Sign in to follow this  
Saalax

Waa Kuma Shariif Sakiin?

Recommended Posts

Saalax   

di-3OS6.jpg

 

Waa hubaal ah in Shariif Sakiin uu doorweyn oo mugdi ah ka soo cayaaray Fashilkii Maxkamadaha, Burburkii TFG-1, iyo Khalkhalka siyaasadeed ee uu maanta horseedka ka yahay ee haysta TFG-2.

Hadaba waxaa dad badan oo saaxada siyaasadeed ku jira ama indha indheeya hab dhaqanka Hogaan iyo siyaasi ku sheega Soomaliyeed ay aad ula yaaban yihiin, xirfadaha qotada dheer, istiraatiijiyada kala qaybinta, isku dirka, iyo xulafo dhisida ku salaysan ee uu caanka ku noqday Shariif Sakiin meesha uu ka keenay, maadaama uusan ahayn shaqsi xirfad siyaasadeed oo buuran aan lahayn. Hadaba waa kuma Shariif Sakiin? Sida aan kor ku soo xusnayba Shariif Sakiin tacliin iyo khibrad siyaasadeed midna nin leh maaha, nin mansab dowladeed iyo maamul soo qabtayna maaha, laakiin waa shaqsi leh xirfad aad u qoto dheer oo ku salaysan taas oo uu ka dhaxlay doorkiisii Ganacsi iyo Koontarabaaniiste.

Shariifku xiligii dowladii Ina-Siyaad wuxuu ahaa ganacsade ka baayacmushtara koontarabaanka laga keeno Kenya. Sarkaan turabataariyada (customs) Baladxaawo ka shaqayn jiray oo aqoon badan u leh Shariifka marar badana ku qabtay badeecad koontara baan ayaa iiga sheekeeyay xirfadaha uu berigaas adeegsan jiray Shariifku sida, marka la qabto oo lagu daro askar isaga iyo badeecadiisa Xamar u dhaadhicisa inuu , intuu jidka ku jiro askartaas kii kala furfuri jiray, siin jirayna (Offer) balanqaad aysan diidi Karin , kaas oo ah inuu askarta ku yiraahdo “Badeecada gaari saaran yaa leh, Jawaabtu waa adigaa leh, kadaba ka warama hadii inta aad xamar igayn lahaydeen oo indinkoo xataa waxaad gaari Baladxaawo ugu soo noqotaan oo jiscin ah haysan dhici lahayd, hadii aan badeecadayda kala barano oo nus idinka idin siiyo , nuska kalena aad ii daysaan” .

Dagaaladii Sokeeye kadib , wuxuu Shariif Sakiin ahaa ganacsade Contracts ka helo ciidamadii UN iyo US ee Restore Hope iyo UNISOM, halkaas oo uu xiriir hoose oo badan la yeeshay dagaal oogayaashii Muqdisho.

Kadib wuxuu isku bedelay Qaadwale Kenya ka keena Qaadka, halkaas oo uu xiriirka iyo maalgelinta malaysiyaadkii jiray lug ku lahaa, sidoo kale maadaama uu dhaqaale haystay baahi badana ay jirtay ayaa taasi u saamaxday inuu Malaaqyada Digil iyo Mirif iyo iyo Siyaasiyiintaba gacanta ku dhigo oo uu noqdo nin laga haybaysto.

Isku soo duuboo Shariif Sakiin waa shaqsi saadaalin kara mowjadu meesha ay u socoto , inta aan hirku la tagina ku boodi kari bari iyo bacad uu ku samatabaxo. Waxaan oran kartaa xirfadaha iyo khirbadaha uu shaqoonyinka kor ku xusan ayaa u saamaxday inuu barto balse ka badsho Siyaasi ku sheegyada Soomaaliyeed, sida shaxda Siyaasadeed loo cayaaro, taas oo uu rag badan oo ruug cadaa siyaasadeed ahaa, dagaal oogayaal, culimo iyo Mutacalimiinta Qurbo joogta ah ee isku haysta inay wax walba daadiyiin uu had iyo goor 2 -0 diro.

Hadaad dib u eegto doorka siyaasadeed ee oo 6 sanadood ee la soo dhaafay cayaaray taas oo had iyo goor isagu noqdo kan kaliya ee ka soo samatar baxa waxaa ka mid ahaa kuwan:

Dec – 2004 - Inuu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee TFG-1 , isagoo ruug cadaa kursigaas wada rabay ee ka soo jeeda Beesha Bay/Bakool Banaanka dhigay

May – 2005 – Kadib markii Dowladii TFG-1 laga codsaday inay guddaha dalka Gasho inuu ka buskiciyay Muqdisho isagoo hogaaminaya Dagaal oogayaashii Muqdisho.

