Sign in to follow this  
Saalax

Gaalkacayo oo Dad Rayid ah Maalintii Labaad la dilay

Recommended Posts

Saalax   

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in Dabley Hubeysan ay saaka aroortii weerar ku qaaday Dad fadhiyay goob maqaaxi ah oo ay ka qaxweynayeen, kadib salaadii subax, iyadoo weerarkaas uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

 

Sida ay sheegayaan wararka ilaa afar ruux ayaa ku dhimatay, ku dhowaad shan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaas hubeysan, waxaana uu ahaa mid bareer ah oo dableyda ay rasaas ooda ugu qaadeen dadka fadhiyay goobta lagu qaxweynayay.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan saaka uu daba joogo weerar shalay lagu qaaday gaadiid marayay meel u dhow deegaanka Jariiban ee Gobolka Mudug, kaasoo ay ku dhinteen ilaa toban ruux, oo ahaa rakaabkii saarnaa gaariga oo ay jidka u galeen Niman dabley ah.

 

Xaalada dhinaca Koofureed ee Magaalada Galkacyo ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana dhacdada saaka uu muuqataa mid xurguf beeleed ah oo keeni kara aanooyin qabiil.

 

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Magaalada Galkacyo, gaar ahaan dhankeeda Koofureed waxaa ka jiray aanooyin xaga qabiil iyo weeraro qaraxyo ah, iyadoo dhacadii ugu foolka xumeyd ay aheyd labo bilood ka hor markii dableys Hubeysan xilli salaad subax weerar ku qaadeen Masaajid ay dad ku cibaadeysanayeen.

 

 

 

http://galgalanews.com/?p=14279

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

MoonLight1 Where did i celeberate? Keep your twisted clannish views to yourself.

 

 

AUN to the innocents that died.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this