

waxaa kaloo qoraalkaas mid la mid ah ka soo baxay odayaasha waxgaradka fadhigoodu yahay magaalada tukaraq kuwaasoo dhamaan ku muujinayey inay gebi ahaanba ka baxaan maamulka soomalilandtu magaalaada laascaanood iyo nawaaxigeeda.

 

hadaba waxaa shabakada allboocame soo gaadhay qoraalo naga soo gaadhay waxgaradka iyo aqoonyahanka qurba joogta gobolada ssc qaar ka mid a h ,kuwaasoo ku taageeraya baaqa ay soo direen waxaradka gobolka sool ee ay sidoo kale ku diidan yihiin maamulka somaliland.

 

qoraaladan ayaa waxaa soo kala diray dhalinayaro,haween,aqoonyahanka iyo culi maa udiinka ka soo jeeda gobolada ssc ee ku dhaqan waddan ka maraykanka kuwaasoo ku muujinaya sida ay u garab taagan yihiin cuqaashooda iyo waxgaradkooda ku sugan gobolka sool.

 

dadkan oo ay ka mid yihiin caaqil cabdirahmaan caynab faarax midhaaf.oo ku nool califoorniya kuna hadlaya magaca jaaliyada califoorniya iyo magaca cuqaasha .

 

osmaan haaji yuusuf gudoomiyihii hore ee bankiga .washington D.C.oo ku hadlayey magaca jaaliyada washington .

 

Gudoomiyaha jaaliyada SSC ee columbus ohio mudane cabdilaahi nuur fara cadde oo ku hadlayey magaca jaaliyada beesha ee columbus ohio

 

sidoo kale waxaa qoraalo naga soo gaadheen ururka dhalinyarada ee sudo oo kusugan columbus ohio iyo hooyooyinka carriga waqooyi america kuwaasoo ku taageerayey baaqii ay dhawaan soo direen wax garadka gobolka sool .

 

waxaa kaloo iyaduna qoraallo naga soo gaadheen ay ku taageerayso baaqan odayada reer laascaanood hobolada caanka ah ee saado cali warsame iyo qaarka mid ah ururka reer waqoohyiga ah ee Nsum oo kusugan maraykanka iyagoo uga mahad celiyey odayaasha iyo waxgaradka sool kuna dhiiri galiyey inay inaanay marnaba ogolaan kala qaybinta ay wadaan maamulka soomaalilnad iyo haysashada iyo cambudhinta iyagoo dhaleeceeyey maamulku qaabka ay ula dhaqmayaan shacabka gobolka sool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Inshallah SSC xaqeeda ma seegaso .Alle wu garab joga qofka xaqiisa uun raba.

 

n thanks for the articles. They are to the point.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ Because they are in your militia hands.. What do you expect them to commit? a suicide to themselves. If they were free, they would praise the boys embarrassed your militia in Kalshale..;););)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this