Jan – 2006 - Kadib markuu arkay saaxiibadiisii Muqdisho oo Dagaala ooge iyo Wadaado (waranle iyo Wadaad) u kala baxay oo dagaal meeshii ka soo food leeyahay , ayuu Cadan kula heshiiyay Madaxweynihii TFG-1 ee Xiligaas Cabdullahi Yusuf

Feb – 2006 - Ayuu Gaalkacayo Socdaal ku tagay, si uu xulafaysi cusub iyo dhaawihii uu horay u gaystay u dhayo.

August – 2006 – kadib markuu arkay Maxkamadihii oo dhul badan qabsaday ayuu safar qarsoodi ah ugu duulay Dhuuso Mareeb si uu xiriir ula samaysto Maxkamadaha iyo Xassan Daahir Aways iyo Indho Cadde

October -2006 – Ayuu Dubai kula kulmay Shariif Axmed oo markaasi Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxkamadihii Xamar

November – 2006 – Ayuu isagoo hogaaminaya 27 Xubnood oo Baarlamaanka ah goostay kana soo dagay Muqdisho oo ay markaasi haysteen Makamadaha Muqdisho

Intaa waxaa ka danbeeyay inuu Casmara tagay ku biiray Mucaaradkii TFG-1 ee xarunta ka dhigtay Casmara. Mudo kadib wuxuu iska casilay xilkii uu u hayay mucaaradkaas isagoo dareemay waanwaanta siyaasadeed ee la wado iyo shirka ka dhici doona Jabuuti , kaas oo uu laf dhabar u ahaa inuu Shariif Axmed ku soo qanciyo inuu ka soo goosto Casmara. Kadib wuxuu ka soo degay Jabuuti isagoo wato Shariif Axmed, taas oo aad uga caraysiisay kooxdii Casmara Gaar ahaan Sh. Xassan Daahir Aweys oo cayaarayay siyaasad ah (Ushaada ninkaad ka qaadan kartid ayaa loo dhiibtaa) , sidaa awgeed ,siyaasidii Sh. Xassan Daahir iyo xulafadii Casmara ayuu dhabarka ka jabiyay.

Kadib markii uu noqod wasiirka maaliyada uuna ahaa ninka sida tooska ah u maamulanayay dowladii Shariif Axmed uu Madaxweynaha ka noqday, taas oo uu adeegsanayay xulafo badan oo uu isagu abuurtay sida Dr. Ibbi iyo rag la mid ah, ayuu Shariif Sakiin arkay dabayl iyo duufaan caratay oo kusoo food leh sida:

Inuu ogaaday in UN report kii hore iyo kan soo socdaba in farta lagu fiiqay laguna fiiqi doonaa raga xatooyada iyo boobka ku haya dhaqaalaha dowlada

Isagoo ogaaday in Lacago badan laga xajiray sida lacagta 14 Milyan ah ee lagu xayiray Malaysia sida ku cad warqadaha sirta ah ee ay soo qortay Jariidada Sharq Al-Awsad

In uu dareemay in jiro codsi beesha caalamka oo ah in raga farta lagu fiiqay ee xatooyada iyo khiyaamada ku caan baxay iyo raga aan tayada maamul iyo maaraynba lahayn laga eryo xilalka wasiirnimo, booskoodana la geeyo dad u qalma aqoona u leh xilalkaasi, si markaasi loo helo taageerada maadi iyo macnawi ee beesha caalamka.

Sidaa awgeed Shariif Sakiin oo ah nin aad u caqli badan, kuna wax qaybsada wadciyada iyo duruufaha hadba jira ayaa wuxuu go’aansaday inuu dib u hanto Booskiisii hore ee ahaa Gudoomiyaha Baarlamaan taas oo uu u arkay inuu kaga nabadgeli karo dhamaan arimaha kor ku xusan , kuna heli karo Immunity ama inaan maxkamad khiyaano qaran ama xatooyo qaran la horkeenin iyo inuu ka badbaado duufaanta siyaasadeedba. Sidoo kale doorkaan cusubi wuxuu sii siinayaa Shariif Sakiin inuu awooda ugu saraysa ee dowlada weli ku sii dhexjiro qoobka cayaarkiina meesha ka sii wado.

Si uu booska Afhayeenka Baarlamaanka u helo wuxuu cayaaray xeelad uu iska horkeenay sadexdii masuul ee howsha wada wada, kuwaas oo uu labo ka mid ah waa Shariif Axmed iyo RW Cumar Cabdirashiid midkasta hoosta ka tusayay inuu isaga la jiro, meesha uu weerar cad ku qaaday Aadan Madoobe.

Hafkiisa ugu weyne wuxuu ahaa inuu noqdo Afhayeenka Baarlamaanka , Kadibna ka takhaluso Madaxweyne Shariif Axmed, laakiin dagaalkii uu ka dhex oogay Shariif Axmed iyo Cumar ayaa Meel xun gaaray, waxaana taasi sajaratay Cumar, sidaa awgeed, xulafaysigiisii ayaa dhaawan soo gaaray, laakiin waxuu ku guulaystay inuu Aadan Madoobe ka takhaluso, go’aana ku gaaro inuu dagaalka Shariif Axmed dib u dhigto una rag badsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Wuxuu xulafo ka dhigtay Baarlamaanka intiisa badan iyo Wasiiradii Cumar Dowladiisa ka tirsanaa sida, Jurille, Jangeli, Cabdishakuur, iyo rag kale oo badan.

