Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland security forces arrest Ethiopian espionage agents.

Recommended Posts

Ciidanka Booliska oo Xabsiga u Taxaabay Koox Basaasiin Itoobiyaan ah oo ka soo Tallaabay Xadka Somaliland

Last Modified: Wed 08th Jun,2011

Kooxda basaasinta ah oo tiradoodu gaadhayso shan qof waxa lagu qabqabtay caasimadda Hargeysa iyo magaalada Wajaale

 

Nimankaas la xidhxidhay sidaa aad idinkuba u maqasheen ayaan aniguna u maqlay warkaas, laakiin idin odhan maayo sidaas iyo sidaas ayey wax u dhaceen”

 

 

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley

 

 

Hargeysa (Jam)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen shalay niman Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay u shaqeeyaan sirdoonka dawladda Itoobiya, kuwaasoo oggolaansho la’aan ku soo galay xuduudka degmada Wajaale ee Somaliland si ay u kaxaystaan sarriflayaal reer Somaliland oo ay raadinayeen.

 

 

Kooxdan basaasiinta ah oo tiradoodu gaadhayso shan qof oo wada Soomaali ah, ayaa la sheegay in shalay lagu qabqabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale, kadib markii uu booliska ku soo wargeliyey nin shacab ah oo basaasiintaasi doonayeen inuu u fududeeyo sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen sarriflayaal reer Wajaale ah oo ay doonayeen intay gudaha Itoobiya u afduubaan si halkaas loogu xidhxidho. Iyada oo shanta nin afar ka mid ah lagu qabtay Wajaale, halka ka kalena lagu qabtay caasimadda Hargeysa.

 

 

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Gabiley Mr. Axmed Maxamed Guutaale oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si arrintan wax looga weydiiyo, ayaa ka gaabsaday inuu caddeeyo, wax faahfaahin ahna ka bixiyo nimanka u shaqaynayey sirdoonka Itoobiya oo lagu xidhxidhay magaalada Wajaale, isagoo si kooban u yidhi; “Nimankaas la xidhxidhay sidaaad idinkuba u maqasheen ayaan aniguna u maqlay, laakiin idin odhan maayo sidaas iyo sidaas ayey wax u dhaceen, dawladduna way fara badan tahay ee meelo kale wax weydiiya.”

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Md. Cali Aw Nuur Meecaad aannu khadka teelfoonka kula xidhiidhnay si wax looga weydiiyo xadhigga basaasiinta la qabtay, ayaa isaguna ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintaas, waxaannu si kooban ugu jawaabay; “Adeer, shir baan ku jiraaye iga raalli ahaada.”

 

 

Hasayeeshee, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, basaasiintan Itoobiyaanka ah oo la sheegay inay dhibaatooyin badan ku hayeen deegaannada Killilka Shanaad ee dhinaca Somaliland soo xiga, gaar ahaan Harta-sheekha, ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay, kadib markii mid ka mid ah raggaasi Itoobiya u adeegayey uu nin reer Wajaale ah intuu lacag siiyey ka codsaday inuu nin ay dabagal ku hayeen oo sarrifle ah oo aqoon isu leeyihiin ugu soo kexeeyo si ay gacanta ugu dhigaan, laakiin ninkii lacagta la siiyey inta uu u tagay saaxiibkiisii lagu daba-jiray ku wargeliyey in xadhig lala maagan yahay, sidaa darteedna fiican tahay inay booliska la xidhiidhaan si ninka basaaska ah laftiisa loo xidho.

 

 

Sida ilo-wareedyadu sheegeena labadii nin ee asxaabta ahaa ayaa booliska ku wargeliyey in niman basaasiin Itoobiyaan ah doonayaan inay kaxaystaan sarriflayaal reer Somaliland ah, sidaas ayaana lagu qabtay basaaskii Itoobiyaanka ah, kaas oo markii gacanta lagu dhigay la soo baxay waraaqddiisii basaasnimada, wuxuuna booliska u tilmaamay saddex nin oo kale oo hawshan ku wehelinayey, kuwaas oo iyagana isla markiiba lagu qabtay hudheel ku yaal magaalada Wajaale oo xagga Somaliland ka soo xigga xadka Itoobiya oo ay si sharci-darro ah ugu soo tallaabeen, halka ninka shanaad oo isagu lacaha ay ku hawlgalayeen u dirayna lagu qabtay caasimadda Hargeysa.

 

 

Guddoomiyaha Degmada Wajaale Mr. Xaashi Maxamuud Cabdi iyo taliyaha booliska magaaladaas, ayaa iyaguna ka aamusay inay ka hadlaan xadhigga basaasiinta Itoobiyaanka ah ee lagu qabqabtay Togwajaale ee gudaha Somaliland.

 

 

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii dawladaha Itoobiya iyo Somaliland ka wadahadleen ciidammo Itoobiyaan ah oo xilligaasi la sheegay inay ka soo tallaabeen xuduudda labada dal u dhexaysa ee deegaanka Allaybaday, arrintaasi oo tuhunno badan ku beertay dadka reer Somaliland ee deegaannadaas ku nool.

 

 

Dhinaca kale, warsaxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland soo saartay ayey ku sheegtay in aanay jirin ciidan millatari Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Somaliland, balse waxay caddaysay in dawladda Itoobiya u sheegtay in dhawr xubnood oo ka mid ah booliska maamul-goboleedka Soomaalida ee Itoobiya oo ku daba joogay dad dembiilayaal ah u soo tallaabeen dhinaca Somaliland, waxayna wasaaraddu sheegtay inay arrintaas labada dal ka wadahadleen, waxana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto-dheer oo ku salaysan jaar-wanaag, iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhinacyo badan leh, labada dalna leeyihiin heshiis nabadgalyo, ganacsi iyo socdaal.

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliska Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Cilmi Rooble Furreh (Kabaal) oo Jamhuuriya xidhiidho kala duwan la sameeyey si wax looga weydiiyo xadhigga ragga u shaqaynayey dawladda Itoobiya ayaanay noo suurtogelin in aannu khadka telefoonka ku helno, lamana hubo in ilaa hadda shanta nin ee basaasiinta u ah Itoobiya weli u xidhan yihiin Somalland iyo in meelo kale loo beddelay ama xorriyadoodii loo celiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this