Xaaji Xunjuf Posted June 7, 2011 Xukuumada Oo Soo Daadguraynaysa Muwaadiniinta Somaliland ee Ku Sugan Wadanka Yeman June 7th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Xukuumadda ayaa shaaca ka qaaday inay soo daad gurayn doonto muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan wadanka Yeman ee qalalaasaha siyaasadeed ka taagan yahay haddii xaaladu ka sii darto. “Waxa lagu qadarayaa dadka reer Somaliland ee ku sugan wadanka Yeman ilaa laba kun oo qof, waxaanu wasaarada arrimaha dibada u gudbinay oo aanu soo tiro koobnay 1213 qof intii kalena waanu wadnaa sidii aanu u soo diiwaan gelin lahayd,”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee dalka Yeman Cali Maxamed Axmed oo socdaal shaqo u yimid caasimada Hargeysa. Wakiilku waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ay aad uga walaacsan tahay ammaanka muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan wadankaasi sababo xaalada dagaalada iyo qaska ka taagan wadanka Yeman. Cali Maxamed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu dawlada u soo gudbiyay tallo ku saabsan in loo diyaar garoobo sidii muwaadiniinteena loo soo daad gurayn lahaa haddii xaalka nabadgelyo ee dalka Yeman ka sii daro waanay naga aqbashay. Waxaanu is leenahay waxaanu ku qiyaasaynaa dadkeena wadankaasi ku nool ilaa laba kun oo qof. Waxaanay xukuumadu ku wargelisay arrintan Wasaaradaha dib u dejinta iyo Ha’yada qaxoontiga adduun. Waxaana loo diyaargaroobayaa sidii wada jir loogu soo dhawayn lahaa dadkaas.” Wakiilka oo u waramayay TV-ga madaxa banana ee Horn Cable waxa uu ku dooday in xukuumadu ay indhaha ku hayso ammaanka muwaadiniinteeda haddii xaalada ammaanka Yeman sii murugto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Degel Posted June 7, 2011 Faan badanaa. They can't even safe their people taking the risk voyage of going thru the long and dangerous road to get to Europe thru boats and here they are claiming they want to get citizens out. What a hoax news. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 7, 2011 Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Yemen Oo Sheegay Inay Wadaan Qorshe Lagu Soo Daad-Gureynayo Muwaadiniinta Colaaduhu Ku Qabsadeen Dalka Yemen. Hargeysa (Ramaas) June 8,2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay waddo qorshe ay ku soo daad-guraynayso muwaadiniinta reer Somaliland ee ku go’doonsan dalka colaadaha siyaasadeed ka dilaaceen ee Yemen. Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay hadda wadanka Yemen ka bilowday diiwaangalinta guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ku sugan dalka Yemen si marka la wada helo looga fikiro sida ugu fudud ee looga soo saari karo dalkaas. Wakiilka Somaliland ee dalka Yemen Cali Maxamed Axmed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diiwaangaliyeen dad tiradoodu tahay 1213 qof, inkasta oo dadka halkaas joogaa intaa ka badan yihiin, ilaa haddana ay wadaan hawsha diiwaangalinta “Dadka reer Somaliland ee ku sugan dalka Yemen waxa lagu qadaraa tiradoodu inay tahay ilaa 2000 oo qof.” Ayuu yidhi wakiilka Somaliland ee dalka Yemen oo hadda ku sugan Magaaladda Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu khaarajiga Somaliland u gudbinay oo aanu soo tiro koobnay 1213 qof intii kalena waanu wadnaa sidii aanu u soo diiwaan gelin lahayd” Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen Cali Maxamed Axmed, waxa uu sheegay inay dawlada u gudbiyeen tallo la xidhiidha sidii dadkaasi loo soo guri lahaa “Waxaanu dawlada u soo gudbiyay tallo ku saabsan in loo diyaar garoobo sidii muwaadiniinteena loo soo daad gurayn lahaa haddii xaalka nabadgelyo ee dalka Yeman ka sii daro waanay naga aqbashay.” Ayuu raaciyey hadalkiisa waxaanu intaa ku daray in arintan lala socodsiiyay wasaaradaha ay khusayo iyo hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, si la iskaga kaashado daad-gureynta muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xaniban dalka Yemen. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted June 7, 2011 You can rescue this man also, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 10, 2011 19 Qof oo Ka Soo Qaxay qalalaasaha Yeman oo soo gaadhay Berbera June 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Sagaal iyo toban qof oo u dhashay Somaliland kana soo cararay qalaalaasaha dagaal ee ka oogan wadanka Yaman ayaa maanta soo gaadhay magaalada berbera , kuwaasi oo qeyb ka ah bulshada Somaliland ee ku noola dalka Yaman . Isu duwaha dibu dejinta qaxootiga ee wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Saaxil jaamac Siciid Muxumed ayaa wakaaladda wararka ee solna u sheegay in 19 qof ay isugu jiraan qoysas iyo dhalinyaro ka shaqaysan jiray dalka Yeman , isla markaana ka soo cararay kacdonada gacan ka hadalka isku rogay ee ka taagan waddanka Yaman . Isu-dawaha dib u dajinta qaxootiga ee wasaaradda arimaha gudaha a ee gobolka Saaxil Jaamaca Siciid Muxumed waxa uu intaasi ku daray in soo dhaweynta iyo qaabilaada qaoysaskan ay kala qayb galeen saraakiil ka tirsan laanta socdaalka iyo caafimaadka ee gobolka Saaxil. Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore balan qaaday inay soo daad gurayn doonto muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan wadanka Yeman, waxaanay sheegtay inay diiwaan gelisay 1200 oo qof oo ka mid ah muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi oo lagu qadaray illaa laba kun oo qof. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 12, 2011 Diyaarad weyn oo kuwa Xamuulka qaada ah ayaa galabta Madaarka Berbera keentay sideetan qof oo Qaxooti ah oo ka soo qaxay Dagaaladda Yeman Berbera(Waaheen) Waxa manta galinkii danbe soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera diyaarad sida qoxoonti tira badan oo ka soo Qaxay Qalalaasaha iyo dagaalada ka soconaya dalka Yaman. dadkan oo ay siday diyaarada Afrikan Airways ayaa waxa isugu jireen Dad reer Somaliland ah iyo kuwa reer koonfureeda oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Yaman waxa ay ubadnaayen caruur iyo dumar iyada oo ay meeshana ka muuqatay in ay Dadkani yihiin xaasas caruurahoodii wata oo xamili waayay kacdoonadaa siyaasadeed ee ka oogan dalka yaman ee gaadhay heer madaxweynihii dalkaas Yaman Cali Cabdalla Saalax in qasrigiisii Madaxtooyada lagu weeraro laguna dhaawaco. Waxay dadkani sheegen in ay dhibaatooyin ba’ani ka taagan yihiin dalka yaman oo aanay cidina ku noolaan karin iyaga oo intaa ku daray in aanay dhamaantood ka wada iman hal gobol balse ay ka kala yimaadeen dhawr Magaalo oo ka ag dhaw magaalada caasimada ah ee Sanca ee qalaasuhu ka socdo. dadkan oo tiradoodu aheyd 80 ruux ayaa intooda badani ahaayeen dad deganaa caasimada Sanca ee dalka Yaman waxaanay sheegen in ay diyaaradu kasoo qaaday dhamaantood Magaalada Sanca iyaga oo intaa ku daray in dad badan oo Somaliland iyo Somaliya ba isugu jiraa ay ku xaniban yihiin dalka Yaman Gaar ahaan magaalada Sanca, iyaga oo ka dayriyay dadkaa noloshooda oo aanay Haysan biyo iyo cunto toona, cid ka war haysaana aanay jirin. qalalaasaha iyo dagaalada aan kala go’a lahayn ayaa sababay inay Xabadu dhacdo hadh iyo habeen qof kaliya oo debeda ubixi karaana aanu jirin oo ay cabsiyi hadhaysay. Qaar ka mid ah dadka Qaxootiga ah ayaa sheegay in aanay dhibaatada iyo qaxu aanu ku eekeyn soo galaytiga dalkaa ku nool balse ay dadkii wadankaa u Dhashay iyaga laftigoodu qaxayaan oo ay u qaxayaan dhinaca magaalada Cadan iyo wadamada dalka debediisa qofba sida ay awoodiisa Dhaqaale tahay, waxaana dadkan soo qaxay la socday laba nin oo iyagu ah Yamaniyiin balse qaba dumar Soomaaliyeed oo iyagu la soo qaxay xaasaskooda iyo caruurtooda oo ay ka soo wada Dageen garoonka diyaaradaha ee berbera. Salem Cabdoo oo aanu Weydiinay sababta uu uga soo qaxay wadankiisii ayaa ku jawaabay”Waxan uga soo cararay xabada iyo Xaalada wadanka Yaman oo maalinba maalinta ka danbeysa kasii dareysa iyo cabsida madaafiicda oo magaalada Sanca oo dhami ay gariirayso marka uu madfac dhaco waxaad ka baqeysaa in uu adiga iyo caruurtaba marka danbe idin qabsado markaa waxan aniga Iyo xaaskayga oo Somaliyad ahi aanu isla garanay in halkan(Somaliland)usoo qaxno waxa kaloo iyana nasoo qaxisay cunta la’aan iyo biyo la’aan ka taagan magaalada sanca.” Ayuu yidhi Waxa