Xaaji Xunjuf Posted June 9, 2011 Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho Madaxwaynaha DFKM Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo masuuliyiin katirsan dowladda KMG ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo duuleen magaalada Kambala ee caasimadda Uganda. Madaxwayne Sheekh Shariif iyo Ra’isal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo galabta ka degay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn u soo dhoweeyay masuuliyiin katirsan dowladda iyo shacab farabadan. Dadwaynihii isugu soo baxay garoonka Muqdisho ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageersanyihiin rsa’isal wasaare Farmaajo,waxaana dhinaca kale ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku dhaliilayaan heshiiska ay magaalada Kambala ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka kaasi oo ku baaqaya inuu ra’isal wasaare Farmaajo uu isku casilo mudo 30-maalmood ah. Madaxwaynaha iyo Ra’isal wasaaraha ayaa loo galniyay xarunta madaxtooyada iyadoo ay siweyn u sugayeen amaankooda ciidamada Midowga Afrika ee Amisom. Kala soco Horseed Media wixii kasoo kordha Arimahan Quote Share this post Link to post Share on other sites