Sidoo kale maadaama uu ogaa dareenka iyo is afgaran waaga ka dhexeeya Puntland iyo TFG-2, iyo qaarkale ee ka mid ah Dowlad Goboleedyada ayuu iyagana xulafaystay si markaasi uu isbedel siyaasadeed oo u adeegaya isaga iyo xulafadiisa u keeno.

Dagaalkiisa waxaa sii xoojiyay RW Farmaajo oo aad moodid inuusan khibrad qota dheer iyo xirfad siyaasadeed oo buuran ka haysan wadciyada iyo isbedbedala Siyaasadeed ee socda, moodayna daacad baan ahayd iyo ethics baan leeyahay oo qudha inay guul gaarsiin karto, sidoo kale isu taaga iyo ismaqiiqa uu la galay UN, iyo kordhisashada aan sharciga ahayn iyo wakhtiga dowladiisa iyo Madaxweyne Sh. Axmedba ayaad moodaa inay Shariif Sakiin u sii gaarista iyo hiigsashada hadafkiisa.

Qaadicistii shirka Nairobi ee RW Farmaajo, ayaa iyaduna fursad siisay Shariif Sakiin,taas oo uu taageero iyo xulafaysi cusub kaga helay Ergayga Gaarka ah Mr. Mahiga

Gabagabo:

Waa hubaal in Shariif Sakiin uu yahay dhurwaa hilbo lagu ragto iska daaye aan aamini Karin, xulafo kastana kolkuu dantiisa ka gaaro ayuu mid kale oo uu ku adeegto samaystaa, waxaa kaloo hubaal ah fadhiidnimada iyo dhabacsanaanta Sh. Shariif Axmed, Siyaasad xumada iyo Dhoohnaanta RW Farmaajo, Hurdada iyo Dhaayo xumada Shacabka Soomaaliyeed inay sababtay oo Shariif Sakiin u saamaxday in mustaqbalkii iyo masiirkii ummadda Soomaliyeed ku cayaaro , shaqsigaas oo aan wax dareen iyo diir nax ah u hayn maatada uu maalkeeda dhacayo , ummada uu masiirkeeda ku cayaarayo iyo afduubka uu ku hayo hogaanka iyo haykalka Dowladnimo.

Intaa waxaa ka sii dheer inuu Shariif Sakiin iyo Xulafadiisu si toos ah ay maanta ugu adeegayaan Agendayaasha Dowlada Itoobiya iyo (IGAD, gaar ahaan UGANDA oo mashruuc la mid ah kii Congo – Zaire ka dhigatay Soomaaliya) oo aad arkaysid in markii shir Soomaaliyeed dhacayo ama laga yimaadaba ay madax ku sheegtu iska xaadiriyaan Adis, si ama ay warbixin u sameeyaan, ama amar u soo qaataan.

Waxaa kaloo hubaal ah in Sh.Shariif Axmed iyo RW Farmaajo aysan haystan cid ay maanta ku taagan yihiin oo taageero toos ah ka helaan dal guddo iyo dibadba, taasina ay ka dhalatay Siyaasadahooda indhaha’la oo aan waaqaca iyo wadciga la socon lana fargeli Karin, fadhiidnimadooda wax qabada, soo dhawayn la’aantooda Dowlad Goboleedyada, Xiriir Xumada iyaga iyo Xubnaha Baarlamaanka iwm…. (Sow Cajiib Maaha in nimanka isku sheegaya Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare aysan weli tagin meel ka baxsan Muqdisho , aaway dadkii iyo dalkii loo irkaday inay maamulaan), aad ayay ugu takhasuseen aadista caasimadaha Caalamka laakiin way ka caagan yihiin tagista , booqashada, u kuurgalka iyo ka warqabka Shacabka iyo Gobolada Dalka Hooyo.

Waa hubaal in Shariif Sakiin dagaalo badan ka soo badbaaday, balse waxaa isweydiin mudan in uu ka samata bixi doona mida maanta taagan iyo in kale, laga yaabee inuu isagoo badqaba ka baxsado, lakiin waxaa muuqada in gabalkiisu sii dhacayo, kaadhadhkiisuna soo yaraanayaan, sidaa awgeed, ma yahay nin dareemi kara carada iyo ciilka badan ee loo qabo, mise wuxuu sugayaa in sida Madaxda Carbeed la soo qabto oo xabsiga la dhigo dabadeedna laga soo fago Malaayiinta Doolar ee uu maatada iyo maxaysatada Soomaaliyeed ka dhacay, noloshiisana uu xabsi ku dhamaysto.

Farah Aw-Osman

 

http://allssc.com/?p=11239

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this