Saalax Posted June 6, 2011 Dowlada Ugandha ayaa xaqiijisay in mid kamid ah Korneylada hogaamiyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho la dilay maalinimadii Sabtidii. Korneylkan ayaa lagu wadaa in maanta magaciisa la shaaciyo, wuxuuna kamid ahaa shan askari oo kamid ah ciidamada AMISOM oo uu ku dhacay hoobiye ay soo tuureen kooxda Al Shabaab, dagaalkii ugu danbeeyey ee ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Korneylkan ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyey ee AMISOM oo in muddo ah lagu dilo dalka Soomaaliya gudihiisa, waxayna kusoo beegmaysaa xili ay ciidamada AMISOM wadaan dagaalo ay ku doonayaan inay kula wareegaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Xarkada AL Shabaab ayaa sheegtay inay gubeen labo kamid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM, ayadoo Taliyaha Ciidamada AMISOM Maj. Gen. Nathan Mugisha uu xaqiijiyey dhimashada saraakiisha ka socota AMISOM, asagoo arrintaasi ku tilmaamay mid nasiib xumo ah. Maj. Gen. Nathan Mugisha oo hada ku sugan shirka ka dhacayey magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan magaca Taliyahaasi la dilay, wuxuuna sheegay in si khaldan uu u dhintay sarkaalkaasi sare. Dilka Korneylkan kasoo jeeda dalka Ugandha ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musefeni uu sheegay in wakhti 1 sano ah loogu daro dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, hadii kale oo lasoo dadajiyo Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka in dalkiisa uu ciidamada Ugandha kala bixi doono dalka Soomaaliya. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jiiroow Bakaal Posted June 6, 2011 Must be this one Quote Share this post Link to post Share on other sites