Mayaani Posted June 12, 2011 Abwaan, dadka qaarkii waxay rumasan yihiin dawlada Farmajo wax yar qabatay anigana sidaas bay ila muqatay. Laakin dadka badankii ma aha inay aminsan yihiin Farmaajo in uu hayo furihii nabada ee Somalia balse waxay ka caraysan yihiin xumaantii ka dhacday Kampala. Mana aha inay qabiil ku tageerayaan. Adigu TFG haday kuu wada xun yihiin waa wax la gartay laakin inaad tiraahdo Somali banaan baxday ma arag waxaan u arkaa jikaar iyo muran jecli. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2011 Anigu waxan odhan laha yaan aad lo aamanin Faarmaajo Siyaasinta Somalidu amin ma leh Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted June 12, 2011 Mid kasta oo ku fail garoobay nolosha qurbaha inuu Soomaali hogaamiyo buu rabaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 13, 2011 Mayaani;728254 wrote: Abwaan, dadka qaarkii waxay rumasan yihiin dawlada Farmajo wax yar qabatay anigana sidaas bay ila muqatay. Laakin dadka badankii ma aha inay aminsan yihiin Farmaajo in uu hayo furihii nabada ee Somalia balse waxay ka caraysan yihiin xumaantii ka dhacday Kampala. Mana aha inay qabiil ku tageerayaan. Adigu TFG haday kuu wada xun yihiin waa wax la gartay laakin inaad tiraahdo Somali banaan baxday ma arag waxaan u arkaa jikaar iyo muran jecli. Mayaani, waa arrin aan xumayn haddii dadka qaarkii ay aaminsan yihiin in Farmaajo wax qabtay, aniga laftayduna Farmaajo far keligiis kuma taagayo balse waxaan leeyahay intaan wax kabadan oo Soomaali in loo qabto ay mudnayd baa meesha ka maqan. Su'aalaha aan qabo waxaa ka mid ah markii uu Farmaajo maalintii la yiri jagadaada ayaa qilqiil ku jirta intuu idaacadda soo istaago uu leeyahay Shariif ayaa dowladda in wasiirro loogu daro raba, muxuu u sheegi waayey hadalkaas wakhtigii ku habboonaa oo ahayd markii Farmaajo dowladda soo dhisay. Wax qarsoon ma ahayn in Xariif Xasan uu rabey in sidii middii Cumar Cabdirashiid uu liis wasiirro ah soo qorto balse Farmaajo's cabinet uu taas ka waayey. Midda kale maxaa shacabka loogu beerlaxawsanayaa tuutaha iyo hadallada idaacadaha iyadoo sida runtu ay tahay isbeddel muuqda aysan dowladdaani la imaan xaaladduna halkii ay markii hore taagnayd meel u dhow ay joogto. Runtii maantadan la joogo haddii la i weydiiyo kee baa habboon inuu maammul Soomaali u qabto saddexda nin ee aan ka hadlayno markii isbeddel yimaado waxaan ku talin lahaa in Farmaajo laga qayb geliyo. Midda kale anigu marna qabiil baa muddaaharaadaya ma dhihin balse dadka soo abaabulay ayaa qaar la gatay waxaana ka dambeeya tarzan iyo kooxdiisa ayaan ku iri, xaafiiska Farmaajona kama marna wuxuna waa siyaasad ayaan iri. Ninka aaminsan ciddeenna ayaa kursiga Farmaajo qaban jirtey waxaas isaga haku qufulnaadeen baan qabaa taasna ma ahan mid caqli gal ah oo cid jago gaar ah lehna ma jirto waxaasna waa waxa in laga gudbo la rabo. Xitaa Mooge kuma raacsani meesha uu leeyahay Farmaajo ayaa beelo gaar ah ka soo horjeeda, balse dooddaas hadda ma joogto oo waxaaba ka sii daran tan hadda loo joogo oo ah muranka Farmaajo, Shariif Axmed iyo Shariif Xasan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted June 13, 2011 Awood qaybsigii soomaalida loogu taliyay kursigaan farmaajo iyo puntland iskama lahayn markii horaba labadu waxay hoos tagaan koonfurta madax weynahooduna waa sheekh shariif walaalaheen waqooyi galbeed ayay ahyad in loo magacaabo qof karti u leh si koonfurtu jeclaysiga faraha badan uga gudubto dawladu waa naaso badan tahay hadii istiqraar iyo nabad la helo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted June 13, 2011 abwan nimankan yaanay ku dalin. they know everything. mayani adiguu ku daalin. these are the same people who believe Cumer Abdersahid beysaani is a clanist. loool. i have seen with my own eyes on this website kuwo ku doodaya sheekoyinkii Dalabeey oo dhagaysteen. farmeejo wrote a book of qabiil garbage even his current boss had to apologize for his aflagaado before he was approved by mps. he has a history of clan bigotry. taas miyaa la isku diidayaa? iyadoo saas tahay ayaa arkeysaa kuwo Cumer Abdershid caayaya. farmaajo book is at the library. his bias against north east and caydiid clan is in the book. after he became rasilwasare he told Juriile that no matter what happens, he will never visit garowe even if his mother is on death bed. dadkii oo dhan way yaabeen. waa nin reerkaas ilaahay tusay. aniga all i am saying is this man has a clanist track record. he has done nothing to prove to me and puntlanders anything otherwise. ha isku wareerin fake revolutionaries. let them wake up sleeping children in mudisha xaafado with makarafoon. subah wanagsan boowe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted June 13, 2011 gooni;728311 wrote: Awood qaybsigii soomaalida loogu taliyay kursigaan farmaajo