Sign in to follow this  
Saalax

GalGala oo Dagaal Dib uga Curtay Maanta

Recommended Posts

Saalax   

GalGala:- Dagaal Xoogan ayaa Maanta ka dhacay Buuraha Golis Galbeedka G.Bari, Malayshiyaad Daacad u ah Wadaadka Maxamed Siyaad Atam iyo Ciidamo kale oo Taabacsan Madaxwaynaha Puntland ayaa iskaga Hor Yimi Buuraha GalGala Maanta Galinkii Danbe.

 

Ilo wareed baa shegaya in 5- Askari oo dhawaac ah la Keenay Cisbitaalka Bosaaso walow ay Jiraan war sheegaya iin Puntland dagaal looga Gacan sareeyay.

 

Malayshiyaadka deegaanka Galbeedka bari ayaa la Xaqiijiyay in Weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen Saldhig ay Joogn Ciidamada PL.

 

Wasiirka Amniga PL Gen Yuusuf Axmed Khyar ayaa Beeniyay in Dagaalkaasi looga Gacan sareeyay waxana uu xusay inay Kooxda dagaalka soo qaaday ahaayeen Malayshiyaad diidan Nabada Puntland oo doonaya dano Gaar ah.

 

Docda kale wali war Lagama hayo Malayshiyaadkaasi Sheegtay inay doonayaan Isbedel ka dhan Puntland oo ay Dalbanayaan in Madaxda Sare ee Maamulku ay Meesha Baneeyeen waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

Buuraha Golis dagaal baa ka Bilowday Bishii Julay sanadkii 2010- kaasi oo Gun dhigiisu ahaa Markii Dawlada PL ay Fara Galisay Ciidamo daacad u ahaa Maxamed Said Atam oo Horay u sheegay inuu difaacanayo Khayraad Deegaankaasi ku Duugan.

 

Puntland ayaa Awoodeedii isugu Gaysay Buuraha GalGala waxana dagaalkaasi socday Mudo dheer Madaxwaynaha PL oo Waraysi Wakhtigaasi Bixiyay waxa uu sheegay inay soo Af Jareen Kooxdii GalGala Balse Hadalkaasi ayaa wax ka danbeeyay Dhowr Dagaal oo danbe.

 

Halkan Ka dhageyso Waraysiga.

 

Madaxweynaha Puntland Dr Faroole-Afjarid Galgale War

 

Dhegayso Wasiirka Aminga PL Gen Yuusuf Axmed Khayr

 

Dhegayso Sheekh Atam VOA-da.

 

 

http://galgalanews.com/?p=14246

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this