Aaliyyah Posted June 7, 2011 Lasanod Online. Monday, June 06, 2011 Toronto,(lasanod Online)- Waxaa xalay magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay xaflad ballaadhan oo abaalmarin lagu gudoonsiiyey Fanaanada qaranka Somaaliyeed.. ee Saado Cali warsame. Xafaldan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulsahda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa, iyo fanaanin Somaalaiyeed oo ay ka mid tahay fanaanada weyn ee Dalays. Waxaa khudbado laga hadlayo taariikh faneedka Saado iyo halganka ay had iyo jeer ugu taagantahay midnimada ummadda iyo dalka Somalia kasoo jeediyey odayaal, madaxda jaaliyadda iyo xubno ka socda bulshada Soomaalida magaalada Toronto. Dadkii halkaa ka hadaly waxay dhamaantood xuseen in Saado Cali Mutaysatay abaalmarintan caawa la gudoonsiiyey, iyagoo uga mahadceliyey kuna amaanay Saado doorka ay ugu jirto umaadda Soomaaliyeed, ayna mudantahay ku dayasho. Xafladan oo ay soo abaabushay Hay'adda (Somali Refugee Awareness Project ), oo ah mashruuc sama fal ah korna loogu qaadayo wacyigelinta dhibaatada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Kenya. Saado Cali waxay ogolaatay inay noqoto Danjire ka caawiye Hay'adaha Qaxootiga sidii wax loogu qabanlahaa dadka Somaaliyeed ee ku tabaalaysan xeryaha qaxootiga Kenya. waxayna safar ku tegi doontaa xeryahaas dhamadka bishan June hadii Allah idmo. Hodan Naleeye oo iyadu ka socotay hay'adaas ayaa waxay xafladaas ku gudoonsiisay Fanaanada Saado Cali abaalgud ay ku mutaysatay shaqadii Saado usoo qabatay umadda Soomaliyeed, welina u hayso.. waxaana Saado Guddoontay Saxan Ballaadhan uu ku dhexjiro Disk Dahab ah laguna xardhay 35 sano ee ay ku jirtay suugaanta Somaaliyeed. Waxaa kaloo halkaas ku guddoontay Saado Bilad sharafyo dahab ah oo ay kala siiyeen Jaaliyadda SSC iyo Ugaadeeniya ee Toronto. Saado Cali waxay intaas kadib marti sharaftii kasoo qaybgashay xafladan u qaaday heeso badan oo isugu jiray jacayl iyo wadani. dadweynihii xafladan joogay ayaa aad ugu riyaaqay maqalka heesahaas ay ka midka ahayeen, Afkiiba juuqda gabay, Cunaabi, Libdhimaysid Laascaanood, Darwiish, Somali weyn.iwm.. Iyadoo dhalinyaro iyo waayeelba habeenkii xalay ahaa goobtaas dhidid badan lagu saydhay!!.. Gabagabadii Waxay Saado ku boorisay umadda Soomalaiyeed inay ilaashadaan Dalkooda, meelna ugasoo wada jeestaan oo u midoobaan cadawga badan ee dulaanka ka ah dalka iyo shacabka Soomaaliya. Saado Cali ayaa galabta ka dhooftay Magaalada Toronto, iyadoo kusii jeeda Magaaalda Mineapolis oo ay degentahay, waxaana garoonka Diyaaradaha kusii sagootiyey dadweyne tiro badan oo ka socda Jaaliyadda Somaalida Toronto. Kala Socda LASANOD ONLINE oo dhowaan idiinsoo tebin doonta maqal iyo muuqaal laga duubay xafladaas. https://picasaweb.google.com/shuriye/Jun52011?authkey=Gv1sRgCJTIq5vWvvOqJA#slideshow/5614888768046669506 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 7, 2011 Admins if possible move this to the politics section, didnt know I posted it on the general section. salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted June 7, 2011 Did she throw a party in TO yet? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 7, 2011 Read the article lol...yeah it was this past saturday. Insha'Allah we are organizing another one in a month's time. salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 8, 2011 Maalin dhow saado MTV awards babay badin doonta Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 8, 2011 grow up from posting silly comments. It is much better that u dnt comment if u have nothing important to say! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Axmed-InaJaad Posted June 8, 2011 aaliyah waan ku salaamay hunno. did u go to the may 18 party in tdot and rep your ppl? p.s i hate this humidity Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 8, 2011 do you go to somali day/july 1st parties in tdot and rep your ppl? dnt ask pointless questions. salaam Quote Share this post Link to post Share on other sites