Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland officers Graduate From Ethiopian Military college and welcomed back Home+PICS

Recommended Posts

Somaliland dan waxay ugu jirta in dawlada jaarka yihin inay xidhidh wanaagsan la yeeshan Ethiopiana wa ka mid dalalkaas iyo Jabuuti Xidhiidh ganacsi ba ka dhexeysa Somaliland iyo Ethiopia ganacsigu wa shayga kaliya eeh relationship wanaagsan ka dhex abuurta laba dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Magaca 'Anwar' qolooyin badan baa wadaaga: qaar af reer waqooyi ku hadla, qaar aan Af Somali'ba aqoonin, kuwa English jajab ah ku hadla & kuwo kale!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Siilaanyo has extra guns to protect him next time he strolls out of Morgan Villa into the streets of the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

somalilander rabo in lacaayo somaliland taas waa yaab .

xaaji xunjuf somaliland nimadaada shaki ayaa ka jiro maadaama wixii lagu aflagaadeyn lahaay aad soo bandhigeyso . madama umada somaliyeed eey necebtahay xabashi injirleey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Bilad Dahab Ah Ku Maamuusay Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Kaalinta Koowaad U Galay 70 Arday Oo kuliyadda Caafimaadka Ku Dhamaystay Dalkaas

 

Hargeysa (Ramaas) June 13,2011 – Raysal wasaaradaha dawlada federaalka Itoobiya Atto Males Zanawi ayaa bilad dahab ah guddoonsiiyay Axmed Shaadi Cabdilaahi oo ah sarkaal ka tirsan 10 askari oo culuumta caafimaadka ka baranayey jaamacad ku taala dalka Itoobiya, kaas oo kaalinta koowaad u galay 70 arday oo shahaadaha digreega koowaad ee culuumta caafimaadka ka dhamaystay

 

Sarkaalkan reer Somaliland ee kaalinta koowaad u galay jaamacada milatariga Itoobiya ku bartaan culuumta caafimaadka, ayaa waxa bilad dahab ah ku maamuusay raysal-Wasaare Males Zanawi oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay kaalinta uu galay.

 

War-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland oo soo gaadhay shabakada wararka ee RAMAAS ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Bishan June ee aynu ku jirno 11-keedii waxa lagu qabtay guriga Raysal wasaaraha dalka Itoobiya xaflad balaadhan oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf badan oo ka socota dalka Itoobiya, Safiirro,Milatari Attach-yo iyo madax badan.

 

Xafladaasi waxa loogu xidhayay 70 dhakhtar oo dhamaystay waxbarasho caafimaad, Jamhuuriyada Somaliland waxay ku lahayd ardaydaasi toban dhakhtar oo ka tirsan ciidanka qaranka oo dhamaystay waxbarashadaasi oo qaadanayay Digree-gii koowaad (BS), dhakhatarkii ugu sareeyay jaamacadaasi ee galay kaalinta koowaad waxa weeye sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Shaadi Cabdilaahi, waxaanu qaatay bilad dahab ah waxaana u xidhay biladaasi Raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

 

Waxa kale oo jira 10-ka dhakhtar ee ugu sareeyay waxbarashadaasi 7 ka mid ahi waa reer Somaliland,fagaarahaasi la isku arkay waxay dhakhaatiirtaasi uga soo hooyeen Somaliland magac iyo ammaan balaadhan.

 

Waxa kale oo jira laba arday oo kale oo dhamaystay kulliyada ciidanka lugta sanadkii 2008/2009 waxaanay qaateen iyaguna bilado dahab ah,haddana waxay ka tirsan yihiin saraakiisha ciidanka qaranka.

 

Taliyaha Ciidanka qaranku wuxuu u mahad celinayaa dawlada Itoobiya, gaar ahaan Taliyaha ciidanka Fadaraalka Itoobiya Gen. Samooro Yonis, waxa kale oo uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa saraakiishaasi xilkoodii gutay ee magaca iyo sharafta u soo hooyay dalkooda.”

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this