Sign in to follow this  
Aaliyyah

Saado Cali Warsame Oo Abaal-marin Lagu Gudoonsiiyey Maqaalada Toronto-

Recommended Posts

Aaliyyah   

Lasanod Online. Monday, June 06, 2011

 

 

 

Toronto,(lasanod Online)- Waxaa xalay magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay xaflad ballaadhan oo abaalmarin lagu gudoonsiiyey Fanaanada qaranka Somaaliyeed..

 

ee Saado Cali warsame.

 

Xafaldan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulsahda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa, iyo fanaanin Somaalaiyeed oo ay ka mid tahay fanaanada weyn ee Dalays.

 

Waxaa khudbado laga hadlayo taariikh faneedka Saado iyo halganka ay had iyo jeer ugu taagantahay midnimada ummadda iyo dalka Somalia kasoo jeediyey odayaal, madaxda jaaliyadda iyo xubno ka socda bulshada Soomaalida magaalada Toronto.

 

Dadkii halkaa ka hadaly waxay dhamaantood xuseen in Saado Cali Mutaysatay abaalmarintan caawa la gudoonsiiyey, iyagoo uga mahadceliyey kuna amaanay Saado doorka ay ugu jirto umaadda Soomaaliyeed, ayna mudantahay ku dayasho.

 

Xafladan oo ay soo abaabushay Hay'adda (Somali Refugee Awareness Project ), oo ah mashruuc sama fal ah korna loogu qaadayo wacyigelinta dhibaatada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Kenya.

 

Saado Cali waxay ogolaatay inay noqoto Danjire ka caawiye Hay'adaha Qaxootiga sidii wax loogu qabanlahaa dadka Somaaliyeed ee ku tabaalaysan xeryaha qaxootiga Kenya. waxayna safar ku tegi doontaa xeryahaas dhamadka bishan June hadii Allah idmo.

 

Hodan Naleeye oo iyadu ka socotay hay'adaas ayaa waxay xafladaas ku gudoonsiisay Fanaanada Saado Cali abaalgud ay ku mutaysatay shaqadii Saado usoo qabatay umadda Soomaliyeed, welina u hayso.. waxaana Saado Guddoontay Saxan Ballaadhan uu ku dhexjiro Disk Dahab ah laguna xardhay 35 sano ee ay ku jirtay suugaanta Somaaliyeed.

 

Waxaa kaloo halkaas ku guddoontay Saado Bilad sharafyo dahab ah oo ay kala siiyeen Jaaliyadda SSC iyo Ugaadeeniya ee Toronto.

 

Saado Cali waxay intaas kadib marti sharaftii kasoo qaybgashay xafladan u qaaday heeso badan oo isugu jiray jacayl iyo wadani. dadweynihii xafladan joogay ayaa aad ugu riyaaqay maqalka heesahaas ay ka midka ahayeen, Afkiiba juuqda gabay, Cunaabi, Libdhimaysid Laascaanood, Darwiish, Somali weyn.iwm.. Iyadoo dhalinyaro iyo waayeelba habeenkii xalay ahaa goobtaas dhidid badan lagu saydhay!!..

 

Gabagabadii Waxay Saado ku boorisay umadda Soomalaiyeed inay ilaashadaan Dalkooda, meelna ugasoo wada jeestaan oo u midoobaan cadawga badan ee dulaanka ka ah dalka iyo shacabka Soomaaliya.

 

Saado Cali ayaa galabta ka dhooftay Magaalada Toronto, iyadoo kusii jeeda Magaaalda Mineapolis oo ay degentahay, waxaana garoonka Diyaaradaha kusii sagootiyey dadweyne tiro badan oo ka socda Jaaliyadda Somaalida Toronto.

 

Kala Socda LASANOD ONLINE oo dhowaan idiinsoo tebin doonta maqal iyo muuqaal laga duubay xafladaas.

 

https://picasaweb.google.com/shuriye/Jun52011?authkey=Gv1sRgCJTIq5vWvvOqJA#slideshow/5614888768046669506

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Admins if possible move this to the politics section, didnt know I posted it on the general section.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Read the article lol...yeah it was this past saturday. Insha'Allah we are organizing another one in a month's time.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

do you go to somali day/july 1st parties in tdot and rep your ppl?

 

dnt ask pointless questions.

 

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this