kaloo iyana aanu wax ka weydiinay sababta ay usoo qaxeen iyo in ay wax dhibaato ah kala kulmeen kacdoonadaa iyo Dagaalada ka dhacaya dalka Yaman gabadh iyadu kamida dadka reer Somaliland ee ka soo qaxay dalka Yaman oo Magaceedu yahay Aamina Farxaan waxaanay kaga Jawaabtay”Horta ilaahay baa mahad leh mar haduu na soo badbaadiyay hadaan kahadlo dhibaato Naloo geystay oo aanu leenahay cidbaa dhibaato noo geysatay kamida dadka dagaalku ka dhexeeyo ma jirto laakiin dhibaato kale oo Aan xadi laheyn ayaa nagu qabsatay magaalada Sanca kaligayona maahee dadka dhibaatadu qabsatye waa macaa kuwii wadan udhashay ee lahaa oo iyaguna dhibaatada way nala qabeen waxa noogu daraa biyo la.aan aanu weynay wax aanu cabno iyo wax Suuliga aanu ku galo waxa jirikaanka biyaha ah nalaga siinaayay(3$)dollar oo waliba aan si fudud lagu heleyn hadii la helo waxa iyana Cidhiidh galay cuntadii oo aanad heleynba waayo dukaan furani ma jiro xabadu waa ay dhacaysaa oo aan looma meel dayayn caruurtii ayaa saskeedii aanu hayn waynay oo wax walba nagaga daraa markaa hadii ilaahay naga nabad keenay waa ilaahay mahadii” ayay tidhi Aamini Cabdinaasir Sheekh Ibraahin oo isna kamida ganacsatada xoolaha ee halkaa daganaa ayaa isna ka waramay sababta uu uga Soo qaxay dalkaa Yaman iyo waxa ka soo gaadhay dhibaato dhinaca ganacsigiisii Xoolaha waxaanu kaga jawaabay”Walaahi hadii uu Dagaal meel ka dhaco waxyaabo badan baa luma horta anigu waxan ahaa ganacsatada xoolaha ee halkaa ufadhiya qolyaha xoolaha Dhibaatada ugu weyni waa xabada oo magaalada Sanca hoygeedii noqotay iyo adeegyadii bulshada oo dhamaan istaagay meel shaqeynaysaana aanay jirin kolay xisaabo naga daadsanina way jireen laakiin maba heleysid cid aad la xisaabtanto oo xabad ayaan Cidina debeda ugu baxayn ta kale biyo la.aan ayaa iyana ka taagan Sanca oo waxa aanu isticmaalaynay biyaha mooya saxda oo Aanu marka hore waxoogay karaatoona oo aanu dhiganay guri daganayn laydh ma jirin oo dawladii maamulkeedii faraha ayuu ka sii baxayaa walaahi dad badan oo reer Somaliland ayaa ku xaniban oo ubadan xaasas aan haysan nool ay diyaarada iskaga bixiyaan oo Gurmad ubaahan.”ayuu yidhi Dadkan ayaan cidina ku qaabilin garoonka waxaanay sida dadka caadiga ah uga soo baxeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada berbera iyada oo laga war hayay in ay imanayaan qoxoontigaasi ayaanay dhinaca Xukumada iyo Gobolka toona cidi uga Imanina waxaanay laamaha dakhliga qabashada iyo sarifka baankuba ay sidii caadiga ahayd uga shubeen lacagihii ku waajibay Maadaama oo aanay sidan Go Home sida ay noo sheegen hawl wadeenada garoonka ee ku shaqada leh dhinaca kale waxa aan meeshaba ka soo daahirin Isuduwaha dib udajinta ee Gobolka Saaxil Jaamac Siciid oo todobaadkan ka war bixiyay qoxoonti uu sheegay in ay ka soo dageen dekeda magaalada berbera Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 13, 2011 Qaxooti tira badan oo ka soo qaxay dagaalada dalka yaman oo manta soo gaadhay magalaada berbera Waxa kaloo iyana aanu wax ka weydiinay sababta ay usoo qaxeen iyo in ay wax dhibaato Daawo Sawiradda Waxa manta galinkii danbe soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera diyaarad sida qoxoonti tira badan oo ka soo Qaxay Qalalaasaha iyo dagaalada ka soconaya dalka Yaman dadkan oo ay siday diyaarada Afrikan Airways ayaa waxa isugu jireen Dad reer Somaliland ah iyo kuwa reer koonfureeda oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Yaman waxa kaloo ay dadkan soo qaxay ubadnaayen caruur iyo dumar iyada oo ay meeshana ka muuqatay in ay Dadkani yihiin xaasas caruurahoodii wata oo xamili waayay kacdoonadaa siyaasadeed ee ka oogan dalka yaman ee gaadhay heer madaxweynihii dalkaas Yaman Cali Cabdalla Saalax in qasrigiisii Madaxtooyada lagu weeraro laguna dhaawaco Waxaanay dadkani sheegen in ay dhibaatooyin ba.ani ka taagan yihiin dalka yaman oo aanay cidina ku noolaan karin iyaga oo intaa ku daray i in aanay dhamaantood ka wada iman hal gobol balse ay ka kala yimaadeen dhawr Magaalo oo ka ag dhaw magaalada caasimada ah ee Sanca ee qalaasuhu ka socdo Quote Share this post Link to post Share on other sites