Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Madax badan oo uu kullan balaaran iminka uga soconaaya degmada Boondheere

Recommended Posts

Kadib markii Shabaab laga saaray xaruuntii degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta shir balaaran ku leh masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Kmg ee Soomaaliya.

 

Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay goor dhaw ay iskugu yimaadeen xaruunta degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, oo dhawr cisho kahor laga saaray Xarakada Al Shabaab.

 

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha degmada Boondheere, Gudoomiyaha degmada Shibis, Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey ayaa waxay maanta ay ku sugan yihiin xaflad balaaran oo goor dhaw ka bilaabatay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

 

Xafladaan ayaa waxaa kasoo qeyb gallay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaa oo si weyn ugu dabaal-dagaaya farxad balaaran oo ku aadan, deegaanadii laga saaray Xarakada Al Shabaab.

 

Farmaajo oo kullankaasi ka hadlay ayaa wuxuu si weyn uu ugu mahad-celiyay ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana wuxuu ku booriyay in inta u dhiman ay u dul qaataan.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, isagoo si weyn uga faalooday dhibaatada ee Xarakada Al Shabaab ku heyso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna wacad uu ku maray in si deg deg ay kusoo afjari doonaan.

 

Waxaa xafladani qeyb balaaran ka ah qeybaha kala duwan ee warbaahinta, iyadoo xafladaani ay ka qeyb galleen wariya-yaasha Shabakadda Dhacdo.com ee magaaladda Muqdisho, waxayna ay iminka ku hawlan yihiin muuqaalo kala duwan oo ay xafladu kasoo qaadayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacabka ku dhaqan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay maanta ay ciidamadda ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ay ugu deeqeen xoolo badan oo iskugu jira Geella, Lo’ iyo Ari.

 

Kadib markii ciidamadda dowladda Soomaaliya ay Shabaab ka saareen degmada Boondheere ayaa waxay shacabkii islahaa guryaha laga saaray Shabaab ay gar-waaqsadeen in ciidamadda dowladda ay abaal marin uga dhigaan neefafka Geella, Lo’da iyo Ariga.

 

Neefafkaan ayaa waxaa goor dhaw ciidamadda dowladda lagu gudoonsiiyay xaflad balaaran oo ka soconeysa xaruunta degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, iyadoo xaruunta dhawr maalmood kahor laga saaray Xarakada Al Shabaab.

 

C/Fataax Axmed oo kamid ah wariya-yaasha Shabakadda Dhacdo.com oo ku sugan goobta ay xafladu ka dhaceyso ayaa wuxuu kusoo waramayaa, in ciidamadda dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay neefaf abaal marin ah.

 

Wariyaheena ayaa wuxuu soo sheegayaa in neefafkaan qaarkood lagu bireeyay/qalay goobta ay xafladu ka dhaceyso, iyadoo ay jiraan neefaf kale oo si toos ah loogu wareejiyay saraakiisha sar sare ee ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wuxuu soo sheegayaa in xaflada ka dhaceyso degmada Boondheere ay gaba-gabo mareyso, isla-markaana wuxuu sheegay degmada Boondheere ay maanta ku sugan yihiin shacab badan oo aan horey loogu arag.

 

Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay oo abaal-marin noocaanoo kala ah la-siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, oo dhawaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab ka saaray inta badan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;726720 wrote:
DSC04768-466x350.jpg

Manshallah, may god bless our stong, unique and truly woderful Women. We couldn't have dreamt for better companions than our Somali women! Never tiring, never stopping and always working no matter what the conditions... I am filled with pride and respect.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this