Saalax Posted June 7, 2011 Hargeysa: Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Ka Soo Qaxaya Colaadaha Ka Taagan Dalka Yemen Oo Si Isdaba Joog Ah Dalka U Soo Gaadha Iyo Wiil Ka Waramaya Dhibaatooyinka Dalkaa Ka Taagan Hargeysa (Ramaas) June 8,2011 – Muwaadiniintii reer Somaliland ee siyaabaha kala duwan u tagay dalka colaaduhu ka socdaan ee Yemen ayaa bilaabay inay dalkooda dib ugu soo guryo noqdaan. Dadkan oo ka soo dega xeebaha kala duwan ee Somaliland ayaa ka soo qaxaya dagaalada u dhaxeeya qabiilka ugu wayn dalka Yemen iyo dawlada uu hogaamiyo Cali Cabdalla Saalax, dagaladaas oo maalinba maalinta ku xiga sii xoogeysanaya. Cali Cabdilaahi oo ka mid ah dhalinyaro hore wadanka Yemen ugu tahriibay si ay ugu sii gudbaan wadamada Yurub oo uu maanta la kulmay wariye ka tirsan Ramaasnews.com ayaa sheegay inuu ka soo cararay dhibaatooyinka dagaalka Yemen isaga oo sheegay in mararka qaarkood dad gadoodsane ay dhibaateeyaan dadka ajaanibka ah, sidaas daraadeedna ay door moodeen inay dalkooda hooyo ku soo guryo noqdaan “Walaahi markii hore tahriib ayaan ku tagay dalkaa, waxaanan aaminsanaa inaan ka sii gudbiyo karo, laakiin wixii aanu ku fikiraynayba dhibta meesha taala ayaa ka badan” ayuu Cali waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaan doortay inaan dalka ku soo laabto.” Dadka reer Somaliland ee dalka Yemen ka soo qaxaya ayaa waxa ku jira qoysas dhan oo iyagga oo carruurtoodii watta dalka ku soo laabanaya ka dib markii ay u adkaysan waayeen mushaakilaadka siyaasadeed ee dalkaa ka taagan. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites