Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Axmed Siilaanyo goes for a little walk without bodyguards in the capital city+PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa ka yaabiyay Dadweynaha Hargeysa Socodna ku soo maray magaalada

June 9th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ka yaabiyay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ka dib markii uu isagoo kaligii ah booqday qaar ka mid ah meheradaha laga cunteeyo iyo kuwa laga dukaansado ee qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo saarnaa baabuur yar oo Grande ah isla markaana aan wadan wax ilaalo ah ayaa booqday dukaanka weyn ee ku yaala galbeedka Magaalada halkaasi oo uu galay gudaha isla markaana uu salaamay dadkii meherada ku sugnaa ka dibna uu baayacay qaar ka mid ah badeecadihii dukaanka yaalay, taasina ay sababtay in dadkii dukaankaasi ku sugnaa ay si weyn ugu naxeen uguna farxeen Madaxweynaha oo kaligii inta uu gaadhi ka soo degay xili habeen ah dadka iska dhex socda.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo maray Dukaanka weyn ee Hargeisa Business Center ee ku yaala xaafada Xero-awr ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa waxaana markii uu meheradaasi galay ee uu salaamay dadkii wax ka iibsanayay iyo kuwii meherada hayayba ay dadkii ku firkanaxeen madaxweynaha waxaanay kala hororsadeen salaantiisa iyagoo u gacan qaadeen mid mid.

 

Dadweynihii halkaasi joogay waxay Madaxweynaha ku ammaaneen inuu kaligii si kalsooni leh u dhex socdo bulshadiisa si uu u indhihiisa ugu arko xaalada Nabadgelyo ee caasimada Hargeysa isla markaana u darso xaalada nololeed ee bulshada.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu galay Muqaaxi dadka danyarta ahi ku cunteeyaan oo ku taalla xaafada xero-awr ee magaalada Hargeysa waxaanu halkaasi si weyn ugu qaabilay dadkii halkaasi ku sugnaa oo ay fajiciso ku noqotay Madaxweynaha oo kaligii kadinka uga soo galay. Waxaanay ku bogaadiyeen tallaabadan uu qaaday oo ay ku doodeen inay ka taageerayso sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa xaalada nololeed ee qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Intaasi ka dib waxa uu ku soo laabtay xarunta madaxtooyada waxaanu gaadhigii yaraa kaligii kaga dagay meherad shaah oo ka soo horjeeda Madaxtooyada waxaanu mid mid ugu gacan qaaday dhalinyaro meherada fadhiday oo Madaxweynaha uga mahad celiyay booqashada uu ku soo maray meheradaasi iyo qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa. Waxaanu socod ku galay madaxtooyada isagoo dadweynaha hor marayayna salaamayay.

 

Waa Madaxweynihii u horreeyay ee xili habeenimo ah isagoo aan wadan wax ilaalo ah gaadhi yar ku dhex mara caasimada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Caawa Socod Uu Ku Kali Yahay Ku Soo Maray Qaar Ka Mid Ah Meherada Magaaladda Hargeysa Qaarkood, Shacabkana Ka Wareystay Noloshooda Iyo Dareenka Ay Dadku Ka Bixiyeen

 

Hargeysa (Ramaas) June 9,2011 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa fiidkii isaga oo kalidii ah booqasho ku tagay meherado ka mid ah xaafada Xero ee Magaaladda Hargeysa.

 

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la sheegay inuu kalidii watay gaadhi yar oo nooca loo yaqaano Indho-Cadaha ayaa uu mid mid u galay meheradaha laga tukaansado iyo huteelada dadku habeenkii wax ka cunaan ee xaafadda Xero-Awr.

 

Wariye ka mid ah wariyayaasha ka hawl-galla wargeysyadda madaxa-bananaan ee ka soo baxa Hargeysa oo la kulmay Madaxwaynaha oo dhex fadhiya huteel uu doonayay inuu ka casheeyo ayaa Ramaas u sheegay inuu arkay Madaxwaynaha oo kalidii tamashlaynaya.

 

Madaxwaynaha Somaliland oo aan caawa wadan ilaalo amaankiisa sugta ayaa dadkii arkay waxa ay ka muujiyeen dareen isugu jira farxad iyo naxdin, iyagga oo la yaabay Madaxwaynihii dalka oo kalidii socda, dhanka kalena waxay warwar ka muujiyeen amaankiisa oo ay tilmaameen inay khatar ku noqon karto Madaxwaynaha.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo muddo dhowr saacadood ah si kalsooni leh u dhex socday dadka ayaa la sheegay inuu qasriga Madaxtooyadda dib ugu noqday isaga oo kaligii ah.

 

Wariyahan Madaxwaynaha la kulmay ayaa sheegay inuu Madaxwaynuhu meheradaha sida huteelada iyo tukaanada waydiinayay qiimaha alaabooyinka ay hayaan, isla-markaana wareysanayay sida xaalada noloshoodu tahay, isaga oo dadka ula sheekaysanayey si caadi ah.

 

Socodkan uu madaxwaynaha Somaliland ku soo maray meelo badan oo ka mid ah suuqyadda Xaafadda Xero-Awr ayaa loo qaadan karaa inay tahay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo doonayay inuu indhihiisa ku soo arko xaalada ay ku sugan yihiin dadka uu Madaxwaynaha u yahay ee doortay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo oo caawa Fiidkii markii ugu horeysay u soo baxay Suuqa Hargeysa

 

(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Caawa markii ugu horeysay tan iyo intii uu xilka qabtay lagu arkay isagoo wareegaya Xarunta Madaxtooyadda Horteeda iyo Suuqa Xero Awr ee Bisiniska.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa socodkan ku wehelinaysay Marwadiisa Aamina Waris, Chief of Cabinetka Madaxtooyadda iyo Xoghayihiisa gaarka ah, waxaana dusha kala socotay koox yar oo ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah.

 

ma cada ujeedada uu u soo baxay Madaxweynuhu hase yeeshee goobaha uu maray ayaa waxa uu kula kulmayay dadweynaha jooga gaar ahaana waxa uu kula kulmay Maqaaxida ka soo horjeeda Madaxtooyadda Ardayda Jaamacadda oo halkaas u soo Shaah doontay halka Suuqa Xero Awrna uu ku salaamay dadweynihii ka adeeganayay Xarunta Bisiniska oo ah Suuq-yare la adeegto oo haya noocyada kala duwan ee Kosmaatigyada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;727546 wrote:
yeah Duke something like that but obviously if the president just comes and visits your neighborhood Pictures are there to be taken.

 

 

:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this