Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalilands ruling Kulmiye party Chairman Muj Musa Biixi Cabdi welcomed in Wajaale+PICS

Recommended Posts

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Si Balaadhan oo Loogu Soo dhaweeyay Dalka iyo Xukuumada oo ka Muquuratay Soo dhawayntiisa.

20110607052940.jpg

 

Muuse biixi waxaa uu qiray in aanu xisbiga KULMIYE waxba ka qaban balan qaadyadii uu dadwaynaha Degmada wajaale u sameeyay wakhtigii uu ku… Daawo Sawiradda

 

Hargaysa(GNS):- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo muddo todobaad ah safar shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

5809090662_a0a4b0da6a_b.jpg

Muuse Biixi Cabdi oo ka soo degay madaarka magaalada Jig-jiga ee Caasimada ismaamulka somalida ee dalka Ethiopia oo socdaal dhinaca dhulka ah ku yimid somaliland, ayaa markii uu ka soo gudbay xadka Ethiopia waxaa magaalada Tog-wajaale ku soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi C/raxmaan C/qaadir iyo masuuliyiin kale.

5808549613_3a386e27ac_b.jpg

Waxaa kale oo soo dhawaynta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ka qayb galay badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Axmed Cumar X.C/laahi,Agaasimaha guud ee wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda,maamulka gobolka Gabiley,xildhibaano ka baarlamaanka,salaadiin,cuqaal iyo boqolaal dadwayne ah kuwaasi oo ruxayay qaarkoodna ay ku labaisnaayeen calanka xisbiga KULMIYE iyo dadwayne kale.

5809132198_91db706286_b.jpg

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo socdaalkiisan ay ku weheliyaan gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbigaasi C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo Axmed Cilmi yare oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi.

 

5809107966_a71d9493be_b.jpg

Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi markii uu soo gaadhay magaalada Tog-wajaale waxaa uu boqolaal dadwayne ah khudbad uga jeediyay garoonka kubbada cagta ee magaaladaasi,waxaa uu kaga waramay u jeedada safarkii uu ku tegay dalka Ethiopia iyo masuuliyiintii uu la kulmay,isaga oo sheegay in u jeedada safarkan ay isaga iyo xubnaha kale ee ka tirsan xisbiga KULMIYE ku tegeen dalka Ethiopia uu ka danbeeyay ka dib markii ay Martiqaad Rasmi ah ka u soo direen masuuliyiinta xisbiga talada dalka Ethiopia ahaya ee EPRDF.

 

5808536261_43e86bb612_b.jpg

waxaana uu sheegay in muddadii ay ku gudo jireen socdaalkooda ay kulano la yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Itoobiya Ma las Zanawi, isla markaana ah Hogaamiyaha Xisbiga EPRDF ee dalka Ethiopia, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradaha Addis Ababa Degen, halkaas oo labada masuul ay kulankoodaasi kaga wada hadleen arimo ku saabsan xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ee muddada dheer soo jiray iyo siddii loo xoojin lahaa amaanka labada dal la iskagana kaashan lahaa guud ahaan wixii khatar ku ah mandaqada iyo xasiloonida labada dal.waxaana uu intaasi raaciyay Muuse Biixi in dhamaanba kulamadaasi ay la yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee dalka Ethiopia uu ku soo dhamaaday natiijo wanaagsan iyo is afgarad.

 

5808536261_43e86bb612_b.jpg

Muuse Biixi Cabdi waxaa kale oo uu khudbadaasi uu boqolaalka qof uga jeediyay kaga hadlay arimo la xidhiidha balan qaadyadii uu xisbiga KULMIYE u qaaday dadwaynaha ku dhaqan gobolka Gabiley gaar ahaana Degmada tog-wajaale wakhtigii uu ku jiray ololihii doorashada madaxtooyada,isaga oo qiray in aanu xisbiga KULMIYE waxba ka qaban balan qaadyadaasi ka dib markii uu talada dalka ku guulaystay,laakiin muuse Biixi waxaa uu dadwaynihii uu u khudbadaynayay u sheegay in aanu xisbiga KULMIYE ilaawin balanqaadyadaasi iyo sidoo kale taageeradii buuxday iyo codkii ay dadwaynaha reer wajaale siiyayeen xisbiga KULMIYE markii uu ku jiray ololaha doorashada madaxtooyada.

 

 

 

5808531589_95164c81b5_b.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bal may dhirta laamahooda u daayaan dadku sala calee. Its already a bloody desert as it is so leave the bloody few plant be :mad:

 

-

 

5809132198_91db706286_b.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo wafti uu hogaaminayo oo Dalka dib ugu soo laabtay Degmada Wajaalena si weyn loogu soo dhaweeyaay

 

Hargeysa(Waaheen)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi oo uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay muddo Cisho ah safar ugu maqnaayeen Dalka Ethiopia.Waftigan oo maanta gelinkii hore ka soo kicitimay dhinaca Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Ismaamul Goboleedka Somalida Ethiopia Maamulk, ka dib markii halkaasi ay keentay Diyaaradii ay ka soo raaceen Addis-ababa, waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Degmada Wajaale, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye, Badhasaabada Gobolada Hargeysa iyo Gabiley, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Maayirada Degmooyinka Gabiley iyo Wajaale, Agaasimaha guud ee Kaluumaysiga iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimi Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Wajaale.

 

 

Muuse Biixi Cabdi oo markii uu soo gaadhay Xuduuda Somaliland iyo Ethiopia u dhexeysa ee Magaalada Wajaale, ayay halkaasi ku qabileen Dadkii soo dhawaynayay, waxa uu goob Fagaare ah kala hadlay Dadweynaha Reer Wajaale, kuwaasoo uga warbixiyay ujeedad Socdaalkan ay kaga soo laabteen Itoobiya iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay, waxaanu hadalkiis ku bilaabay:-

 

“walaalayaal socdaal todoba cisho ah ayaanu ethiopia ugu maqnayn, socdaalkaasi ujeedadiisu waxay ahayd oo uu sii kaabayay kuwii ka horeeyay ee madaxweynaha Somaliland, ee ay Xukuumadiisu hore uga hawl gashay sidii dawlada jaarka ah horumar iyo iskaashi loo wada gaadhi lahaa, Somalilandna Ictiraaf loogu heli lahaa,kuwii ayuunbaanu sii xoojinaynay, waxaana nagu Casuumay Xisbiga EPDRF, kaasoo Hogaamiyihiisa Raysal Wasaare Meles ilaa heer qabalay ay noo soo fadhiisteen, waxaanay nagu ixtiraamayeen xoogiina, karaamadiina iyo codkiina oo aanu huwanayn”.

 

isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Guddoomiyuhu “walaalayaal waxaanu gaadhsiinay Dawlada Ethiopia ilaa xisbiga Xukuma fariintii aad noo dhiibteen ee markii aad codka bixinayseen aynu ku balanay ee ahayd in somaliland loo doono ictiraaf ayaanu horgeynay dawlada Ethiopia, anagoo u aragna dawlada ugu awooda badan siyaasiyan iyo xoogba waxaanu u sheegnay inay dadka Reer Somaliland maanta u baahanyihiin inay karaamo yeeshaan oo ay Golaha Caalamka la mid noqdaan, xaqna u leeyihiin dulmina ay tahay in nin laba gidaar fadhiyaa uu na metelo oo uu yidhaahda waa Somaliya, anagoo idinka idin metelayna dulmi baanu u aragnaa caalamkana waanu u sheegaynaa.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu kula dardaarmay dadkii fagaraahaasi kala hadlay inay iska kaashadaan horumarka, isla markaana ka dheeraadaan qabyaalada iyo wixii kala qoqob ku keenaya midnimadooda,waxaanu yidhi “Walaalayaal hore u socon mayno hadii aynu Reer reer iyo qolo-qolo u kala fadhiisano, hore u mari mayno hadii aynaan gacmaha is qabsan, walaalayaal baryo iyo hay’adbaa soo socota ku socon mayno, halkan fariintii aad naga farteen hadaanu nahay Kulmiye iyo Xukuumadiisa ma ilowsanin, fariinta ugu weyn ee aad na farteena waxay ahayd Wajaale waa inay Ceel biyo ah oo macaan heshaa, waanu ognahay oo wali Ceelkii maanan qodin, laakiin waanu ku maqanahay, walaalayaal hadaanu la raagno waa tamar daro e Qalbiga ayuu noogu jiraa oo waanu ku maqanahay, ee ha u qaadanina inaan codkii qaadanay oo iska tagnay, waxa kale ee aynu ku balanay waxay ahayd wadada taasina walaalayaal anagoo taag wayna mooyaane way nagu maqan tahay, waxaanan ilaawi karin maalintii Ololaha la furay maalintii inaad tihiin Magaaladii ugu horaysay ee Calamada meel walba lagu xidhay”.

 

soo dhawayntan loo sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Waftiga uu hogaaminayo oo ahayd mid aanay u kala hadhin dadweynaha reer Wajaale, waxaan ka dhex muuqan Xukuumadda Talada haysa ee Xisbiga Kulmiye, taasoo aan haba yaraatee cid uga qayb gashay jirin, marka laga yimaado badhasaabada Gobolada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;726847 wrote:
oday Somali wajaaale is pretty green you know well if it wasn't for the Mujahid those Ladies wouldn't be able to wave Dhirta.

huh? [i was talking about the environment sxb]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this