iyo puntland iskama lahayn markii horaba labadu waxay hoos tagaan koonfurta madax weynahooduna waa sheekh shariif walaalaheen waqooyi galbeed ayay ahyad in loo magacaabo qof karti u leh si koonfurtu jeclaysiga faraha badan uga gudubto dawladu waa naaso badan tahay hadii istiqraar iyo nabad la helo Have you been following transitional arrangements at all? If not, this is how it works: out of the four in 4.5, Two clans compete for the presidency, which ever wins appoints the other as prime minister. case in point, president yusuf and pms Ghedi, nuur cade... President Shariif and pms ina sharmarke, farmaajo... The other two compete for speaker and foreign minister. There have been cases were SSC has been mistaken for the north west such as Jengali lol, but seriously its 2011, we should all know this by now Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 13, 2011 Naxar Jengalis father and his family are from togdheer so i don't see why he can't be a northerner. Quote Share this post Link to post Share on other sites
double decker Posted June 13, 2011 According to some people here, you are not Puntlander if you not from Galkayo, Garowe or Qardho so, Jangale, Juurile or Abdikarim for that matter are not REAL Puntlanders to them. Cajiib ala qabiilku xuma. DUGSI MALE QABYALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE. I dont believe Farmajo is superman but I believe he deserve to have a chance if Sakin and Hotel get year extension. I am sure anyone who cares about somalia will agree with me this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qorax Posted June 13, 2011 ^except Abwan and Mooge who beleive all the protesters were either from Gedo or they were paid somehow! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 13, 2011 Qorax if you think in Soomaalinnimadu tahay qof baan ka daba ordayaa because of indho-la'aan amase dan gaar ah baan leeyahay taas adiga ha kugu ekaato. Double xaalku ma wuxuu marayaa un haddiiba hebel iyo hebel joogaan maa hebelna laga rabaa....Kula yaabi maayo oo that is exactly why Soomaaliya u hagaagi weysey. Every single inkaar-qabe iyo warlord qof, koox iyo qabiil baa sidaas u arka. Kama wado inaan Farmaajo Warlord ku tilmaamayo amase aan adiga ku leeyahay ku qabiil baad tahay, laakiinse fahan ujeeddadeydu waxay tahay haddii aan dhahno hebel la daayo, hebelba waa joogaa xal ma gaareyno. I think Shariif Axmed, Sharif Xasan and Farmaajo should all go! Balse Ilaah waxaan ka baryayaa inuu wax ka wanaagsan noogu beddelo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
double decker Posted June 13, 2011 Abwaan Masha allah waad soo dhowdahay. hadan wada fariisano waan is fahmilahayn. Akhi I rather see them all gone and as I mention before Farmajo is not superman but he has a great team and dont you disagree that with me. Ilahayow wadanka noo hagaaji aamiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 14, 2011 Shacabka Buuhoodle iyo SSC oo Muujiyey Taageerada Weyn ee Hayaan PM Farmaajo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qorax Posted June 14, 2011 Abwaan Soomaalinamadu waxay tahay in uu qarankii soo laabto, dowlad dhexe la helo. Tobankii sano ugu danbaysay TFG badan ayaa wadanka soo maray isjiid jiid iyo musuq maasuq ayay waqtigoodii ku dhamaysteen. Waxaa yimid nin Farmaajo la yiraahdo , wuxuu soo dhisay wasiiro aqoon fiican leh, wuxuu mushaar u bilaabay ciidankii milatriga, wuxuu isku dayaya dhaq dhaq ah inuu wax qabanayo asaga iyo xukuumadiisa(waxaan u malaynayaa inaan intaas isku waafaqayno) Sidii caada ahayd ragii ugu sareeyay ee TFG way is qab qabsadeen, waxaa la yiri heshiis ha lagaaro si looga baxo is jiid jiidka(wax xun ma aha). Waxaa heshiis lagu gaaray in la rido Xukuumada Farmaajo oo maxaa loo ridaya ? ma lacaga aya dhunsadeen ? Ma wax qabada la aan baa ? Jawaabta su aalahaasoo idil ayaa waxay noqotay MAYA. Laakiin ayaka ayaa fudud inay baxaan si loo badbaadsho TFG baa layiri Marka ma waxaan laga xanaaqin baa taas? marka mudaharaadkii meelo badan ka dhacay wuxuu ku salaysnaa taas horta waana Soomalinimo, hal nina way ka wayntahay magaratay? Qofkii markaas qabiil ahaan ku taageeraa waa yeelkadii, qofkii qabiil ahaan ku diidaana waa yeelkadii. Marka sxb anigu intaas ayaan qabaa oo marna kumalihi majiraan dad Farmaajo qabiil ahaan ku taageerayo waan is naqaanaa laakiin wixii dhacay maalmihii la soo dhaafay qabiil way ka wayneed! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted June 14, 2011 People continue to make up stories about who is related and whom shall depart. Abdikarim is not the impressive strategist y'all make out to be nor does he care for SSC, the man continues to remain significant because he has aligned himself with the power-brokers of Mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites