Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands research Committee on Political parties proposed to open more political parties

Recommended Posts

Guddida Tallo Bixinta Ururada Siyaasada oo caawa soo saaray go’aankoodii kuna baaqay in Ururada Siyaasada la furo

Hargeysa(Waaheen) wararka naga soo gaadhaya Qasriga Madaxtooyadda oo ay imika ku sugan yihiin Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ka soo tallo bixinta Furashada Ururada Siyaasada ayaa sheegaya inay guddidu go’aamisay in Madaxaweyne Siilaanyo furo Ururada siyaasadaGuddoomiye ku-xigeenka guddidaasi Maxamed Ilkacase oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa warkaas noo xaqiijiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

G/Tallo Bixinta Oo Ku Baaqay Furista Ururada Siyaasadda, Soo Bandhigay Ra’yi Ururintii Ay Qaadeen

 

June 7th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddidii Tallo-bixinta ururada siyaasada ee Madaxweynuha magacaabay ayaa caawa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay shaaca kaga qaadeen in dadweynaha Somaliland ay doonayaan furista ururada siyaasada , waxaanay soo bandhigeen natiijada rayi ururin ay ka qaadeen 1769 oo qof oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

 

Guddigu waxa kale oo ay ku tallo bixiyeen in la qabyo tiro shuruucda doorashooyinka, ururada siyaasada iyo xisbiyada.

 

War-murtiyeed Guddigu ku bayaamiyeen go’aankooda wuxuu u qornaa sidan:-

 

“Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururada Siyaadu waxaay Saxaafada u soo gudbinaynaa Warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha Hawshii la noo xilsaartey oo ku saleysan tilmaamtii ku suntaneyd warqadii tirsigeedu ahaa JSL/M/MG/O8/399/03011 kuna taariikheysneyd, 14.03.011 qodobadan soo socdana xambaarsanayd:

1. (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Rayi,ururin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee ururada siyaasada

2. Kasoo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman Ururada Siyaasada iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland.

3. Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara Ururada Siyaasada.

Haddaba Gudidu waxay gudashada xilkaa u martay Talaabooyinkan soo socda:

A. Guddidu waxay isku martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah

Awadal, Maroodi_jeex. Saaxil. Togdheer. Sool. Sanaag. Iyadoo markaa Doodo u qabatey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyo horumarineed, Iyadoo Guddidu u qabatey dadkaa doodo lagu waydiinayo rayigooda lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa) iyo (Maya) (Midnaba) iyo sababaynta in Ururada Siyaasiga ah la furo.

 

Foomamkaas aan dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11 intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uuga badbaadno kutiri kuteenka.

 

B. Waxaa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay iney tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan Guddida.

C. Waxaa kale oo Guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabada, ka dhageysatay Haayadaha kala ah.

 

1. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka

2. Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo

3. Dallada Sonsaf

 

Haddaba Markii la tiriyey Cododkii laga soo ururiyey Muwaadiniinta Somaliland oo tiradoodu dhantahay 1769 oo qof. Waxay u kala baxdey sidan:

 

Gobolka Haa Maya Midna Total

1: Maroodi_Jeex 190 302 11 503

2: Togdheer 157 132 0 289

3: Saaxil 91 94 5 190

4: Sanaag 208 66 2 276

5: Sool 185 39 9 233

6: Awdal 171 104 3 278

Total: 1002 737 30 1769

 

Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururada Siyaasada la furo sida ka muuqada shaxada sare.

Haddaba markay guddigu yeelatay doodo dheer iyo falanqeyn ku saabsan Duruufaha la xidhiidha Sharciyada ,Geedi socodka Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Nabadgalyada Somaliland waxay ku tallo bixineysaa:

1. In la qabyo tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururada Siyaasada, Xisbiyada, Doorashooyinka.

2. Dhisida Guddi Joogto ah oo qaabilsan Diwaangalinta Ururada Siyaasiga iyo ku ilaalinta Dimuqraadiyada Xisbiyada Gudahooda.

3. In lagu talo galo Kharashyadii ku bixi lahaa Furashada Ururada iyo Doorashooyinka

4. In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta Ururada iyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka.

5. In la sameeyo Xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Part Act)

 

Gabogabo

 

ka dib markii aanu dhagaysanay talooyinka sharciyaqaano xeel-dheer u leh shuruucda dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, dareenka iyo doonista qaybaha kala duwan ee bulshada JSL, isla markaana dhunay sababaynta ay ku jaan gooyeen doonistooda, sidoo kalena darisnay saamayn ay arintani ku yeelan karto qodobadan soosocda:

? Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka

? Kobcinta hanaanka Demcracy-ga

? Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta

? Fidinta Maamulka

? Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay

? Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka ee ka qaybgalka hogaanka dalka

Waxay talada Gudidu soo jeedinaysaa ku sooo ururtay in lafuro Ururada Siyaasad doorashada golaha deegaan ee usoo horeysa, Golaha deegaanka ee maanta joogana waxa aanu ku talinaynaa in la kala diro lana magacaabo maayeero ku meel-gaadh ah.

 

Allaa Mahd leh

 

Mgacyada Gudida Saxeexa

 

Suleiman Ali Korea ——————————

Mahamed A/lahi Du’ale: ——————————

Barkhad Jama Hirsi: ——————————-

Suldan Axmed Daahir Muuse —————————

Xildh. Mahamoud Hirsi Farah —————————-

Maxamed Muuse Abees —————————–

Canab Cumar Ileeye —————————–

C/lahi Siciid Dheere ——————————

Xasan Xuseen Codyare ——————————–

Pro. Xusen Xasan Guleed ——————————–

Dr. Maxamed Cismaan Fadal ————————–

Amina C/lahi Axmed ——————————

Khadar Nour Aw Cabdi ——————————

Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi ———————————-

Jama Maxamoud Cigaal ———————————-

Sheikh Almis Sheikh Yaxye ———————————-“

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddida Ka Soo Tallo-bixinta Furashada Ururada Siyaasadda Oo Mar Dhawayd Madaxwaynaha U Gudbiyey Natiijada Rayi-Ururintooda Iyo Nuxurka Natiijada Ay Gudbiyeen.

 

Hargeysa (Ramaas) June 8,2011– Guddida ka soo tallo-bixinta furashada ururada siyaasadda oo maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa dhamaystirka iyo isku duba-ridka hawlahooda ayaa caawa Madaxwaynaha u gudbiyey natiijadii rayi-ururintooda.

 

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa shabakada caalamiga ah ee RAMAASNEWS.COM u xaqiijiyey in guddidu caawa Madaxwaynaha kulan kula yeesheen xafiiskiisa Madaxtooyadda isla-markaana gacanta ka galiyeen natiijadii rayi-ururintooda iyo talladii ay ugu tallo-galeenba.

 

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in guddida ka soo tallo-bixinta furashada ururada siyaasadu natiijadda ay Madaxwaynaha u gudbiyeen nuxurkeedu ahaa in la furo ururadda.

 

Wixii war ah ee ka soo kordha natiijadda ay guddidu u gudbisay kala soco shakabada wararka ee Ramaas oo had iyo jeer u diyaar ah soo gudbinta warar la hubo oo sugan.

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

None sense, this would be a great decision if they actually go through with it. Three party rule is a path to stagnation. Same group of three with the same ideology and agenda playing a game of musical chairs. Democracy flourishes with diversity of Ideas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ lol I'm watching in bemusement @ this and Pland introducing a multipary system. We'll will have to wait and see but IMO there is a chance it'll be the 60's all over again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good News at last Conclusion on biggest national controversy.

Inta u fikiraysa ururada oo la furaa inay somaliland u sababi doonaan xisbiyo badan iyo dhibaato siyaasadeed. waxay ilowsan yahiin in aanu wadanku yeelan karin wax ka badan 3 xisbi which will be replaceable in this case

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this